Trump oo soo saaray sharci saamaynaya darawalada baabuurta xamuulka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweyne Donald Trump ayaa saxiixay amar fulineed oo ku waajibinaya darawallada xamuulka ah inay ka gudbaan imtixaanno akhris iyo qoris oo af Ingiriisi ah, taasoo lagu sheegay inay kor u qaadi doonto badbaadada waddooyinka, sida ay sheegay afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ka hor inta aan la saxiixin amrkan.
"Trump wuxuu saxiixi doonaa amar ku amraya Wasaaradda Gaadiidka inay ku darto imtixaan af-Ingiriisi ah oo loogu talagalay darawallada xamuulka. Tani waa dhibaato weyn oo ka jirta bulshada darawallada," ayay Leavitt tiri galabnimadii Isniinta shir jaraa'id oo ay qabteen xubno cusub oo saxaafadda ah. Shirkaas jaraa'id wuxuu ahaa mid gaar ah oo ka duwan shirkii caadiga ahaa ee Aqalka Cad ee subaxnimadii Isniinta.
Leavitt waxay sheegtay in Trump la filayo inuu amarka fulineed saxiixo gelinkii dambe ee Isniinta.
"Waxaa laga yaabaa inaadan ogayn, laakiin waxaa jira dhibaatooyin badan oo isgaadhsiineed oo u dhexeeya darawallada xamuulka iyo saraakiisha dowladda federaalka iyo kuwa maxalliga ah, taas oo si cad u khatar ugu ah badbaadada dadweynaha," ayay raacisay. "Sidaas darteed waxaan hubin doonaa in darawalladeenna – oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha – ay dhammaantood awoodaan inay ku hadlaan af Ingiriisi. Tani waa siyaasad caqli-gal ah."
Amarku wuxuu farayaa Wasiirka Gaadiidka Sean Duffy inuu "dib uga laabto tilmaamo hoos u dhigay sharciga ku waajibinaya aqoonta af-Ingiriisiga ee darawallada ganacsiga," iyo inuu "fuliyo tallaabooyin dheeraad ah oo maamul, sharci-dejin, ama fulineed ah si loo hagaajiyo xaaladaha shaqo ee darawallada xamuulka ee Maraykanka," sida lagu sheegay faahfaahin uu mas'uul ka tirsan Aqalka Cad la wadaagay warbaainta Fox News Digital.
"Madaxweyne Trump wuxuu aaminsan yahay in aqoonta af-Ingiriisigu ay tahay shardi amni oo aan laga gorgortami karin oo ay tahay in lagu xidho darawallada xirfadlayaasha ah, maadaama ay tahay inay akhriyi karaan oo fahmi karaan calaamadaha waddooyinka; la xidhiidhi karaan saraakiisha amniga waddooyinka, ilaalinta xuduudaha, iyo kuwo kale," ayaa uu sheegay masuul Aqalka Cad u hadlay.
Cilmi Maxamed Mubaarig oo ah saxafi madax bannaan horena uga mid ahaa dadka gaadiidkaas ka soo shaqeeyey ayaa sheegya in arrintani muhiim tahay, Soomaalida keliyana aanay saamaynaynin.
"Muhiimadaa arrintani waa ay in sharci kasta oo waddooyinka ah aad fahanto haddaad tahay wade gawaadhida xammuulka ah, oo markii hore ma ay ahayn shardi maadaama xilligii Obama Meesha laga saaray' ayuu yidhi Cilmi Maxamed Waare
"Soomaalida keliya ma aha dadka ay saamaynaysaa, balse sida oo kale dad kale oo xitaa waddammadan eeshiyo iyo latinka ka yimi oo gawaadhidan wada oo ay iyana saamaynayso, bal se soomaalida way jiraan wadayaal aan luuqadda aqoon oo gawaadhidaa xammuulka ah wada' ayuu BBC-da u sheegay Cilmi Maxamed Waare
Tani waa ugu yaraan amarkii fulineed ee labaad ee ku saabsan luqadda Ingiriisiga ee Madaxweyne Trump uu saxiixo tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay Xafiiska Oval-ka bishii Janaayo. Trump wuxuu bishii Maarso saxiixay amar fulineed kale oo ku dhawaaqaya in Ingiriisigu yahay luqadda rasmiga ah ee Maraykanka.













