Maxaan ka ognahay maal gelinta iyo deeqaha shisheeye ee ay hesho Xamaas?

Maalgelinta Xamaas

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Maalgelinta Xamaas iyo deeqaha caalamiga ah

Xamaas waxay leedahay garab hubaysan, sidoo kalana waxa ay maamushaa dhul ay ku nool yihiin dad gaaraya 2.3 milyan oo qof.

Qaab dhismeedkeeda maaliyadeed waa mid adag oo aan mugdi ku jirin, kana baxsan gudaha Marina Qasa, oo micneheedu yahay in bannaanka ay dhaqaale ka helaan.

Xamaas, oo Maraykanka iyo Midowga Yurub ay u arkaan urur argagixiso, ayaa cunaqabatayn lagu soo rogay muddo tobannaan sano ah iyada oo aan la helin nidaamka bangiyada caalamiga ah.

Si kastaba ha ahaatee, maadaama ay awood u yeelatay in ay si weyn usoo muuqato 7-dii Oktoobar, kadib markii ay weerar lama filaan ah ay ku qaadday Israa'iil iyagoo adeegsanaya kumanaan gantaallo ah, diyaarado aan duuliye lahayn iyo qalab kale, kooxdu uma muuqato mid gabaabsi ah.

Haddaba sidee ayay isu maalgelisaa?

Xamaas waa dhaqdhaqaaq Islaami ah oo la’aas aasay 1987-kii kaas oo leh garbo siyaasadeed iyo mid ciidanba.

Dhaqdhaqaaqooda hubeysan ee loo yaqaan Guutada Ezzedine al-Qassam, ayaa marar badan oo hore weerarro iyo qaraxyo ismiidaamin ah ku qaaday Israa’iil.

Urur siyaasadeed iyo bulsho ahaan, waxay uruurisaa canshuuro, waxayna gargaar caalami ka heshaa dowlado shisheeye oo ay isku fikir yihiin iyo ururro samafal, hase yeeshee, sida ay muujinayaan weerarradii 7-dii Oktoobar, waxay sidoo kale awood u yeelatay inay hesho qalab ciidan.

Burburinta Qasa ee dagaalladii isdaba joogga ahaa iyo go’doominta Israa’iil ayaa keentay in dadkeeda ay ku tiirsanaadaan gargaarka caalamiga ah.

Qatar

Dalka yar ee Khaliijka, oo kamid ah dalalka ugu qanisan adduunka, ayaa ka mid ahaa dowladihii tirada yaraa oo uu wehelinayay Turkiga isla markaana taageeray Xamaas kadib markii ay kala jabeen jabhaddii Falastiiniyiinta ee Fatax sannadkii 2007-dii. Markii Israa’iil ay go’doomin ku soo rogtay Qasa isla sannadkaas, Qatar waxay go'aansatay inay Falastiiniyiinta ku taageerto marinka gargaar bini'aadantinimo.

Fataax

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Kooxda Fataax
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sanadkii 2012-kii, Sheekh Xamad bin Khalifa Al-Thani, oo xilligaas ahaa Amiirka Qatar, ayaa ahaa Madaxii ugu horeeyay ee booqda Qasa oo ay maamusho Xamaas, wuxuuna ballanqaaday gargaar malaayiin doollar ah, taasoo ugu dambeyntii ay ogolaatay Israa’iil.

Qatar ayaa taageero siyaasadeed u fidisay Xamaas iyadoo u oggolaatay hoggaamiyayaasheeda in ay ku noolaadaan Doha tan iyo 2012-kii, kadib markii ay isaga tageen xaruntoodii taariikhiga ahayd ee Dimishiq dagaalka sokeeye ee Suuriya awgeed.

Ismaaciil Haniyeh, oo loo tixgaliyo inuu yahay hoggaamiyaha ururka iyo Khaalid Meshcal, oo isaga ka horreeyay, labada, waxay ku sugan yihiin caasimadda Qatar, si la mid ah hoggaamiyeyaasha Taliban ilaa ay dib ula wareegaan xukunka Afgaanistaan 2021-kii.

Doorkan dhex dhexaadinta Xamaas iyo Israa’iil, oo Masar ay dhaqan ahaan ka dhabaysay, ayaa waxa hadda kaalinteeda koowaad leh Qatar, sida aan dhawaan ku aragnay wada xaajoodyo ku saabsan la haystayaasha Israa’iil ee u afduuban kooxda ah.

Qatar oo sidoo kale hoy u ah ciidamada ugu badan ee Maraykanka ka jooga bariga dhexe, ayaa sidoo kale balaayiin doolar oo gargaar bini’aadantinimo u dirtay Falastiiniyiinta sanadihii lasoo dhaafay si loo yareeyo cawaaqib xumada ka dhalan karta go’doominta Israa,iil ee Qasa. Dooxa ayaa ku adkeysaneysa in lacagtan ay tahay mid loogu tala galay Falastiiniyiinta, ee aysan ahayn Xamaas.

Ma cadda inta ay le’eg tahay kaalmadan, laakiin falanqeeyayaasha ayaa ku qiyaasay inta u dhaxaysa 1 bilyan ilaa 2.6 bilyan tan iyo 2014-kii, taasoo gacan ka geysatay dib u dhiska Marinka kadib dagaallo kala duwan oo lala galay Israa’iil.

Lacagtan oo bil walba la bixin jiray, ayaa waxay sahashay in la bixiyo qayb ka mid ah mushaaraadka ku dhawaad 50,000 oo ka mid ah saraakiisha Qasa, in ay iibsadaan shidaal lagu kiciyo korontada marinka, iyo in lagu caawiyo qoysaska danyarta ah, oo bishiiba lasiiyo lacag dhan 100 doollaar.

Booqashadii Qasa 2012-kii ee Sheekh Hamad bin Khalifa al-Thani ayaa muujisay taageerada xooggan ee Xamaas, oo uu hoggaamiyo Ismaaciil Haniyeh.

Sheikh Hamad bin Khalifa al-Thani

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Booqashadii Sheikh Hamad bin Khalifa al-Thani ee Qasa

Falanqeeyayaasha qaar ayaa rumeysan in qaar ka mid ah lacagtan gargaarka caalamiga ah ay ku dhamaanayso gacanta garabka hubaysan ee Xamaas.

Xamaas had iyo jeer way diidi jirtay taas, al Hroubna waxa uu xaqiijinayaa in aysan jirin wax caddaynaya tan.

"Dhibaatada dhaqaale ee Xamaas haysataa maaha in ay maalgeliso xisbiga ama garabkeeda hubaysan, taasi waa qaybta ugu fudud. Waxa ugu adag ayaa ah in la taageero malaayiinta Falastiiniyiinta ah ee Qaza ku dhibaataysan, Xamaas ayaana dareemaysa cadaadiskaas.”

Hay'adda ugu weyn ee gargaarka bini'aadantinimo ee Qaza waa UNRWA, waa Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Falastiin ee Bariga Dhexe. Gargaarkooda waxa si toos ah u qaybiya kooxahooda, kuwaas oo ka gudbay kontarooladii hore, afhayeen u hadlay UNRWA ayaa u sheegay BBC-da.

Hoggaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh iyo kulankii Ayatollah Khamenei ee magaalada Tehran 5-tii Nofembar.

Iran

Xamaas waa mid ka mid ah kooxaha samaysa isbahaysiga loo yaqaan Axis of Resistance, oo ay hogaaminayso Iran oo ay ka mid yihiin, Suuriya iyo kooxda Islaamiga ah ee Lubnaan ee Xisbullah. Arrintooda ugu weyn ee ay wadaagaan waa naceybkooda Israa'iil iyo naceybka Mareykanka.

Si loo xakameeyo saamaynta Israa'iil loona hubiyo badbaadada xukuumadda Ayatollahs, Tehran waxay kobcisay shabakad xulafo ah oo gobolka ah, taas oo ka caawiso "maalgelinta, tababarka ama hubka," ayuu qoray Sanam Vakil, oo ah agaasimaha Chatham House ee Bariga Dhexe iyo Waqooyiga, gaar ahaan Barnaamujka Afrika, maqaal ay dhawaan daabacday hay’adda cilmi-nafsiga.

Waxaa ka mid ah Xamaas iyo kooxaha kale ee iska caabinta Falastiiniyiinta, kuwaas oo Iran ay si isa soo taraysa u taageertay tan iyo 1990-meeyadii, sida uu sheegay Vakil.

Taageeradani waxay u tarjumaysaa, sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, in 100m$ sannadkii la siiyo Xamaas, Islamic Jihad iyo Jabhadda caanka ah ee Xoreynta Falastiin.

In kasta oo Xamaas iyo Iran ay ku kala duwanaayeen dagaalka sokeeye ee Suuriya markii kooxda Falastiiniyiinta ay diideen inay taageeraan Bashaar al Assad, “Maalgelinta Iran weligeed ma joogsan, laakiin lacagta kooxda hubaysan ayaa sii socotay,” ayuu yiri Matthew Levitt, oo falanqeeye ka ah Machadka Washington ee Siyaasadda Bariga dhow.

Ma cadda inta Xamaas ay ka hesho Iran, hase yeeshee hoggaamiyaha Xamaas, Ismaaciil Haniyeh, ayaa sannadkii 2022-kii ku qiray wareysi uu siiyey Aljazeera, in Iran ay tahay deeq-bixiyeheeda ugu weyn, isla markaana ay $70m ugu deeqday horumarinta nidaamkeeda gantaallada.

BBC-da wax jawaab ah kamaysan helin wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran oo ku saabsan maalgelinta.

Ismaaciil Haniyeh

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Ismaaciil Haniyeh

Badeecooyin badan oo Qaza yaal, sida tubaakada, ayaa si aad ah loo canshuuraa, taas oo ah mid aysan aad u jeclayn dadweynaha oo dhan.

Canshuuraha

Maadaama ay tahay maamulka Qaza, Xamaas waxay aruurisaa canshuuraha soo dejinta oo ay ku jiraan kuwa marinnada Masar iyo dhaqdhaqaaqyada kale ee ganacsi ee Marinka, in kasta oo aysan caddayn inta lacag ee kasoo baxda bil kasta.

Tiradu way kala duwan tahay $15m ay wasaaradda maaliyadda Qaza u sheegtay weriyaha BBC-da ee Qaza, Rushdi Abualouf 2016-kii, iyo ilaa $300-450m oo ay falanqeeyayaasha sida Matthew Levitt soo xigtay.

faylalka maalgashiga

Sida laga soo xigtay Waaxda Hantidhowrka Mareykanka ee Xafiiska Xakamaynta Hantida Dibadda ee loosoo gaabiyo OFAC, Xamaas waxay leedahay xafiis maalgashi oo caalami ah oo leh hanti lagu qiyaasay $500m.

Shabakaddan ayaa shirkado ku leh dalal ay ka mid yihiin Sudan,Turkiga,Sacuudiga,Aljeeriya iyo Imaaraadka Carabta, sida laga soo xigtay OFAC, waxayna aaminsan in madaxda sare ee Xamaas,ay gacanta ku hayaan oo ay kormeeraan qaybtan maalgashiga ah.

Israa'iil iyo Maraykanku waxay aaminsan yihiin in faylalka maalgashiga ee Xamaas uu maalgeliyo garabkeeda hubaysan.

Washington waxay Xamaas u aragtaa urur argagixiso waxayna ciqaabtaa cid kasta oo ganacsi la samaysa.

Shirkadaha uu Maraykanku soo xigtay, waxa ka mid ah shirkad macdanta ka soo saarta Suudaan, shirkad Turki ah iyo shirkad dhisme oo Sucuudi ah.

Lacagta dhijitaalka ah iyo deeqaha

Xamaas waxa kale oo ay ku tiirsan tahay maalgelinteeda deeqaha ay ka hesho dadka u janjeera dhulka Falastiiniyiinta, dalalka Carabta iyo meelo ka baxsan gobolka, ayuu yiri al Hroub.

Deeqahaas, oo inta badan raacaya diinta Islaamka ee ah "zakada" saamiga hantida shakhsi ahaaneed ee Islaamku ku baaqay in lagu deeqo si loo caawiyo kuwa u baahan ayaa gacan ka geystay maalgelinta Xamaas.

Markii Xamaas ay isku daydo in ay lacag ku ururiso hay'adaha samafalka "ma sheegaan in lacagahaas ay maalgelinayaan Xamaas, laakiin waxay u muujiyaan qaab gargaar ah," ayuu ku dooday Matthew Levitt, oo ku qiyaasay "qayb weyn oo ka mid ah lacagtaas waxay ku dhamaan doontaa in loo isticmaalo arimo ciidan”.

Ilaa 2019-kii, qaar ka mid ah deeqahaas waxaa lagu sameeyay qaab dhijital ah.

Lacagta loo yaqaan 'tan dhijitaalka ah' waxay u oggolaataa lacag badan in loo wareejiyo xuduudaha si ka dhakhso badan ama sida xawaaladaha caadiga ah, tani waxay ka dhigaysaa tignoolajiyada "mid aad u soo jiidata jilayaasha sharciga ah iyo kuwa sharci darrada ah", ayuu yiri Redbord.

Sida laga soo xigtay TRM Labs, 2020-kii Waaxda Cadaaladda ee Maraykanku waxay la wareegtay 150 ciwaan oo dhinaca xawilaadda ah oo xiriir la leh Xamaas, kuwaas oo lacag ka uruurinayey Telegram-ka iyo mareegaha kale ee internetka.

"xawilaadda dhijitaalka ah waa qayb aad u yar oo ka mid ah waxyaabaha sababa maalgelinta argagixisada," ayuu yiri Ari Redbord.