Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay kiiska shilka baabuur ee la sheegay in wiilkiisu baxsad ka yahay

Xigashada Sawirka, Facebook
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii ugu horreysay ka hadlay kiiska shilka gaari ee sababay dhimashada muwaadin Turki ah oo ka dhacay Istabuul.
Kiiskan ayaa labadii toddobaad ee u dambeeyay qabsaday warbaahinta gudaha Turkiga iyo tan caalamka, iyada oo mucaaradka dalkaas iyo xubno kale oo xilal ka haya ay ku baaqeen in lasoo qabto wiilka madaxweyne Xasan oo lagu eedeeyay in uu baxsaday.
Xaaska ninka shilka ku geeriyooday oo lagu Öznur Göçer oo la hadashay warbaahinta Cumhuriyet ee dalka Turkiga ayaa sheegtay: Waxaan ka cabanayaa qof kasta oo sababay geerida ninkayga iyo kuwa u ogolaaday in uu dalka ka baxo.”
Dawladda Turkiga ayay ku eedeysay in aysan sameyn tilaabooyinkii ay ka rajeyneysay inay qaadaan si ninkeeda uu cadaaladda u helo.
"Dowladdu waxay sheegayaan in wixii loo baahnaa la sameyn doono, balse anigu kuma qanci karo waxa ay leeyihiin,” ayay raacisay hadalkeeda.

Xigashada Sawirka, CUMHURIYET
Laakiin madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay wakaalada wararka Mareykanka AP ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu wiilkiisu baxsad yahay islamarkaasna ka cararay dalka Turkiga.
Waxa uu sheegay in wiilkiisa uusan ka cararin shilkii dhimashada keenay ee ka dhacay dalka Turkiga. Waxa uu xusay in uu kula taliyay wiilkiisa in uu dib ugu laabto Turkiga islamar kaas na uu hotago Maxkamadda u jartay amarka soo qabashada.
Waxa uu madaxweynuhu faahfaahiyay in wiilkiisa uusan ka soo cararin Turkiga kaddib markii uu dhacay shil uu ku dhintay muwaadin Turki ah wadada weyn ee Istanbul.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareysi uu siiyay wakaaladda warrarka ee AP ku sheegay in wiilkiisa oo 40 jir ah dhaqtar ah uu ku sugnaa halka uu shilku ka dhacay, maalmo kaddibna uu sii joogay Istanbul.
“Wuxuu ahaa shil. Muu cararin, wuxu qabsaday qareen,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan, isagoo intaa ku daray in aanu jirin wax amar ah oo lagu xirayo wiilkiisa, sidaa daraadeed hawlihiisa ayuu sii watay, sidaas ayuuna wadanka uga baxay.”
Yunus Emre Gocer, oo 38 jir ahaa wade mooto, ayaa ku dhintay isbitaalka lixdii Diiseembar, lix maalmood kaddib markii uu jiiray baabuur uu watay wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya oo la yiraahdo Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud kaas oo marayay waddo mashquul badan oo ku taal Istanbul.
Maamulayaasha Turkiga ayaa amar ku bixiyay in wiilka uu dhalay madaxweynaha la xiro, lagana mamnuuco inuu u safro dibadda kaddib markii uu dhintay darawalka mootada.
Balse warrarka ayaa sheegaya in Maxamed uu ka dhoofay Turkiga wax yar kahor inta aan warqadda la soo saarin.
"Wali waxa uu xiriir la leeyahay Turkiga, waxa aan kala hadlayaa inuu dib ugu laabto oo uu tago maxkamadda," ayuu yiri madaxweynuhu. Laakiin wiilkaygu waa nin weyn, "go'aankiisana isagaa iska leh - laakiin taladaas ayaan siinayaa," ayuu sii raaciyay.
Madaxweynaha ayaa u tacsiyeeyay qoyska Gocer.
"Waxaan rabaa inaan fursadan uga faa'iidaysto inaan tacsi u diro qoyska, oo aanan garanaynin si aan ula xiriiro," ayuu ku yiri wareysiga uu Salaasadii bixiyay. “Waxaan la wadaagayaa murugada qofka ka baxay. Waan ka xunahay dhibka gaaray.”
Axadii, tobannaan qof oo ay ku jiraan darawallada mootooyinka ayaa mudaaharaad ka dhigay Istanbul iyagoo dalbanaya in wiilka madaxweynaha loo maxkamadeeyo geerida Gocer.
Falcelinta siyaasiyiinta Turkiga ee shilka iyo sida uu u dhacay
Muuqaallo lasii daayay oo ay duubeen kaamirooyinka CCTV ayuu duqa magalaadda Istanbul ku daabcay bogga uu ku leeyahay X oo horey loo oran jiray Twitter - waxay muujinayaan gaariga oo gadaal ugu dhacaya mootada, waddo mashquul badan.
"Waxaan haystaa gabar 15 jir ah oo dugsi sare dhigata. Waxaa kale oo ii jooga wiil sideed jir ah oo qaba xanuunka autism ka. Cunugeyga waa uu ka haray noloshii bulshada maadaama uu xanuunsanaa. Seygeyga iyo anigu waxaan isku dayaynay inaan nolosha ku toosino. Hadda cidlo ayaan taaganahay," ayay tiri Öznur Göçer.
Booliska ayay ku eedeysay inay gudbiyeen warbixin qalad ah, taas oo horseeday inuu waddanka ka baxo eedeysanaha shilkaan.

Xigashada Sawirka, X@OZGURCELIKCHP
Mootooleey dibad bax dhigay
Dhanka kale qoyska ninka dhintay iyo qaar kamid ah dadka ku shaqaysta mootooyinka ee adeegyada geeya ayaa maanta dhigay isku soo bax ay ku dalbanayaan inuu cadaalad helo wiilkoodii iyo saaxiibkood. Waxay socod cadlaado dalbasho ah ka soo bilaabeen halkii uu ka dhacay shilka oo ah Zincirlikuyu iyaga oo ku tagay illinka hore ee maxkamadda.
Madaxa xisbiga CHP ee gobolka Istanbul Özgür Çelik ayaa taageero u muujiyay dubadbaxayaasha.
Sida ay tibaaxayso xogta lagu daabacay Haber Yorun, wuxuu maxkamadda horteed ka sii daayay khudbad, isaga oo dhaliilay maqnaashaha wiilka ku lugta leh shilka sheegayna "inuu isaga tagay dalka isaga oo madaxbanaan".
Wuxuu sheegay "Inkiiskaan uu yahay mid iyaga oo dhan wada quseeya, ayna la socon doonaan ilaa dhamaadka".
Baaritaan booliska ah oo bilowday
Wasiirka cadaalada Turkiga Yılmaz Tunç ayaa shaaca ka qaaday in la bilaabay baaritaan maxkamadeed oo ka dhan ah saraakiisha booliiska ee sameeyay baaritaankii shilka iyo qiimeyntii qaladka koowaad ee shilka gaadiidka ee uu galay wiilka uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya.
Sarkiil ka tirsan Ciidanka waddooyinka ayaa bilaabay baritaan lagu ogaanayo cidda leh khaldka ayada oo sidoo kale la sugayo warbixinta uu soo saari doono shaybaarka cilmiga ah.
Dowladda Turkiga ayaa hore u soo saartay amar caalami ah oo lagu soo xirayo wiilka Madaxweynaha oo sheegeen in dalka uu ka baxdasay kadib shilka.
Dacwad oogaha Turkiga ayaa soo saaray amar caalami ah oo lagu soo xirayo kadib boqasho ay ku tageen guriga ninka shilka ku geeriyooday, sida wakaaladda wararka AFP ay kasoo xigtay warbaahinta gudaha.
"Magaca uu doono ha lahaadee, qof kastaa waa u siman yahay sharciga, waxaan mari doonta hananka caalamiga ah si aan u soo qabno cidda masuulka ka ah shikaan baaritaankaan si taxadar leh ayuu u socada " ayuu yiri wasiirka Caadaladda Turkiga .
Wiilka madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud wali kama hadlin arrintaan.
Sidoo kale xariirro ay BBC-da la sameeysay Madaxtooyada Soomaaliya iyo safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga si aan wax uga weydiinno arrintan ayaan suurtogelin.
Turkiga iyo Soomaaliya ayaa tobankii sano ee la soo dhaafay waxaa xiriirkooda diblumaasiyadeed uu ahaa mid sii xoogeysanayay, iyadoo Turkiga ka kaalmeeyo Soomaaliya kaabeyaasha dhaqaalaha, tababarrada ciidamada iyo gargaarka bani’aadanimo.















