Dhegeyso: Walaaca ay TikTok-leyda Soomaalida ka qabaan in bartaas laga mamnuuco Mareykanka

Qoraalka Codka, TikTok ayaa haatan kusoo laabtay hawada Mareykanka

TikTok ayaa dib ugu soo laabtay hawada Mareykanka iyadoo 170 milyan oo macmiil u ah oo dalkaas ku nool ay soo dhoweeyeen kadib markii madaxweynaha la doortay Donald Trump uu sheegay inuu soo saari doono amar sare oo ah in bartaasi ay sii shaqeyso marka uu xilka la wareego maanta oo Isniin ah.

Sabtidii, bartan Shiinaha laga leeyahay ayaa hawada Mareykanka ka baxday kadib markii sharci lagu mamnuucayo oo dhaqan-galay.

Trump, oo hore u taageeray mamnuucidda bartan, ayaa shalay ballan-qaaday inuu dib u dhigi doono dhaqan-galka sharciga.

Haddaba, Soomaali badan oo dalkaas ku nool aadna u isticmaala bartan ayaa ka walaacay mamnuucidda, waxaa ka mid ah Cilmi Maxamed Waare oo ah weriye madax-bannaan oo jooga gobolka Indiana, wuxuuna BBC-da uga warramay sida ay arrintan shakhsi ahaan u saameysay.