Maxaad ka taqaan Abdürrahim Yörük, samafalihii Turkiga ahaa ee lagu dilay Soomaaliya?

Xigashada Sawirka, Abdürrahim Yörük / Instagram
Khamiistii aynu soo dhaafnay ayaa qarax ka dhaca deegaanka Garasbaaleey ee duleedka magaalada Muqdisho waxaa ku dhintay samafale Turki ah oo lagu magacaabo Abdürrahim Yörük.
Qaraxaas oo ahaa mid wadada dhinaceeda lagu aasay ayaa waxaa lala beegsaday gaadiid ay wateen koox samafalayaal ah iyo ciidan waardiyaynayay, waxaana masuuliyadiisa sheegtay ururka al Shabaab ee xulufada la ah Al Qaacida.
Sidoo kale waxaa weerar ku dhintay muwaadin Soomaaliyeed oo ay wada shaqaynayeen Abdürrahim .
Hay'adda samafalka ee Verenel Association oo ka tirsanaa Abdürrahim , ayaa war ay ku soo daabacday bogageeda baraha bulshada waxay ka tacsiyeeysay geerida Abdürrahim.
"Walaal Abdurrahim Yörük, waxa uu ku shahiiday weerar bam oo dhacay 11:30, afartii bisha afaraad ee sanadka 2024 ta, kaas oo lala beegsaday shaqaale u shaqaynayay hay'adda Verenel Association...Ilaahey ha ugu deeqo janooyinkiisa sareeya," ayaa lau yiri warka ka soo baxay hay'adda ee lagu daabacay baraheeda bulshada.
Afar ruux oo kale ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen weerarkaas oo dhacay xilli gaadiidka ay saarnaayeen shaqaalaha hay'addaan gargaaka ay marayeen goobta.

Xigashada Sawirka, Abdürrahim Yörük IG
Muxuu qaban jiray Abdürrahim?
Abdürrahim, waxa uu ahaa wakiilka Soomaaliya u qaabilsan hay'adda Verenel Association ee ka shaqaysa samafalka.
Soomaaliya ayaa waxa uu yimid muddo shan bil ka hor, si uu shaqo sadaqo siin dadka tabaaleysan ee barakacayaasha ah uga sameeyo Soomaaliya.
Inta uusan soo aadin Soomaaliya ayaa waxa uu ka yimid oo saldhig u ahayd magaalada Nevşehir, oo ah magaalo ku taalla bartmaha gobolka Anatolia ee dalka Turkiga.
Magaaladaas oo ay dagan yihiin qoyskiisu, ayaa waxaa la sheegay in uu qorsheynayay in uu ku laabato bisha barakaysan ee Ramadan si uu ula Soomo qoyskiisa oo halkaas dagan.
Sida ay qireen dadka ay isku magaalada ahaayeen, waxa uu ahaa in muddo dheer ahaa, aadna u jeclaa in uu ahaado u dhaqdhaqaae arimaha bulshada, oo ka shaqeeya gargarka bani'aadamka.

Xigashada Sawirka, Abdürrahim Yörük IG
'Waxa uu u hoyday qabrigiisa'
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Maydka samafale Abdürrahim Yörük, ayaa waxaa loo qaaday dalka Turkiga, kadib markii laga soo qaaday halkii uu ku haleelay weerarkii uu baftiisa ku waayay.
Safarkaas ayaa ahaa kii ugu dambeeyay ee uu galo Yörük.
Munaaabad duugtiisa ayaa ka dhacday magaalada Kayseri ee dalka Turkiga, halkaas oo uu asal ahaan ka soo jeedo Kayseri.
Kadib markii salaadda janaasada lagula tukaday masaajidka Hulusi Akar, ayaa xilligii duhurka waxaa lagu aasay qabuuraha Asri ee magaalada Kayseri.
Qaraabada Abdürrahim iyo sidoo kale masuuliyiin ka tirsan dawladda Turkiga, sida wasiirka deegaanka, Mehmet Özhaseki, gudoomiyaha gobolka Gökmen Çiçek iyo duqa magaalada Kayseri Memduh Büyükkılıç.
Abdürrahim ayaa naftiisa waayay isaga oo doonayay in uu caawiyo qoysas Soomaaliyeed oo tabaaleysan, kuwaas oo intooda badan ku dhaqan xeryaha barakacayaasha ee ku yaala magaalada Muqdisho iyo agagaarkeeda.
Muuqaaladii iyo sawiradii ugu dambeeyay ee ku soo daabacay barahiisa bulshada ayaa waxay muuinayaan isaga ku sugan Soomaaliya, oo la swiran caruur Soomaaliyeed oo danyar u badan.
Dawladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeysay geerida Abdürrahim Yörük.
Dhanka kale siyaasiga Soomaaliyeed ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in Abdürrahim uu doonayay in uu lacago u qaybiyo laba boqol oo kun oo qoys oo danyar ah.
Horay ayaa waxaa injineero Tuki ah oo dhisayay wadada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho waxaa qarax ula beegsaday urur al Shabaab, halkaas oo ay ku dhinteen laba kamid ah.













