Dood wayn oo ka taagan filimka uu Shah Rukh Khan ku noqday 'boqorka jacaylka'

Xigashada Sawirka, Reuters
Shirkadda caanka ah ee Riwaayadaha masraxyada ka samaysa dalka Mareyknaka ee Broadway ayaa qorshaynaysa in ay soo bandhigto qisada filimBollywood ah oo si wayn looga daba dhacay.
Filimka oo lagu magacaabo 'Dilwale Dulhania Le Jayenge' ayaa waxaa jilay xiddigaha Bollywood-ka, Shah Rukh Khan iyo Kajol.
Broadway ayaa damacsan inay qaab riwaayad ahaan ah u samayso filimka, balse waxa uu muran xoog leh ka dhashay qofka matali doona doorka Shah Rukh Khan.
Nin caddaan ah ayaa loo xushay inuu riwaayadda ka noqdo Raj, oo ah magaca uu Khan ku jilayay filimka caanka ah.
Hase yeeshee taageerayaasha Bollywood-ka ayaa muujiyay in aysan ku faraxsanayn go'aanka lagu doortay atooraha riwaayadda oo magaceeda laga dhigay 'DDLJ Musical'.
Taas waxaa sii dheer in magaca atooraha filimka oo ahaa Raj loo baddalay Rog, taasoo ay dad badan u arkeen arrin cunsuriyad ah.
Filimka oo magac dheer leh ayaa si wayn loogu yaqaannaa erayada loo soo gaabiyay magaciisa ee 'DDLJ'.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waa mid ka mid ah filimada ugu xiisaha badan ee ilaa hadda uu liiska ku darsaday Shah Rukh Khan, si gaar ahna waa filimka sababta u ah in jilaagan lagu naanayso "Boqorka Jacaylka".
Dhinaca ganacsiga filimada iyo Shaleemooyinka, haddii qof Caddaan ah loo dhiibo door uu jilay qof ku astaysan sinji gaar ah waxaa loo yaqaannaa 'whitewashing'.
Qaar ka tirsan taageerayaasha filimka DDLJ ayaa baraha bulshada ku sheegay in ay aad ula yaabeen "in ficil noocaas ah dhaco iyadoo la joogo sanadka 2022-ka, oo ah xilli ay jiraan dad sameeya olole ka dhan ah cunsuriyadda".
Vikas Khanna, oo ah cunto-kariye caan ka ah Hindiya, ayaa boggiisa Twitter-ka ku sheegay in inuu ku farxay markii uu ogaaday warka ku saabsan in filimka laga samaynayo riwaayad balse uu hadda si wayn u niyad jabsan yahay.
Vikas waxa uu Twitter-ka ku leeyahay in ka badan 2.2 milyan oo taageereyaal ah.

Xigashada Sawirka, INSTAGRAM/austin__colby
Dad badan oo kale ayaa sidaas si la mid ah uga hadlay mowduucan oo maalmihii lasoo dhaafay si aad ah loo hadal hayay.
Dib u hseegidda qisada filim 27 sano jira?
Falanqayn uu sameeyay Aaron Rasheed, oo ka tirsan BBC Asian
DDLJ waxaa lagu tilmaamaa mid ka tirsan filimada jacaylka ee ugu fiican Bollywood-ka.
Waxa uu ku saabasan yahay qisada nin dhallinyaro ah oo jeclaaday gabar, kaddibna u sheegay in uu ku guulaysan doono qalbiyada qoyskeeda iyo tolkeeda, si uu u guursado iyada.
Doorka hoggaamineed ee uu Shah Rukh Khan ku lahaa filimkan waxa uu ku helay taageero aad u badan iyo magac wayn.
Filimkiisa waxa uu noqday hit islamarkii uu shaashadaha kasoo muuqdayba.
Halkaas ayuuna ka billowday safarka atoorahan uu ku noqday 'Boqorka Jacaylka'.
Markii ugu horraysay, agaasimaha filimkan, Aditya Chopra dookhiisa koowaad ee filimkan ma ahayn Shah Rukh Khan. Waxaa ugu horrayn uu qorshuhu ahaa inuu doorkaas qaato Saif Ali Khan.
Saif ayaa diiday inuu qayb ka noqdo filimkan oo ah kan ugu waqtiga dheer Bollywood-ka, maadaama uu xilligaas mashquul ku ahaa duubista filimo kale.










