"Taliyeyaasha Ruushka waxa ay ka wada xaajoodeen xilliga iyo goobaha ay u adeegsanyaan hubka Nukliyeerka"

Xigashada Sawirka, RUSSIAN DEFENCE MINISTRY
Hogaamiyaasha sare ee militariga Ruushka ayaa bishii hore ka wada hadlay sida iyo goorta ay hubka nukliyeerka ugu adeegsan karaan goobaha dagaalka ee Ukraine, waa sida labo sarkaal oo Mareykan ah ay u sheegeen warbaahinta CBS News.
Vladimir Putin kama uusan mid ahayn wada-hadallada, sida ay BBC-da u sheegeen ilo wareedyo ku sugan Mareykanka.
Aqalka Cad ayaa sheegay in dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ay “ka walaacsan yihiin xiisadda sii kordheysa” ee adeegsiga hubka nukliyeerka.
Laakiin xukuumadda Ruushka ayaa nuuxnuuxsatay in Maraykanku aanu arkin calaamad muujinaysa in Ruushku isu diyaarinayo isticmaalka hubka noocaas ah.
Taasi waxay taageersan tahay qiimayntii hore ee sirdoonka reer galbeedka ee ahaa in Moscow aanay dhaqaajin hubkeeda nukliyeerka.
Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa reer galbeedka ku eedeeyay "in ay si ula kac ah u soo bandhigaan mawduucaas daaran hubka nukliyeerka",
Hase yeeshee madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa bishii September ku dhawaaqay “qeyb ka mid ah abaabulka” ciidamo loo dirayo dalka Ukraine, wuxuuna ku hanjabay inuu awoodiisa oo dhan u adeegsado difaaca dhulka Ruushka, taasoo cabsi ka abuurtay caalamka.
Digniinada hore Ruushka, ayay falanqeeyayaasha sheegeen in loo fasiran karo digniin ku socota wadamada kale si aysan u kordhinin ku lug lahaanshahooda Ukraine, haddii ay taasi dhici weysana ay danta ku khasbi doonto inuu isticmaalo hubka nukliyeerka.
Dhanka kale madaxweynihii hore ee Ruushka Dmitry Medvedev ayaa mar sii horreysay oo uu hadlay u muuqday inuu meesha ka saaray madmadow kasta oo ku saabsan adeegsiga hubka nukliyeerka.
Medevedev wuxuu sheegay in hub kasta ay haysato Moscow, oo xitaa uu jiro hubka istiraatiijiga ah ee nukliyeerka, loo isticmaali karo in lagu difaaco dhulalka ku biiray Ruushka ee ka soo go’ay Ukraine, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Putin: "Adduunka wuxuu galaya 10 sano ugu halista badnaa"
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ka digay in adduunka uu wajahayo tobankii sano ee ugu halista badnaa tan iyo dhamaadkii dagaalkii labaad ee aduunka.
Khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu jeediyay dhawaan taas oo uu ku doonayay in uu qiil ugu sameeyo duulaanka Ruushka ee Ukraine.
Tallaabadaas oo dalkiisa ka dhigtay mid ku gala xaalad go'doon oo caalami ah.Mr Putin ayaa sidoo kale ku eedeeyay reer galbeedka in ay isku deyeyaan in ay ku baqa maalaan hubka Nukliyeerka taas oo ay isku deyayaan si ay ugu qasbaan xulafada Ruushka in ay dhabarka u jeediyaan Moscow ayuu sheegay.
Dhawaan ayay ahayd markii waddammada Reer Galbeedku ay dhalleeceeyeen, hanjabaadaha nukliyeer ee ruushku bixiniyey.
Horraantii todobaadkan isbahaysiga militariga Nato ayaa cambaareeyay sheegashada aan la hubin ee Ruushka ee ah in Ukraine ay isticmaali karto "bam sun ah" - kaas oo walxahiisa qarxa la soo raaciyey shucaaca halis ah oo saamayntiisu waarto.
Xoghayaha guud ee gaashaanbuurta Nato Jens Stoltenberg ayaa sheegay in xubnaha isbahaysigu "ay iska fogeeyeen eedaymahaas" xilli ay dhankooda ku doodeen "in Ruushku iskudeyayo abuuridda marmarsiinyo uu ku sii xumeeyo xaalka dagaalka".
Madaxweyne Putin ayaa ka hadlayay fagaaraha sanadlaha ah ee Valdai ka dib guuldarrooyin isdaba joog ah oo millatari oo dhawaan kaga dhacay Ukraine, halka dhanka kalena cadhada ay shacabku ka qabaan doonistiisii ku aaddanayd qoridda askar cusub oo gaadhsiisan illaa 300 oo kun ay sii baahaysay.
Intee ayuu la’eg yahay baaxadda hubka Nukliyeerka ee Ruushku haysto?
Dhammaan tirooyinka ama baaxadda ku saabsan hubka nukliyeerka waa qiyaas, balse, sida laga soo xigtay Ururka Saynisyahanada Maraykanka, Ruushku wuxuu haystaa 5,977 oo madaxyo nukliyeer ah - qalabka guba fiyuuska qaraxa nukliyeerka - inkastoo tiradaas la sheegay inay ku jiraan ilaa 1,500 madaxyo nukliyeer ah oo aan shaqeynin kuwaas oo la rabo in la burburiyo.
4,500 ama wax ka badan madaxyada nukliyeerka ee haray, intooda badan waxaa loo tixgeliyaa hubka istaraatiijiga ah ee nukliyeerka - gantaalada ballistic-ga ama gantaallada lagu hagi karo bartilmaameedyada fog. Tirada hubka nukliyeerka ee Ruushka:
1: Gantaallada qaaradaha u kala goosha: 1,1852.
2: gantaallada balistikada ah ee ay qaadaan maraakiibta quusta: 8003.
3: Gantaallada nukliyeerka ee laga soo gano diyaaradaha: 580













