Maxaan ka ognahay Soomaalida ku dhimatay duqaynta Maraykanka uu ka geystay Yemen

Yemen

Xigashada Sawirka, Reuters

Ugu yaraan 68 muhaajiriin Afrikaan ah ayaa lagu dilay Yemen kaddib markii Mareykanka uu hawada ka duqeeyay xarun dadka lagu hayo oo Xuutiyiinta maamulaan oo ku taal waqooyi-galbeed Yemen.

Goobta la duqeeyay waxaa booqday dad badan waxaana ka mid ah Ibrahim Cabdulqaadir Macallin oo ka mid ah Soomaalida ku nool Yemen, wuxuuna BBC uga warramay wixii uu ku soo arkay indhahiisa iyo sida ay waxa u dheceen.

Ibraahim wuxuu sheegay in goor aroor ah uu weerarka ka dhacay meel lagu hayo muhaajiriinta oo bannaan ah.

"Dadka waxaa laga soo qabtay xadka, in ay Sucuudiga galaan ayey doonayeen, waxaa laysugu keenay xabsiga magaalada Sacda, waxaana loo diyaariyay in la soo tarxiilo".

Xarunta dadka lagu hayo ee Sacda waxaa la sheegay in lagu hayay dad gaaraya 115 qof oo Afrikaan ah. Wax yar ka hor shanti arroornimo waqtiga Yemen ayaa la duqeeyay xarunta ilaa afar jeer.

TV-ga Al Masirah ee Yemen wuxuu sheegay in 47 muhaajiriin ah ay dhaawacmeen iyadoo intooda badan ay qabaan dhaawacyo halis ah. Muuqaalo laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya meydad badan oo ku hoos jira burburka. Mareykanka degdeg jawaab ugama bixin sida ay wax u dhaceen.

Saacado ka hor ayuu taliska dhexe ee Mareykanka sheegeen in ciidankooda ay duqeeyeen ilaa 800 oo bartilmaameed tan iyo markii madaxweyne Trump uu amray in la kordhiyo duqeymaha cirka ee ka dhanka ah Xuutiyiinta 15-ka bishii hore.

Yemen

Xigashada Sawirka, Reuters

Waxaan weydiinay Ibrahim Cabdulqaadir Macallin markii uu tagay xabsiga duqeynta kaddib in uu arkay Soomaali halkaas joogtay ama wax ku noqotay.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Soomaalida tiradooda way yarayd, 3 maalin ka hor ayaa Soomaali badan oo meesha ku jirtay laga soo saaray" ayuu yiri Ibraahim oo sidoo kale noo sheegay waxa uu ka ogyahay tirada dadka wax ku noqoday xeradaas iyo inta ay Soomaali ka tahay.

"Dadka dhintay waa 90, dadka dhaawaca waa 25, Soomaalida waxaa la leeyahay 3 ilaa 4 qof ayaa ku jirtay laakin ilaa hadda xaqiiqdooda ma hayno" ayuu yiri, inkastoo ay BBC werisay geerida 68 qof.

Ibraahim wuxuu BBC-da u sheegay in ay la socdaan xaalada Soomaalida la soo qabto iyagoo u tahriibaya Sacuudiga.

"Muhaajiriinta aad ayaan ula soconaa, dad badan ayaa soo dhawacma oo marka ay galayaan xuduudda Sacuudiga la soo dilaa, jaaliyada way la socotaa dadkaas" ayuu yiri Ibraahim oo intaas ku daray "Qofka Soomaaliga ee la soo qabto waa la soo gudbiyaa si khasaaraha loo yareeyo".

Wararka waxay kaloo sheegayaan in weerarka lagu dilay boqollaal dagaalyahanada Xuutiyiinta iyo hoggaamiyayaal.

Balse Xuutiyiinta dhankoodu waxay sheegeen in duqeymaha lagu dilay rayid iyo tiro aan badneyn oo ka mid ahaa xubnahooda.

Ibraahim waxaa kaloo wax laga weydiiyey waxa ka run ah in halkaas ay aheyd saldhig ciidanka Xuutiyiintu leeyihiin wuxuu sheegay in ay taasi jirin.

"Waxba kama jiraan waxaas, meesha ay dadka ku xirnaayeen waa meel bannaan ah, xabsi ah oo ciidan u dhaweyn, meel ciidan iyo xero ciidan u dhow ma aheyn".

Tirada dhimashada iyo dhaawaca degdeg looma xaqiijin karo balse muuqaallo Al Masirah soo bandhigeen ayaa lagu arkayay shaqaalaha gurmadka degdegga oo ka soo dhex saaraya meydad burburka dhismaha.

Sidoo kale waxaa la arkayay nin dhaawac ah oo ku qeylinayay "Hooyadey", luuqada uu ku hadlayay ninkaas ayaa la cadeeyay in ay aheyd afka Axmaariga.

Burbur

Xigashada Sawirka, Reuters

Wasaarada arrimaha gudaha Xuutiyiinta ayaa cambaareysay weerarka iyadoo ku tilmaantay in ay ka dhigan tahay dambi dagaal.

Dhanka kale hay'adda Qaramada Midoobay ee Muhaajiriinta (IOM) ayaa sheegtay in ay "si weyn uga walaacsan ahay dadka ku dhintay Sacda".

"IOM kama shaqeyneyn dhismaha, waxaan naga go'an in aan si dhow ula socono xaaladda, lana garab istaagno taageerada loo baahan yahay" ayey tiri hay'adda.

Iyadoo burbur iyo xaalad bani'aadannimo ay ka jirto Yemen taas oo ay keeneen dagaallada 11-ka sano ka socday dalka, ayaa haddana muhaajiriin waxay dalka ku yimaadaan doomo kuwaas oo ka soo baxa geeska Afrika. Arrimo la xiriira, dhaqaale, siyaasad iyo abaaro ayaana sabab u ah waxyaabaha ku Kallifa muhaajiriinta in ay ka soo baxaan dalkooda.

Inta badan muhaajiriinta waxay doonayaan in ay u sii gudbaan Sacuudiga si ay halkaas uga shaqeystaan balse waxay la kulmaan in la dhiigmiirto, la xiro iyo safarro khatar ah ay ku marayaan dhul dagaal uu ka socdo, sida ay IOM sheegeyso.

Hay'adda waxay sheegtay in sanadkii 2024-kii kaliya ay yimaadeen muhaajiriin gaaraya ilaa iyo 60,900. Intooda badan waxay ka soo baxeen dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya.

Kumannaan muhaajiriin ah ayaa la rumeysan yahay in lagu hayay xerooyin sida tan hadda la duqeeyay ee Sacda, balse ma jirto xog rasmi ah oo ay soo saareen maamulka Xuutiyiinta ee maamula xarunta.

Kooxaha xuquuqda aadanaha waxay sheegeen in dadka la xiro ay ku jiraan xaalado quus ah oo ay ka mid yihiin ciriiri, xadgudub iyo nadaafad xumo.