Gawaarida xamuulka oo Xamar laga mamnuucay xilliyada qaar

Qarixii Soobe ayaa gaystay burbur wayn
Qoraalka sawirka, Qarixii Soobe ayaa gaystay burbur wayn

Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray amar lagu mamnuucay in bartamaha Muqdisho ay isticmaalaan gawaarida booyadaha iyo kuwa xamuulka ah, xilliga maalinta.

Weerarro dhowr ah oo dhawaan lagu qaaday Muqdisho iyo qaar ka mid ah saldhigyada ciidamada Soomaaliya ayaa loo adeegsaday gawaari xamuul ah.

Qarixii laba isbuuc ka hor ka dhacay isgoyska Soobe waxaa loo adeegsaday gaari wayn, waxaana la sheegay in booyad shidaal oo meesha mareysay saamyn ku yeelatay qaraxa iyo dabkii ka dhacay.

"Booyadaha kuma socon karaan magaalada gudaheeda laga billaabo 7-da subaxnimo illaa Sideeda Fiidnimo," ayaa lagu yiri wareegto ka soo baxday xafiiska maamulka gobolka.

Maamulka ma aysan cadeyn in arrintan lala xiriirinayo qaraxyada loo adeegsado gawaarida waawayn, balse waxay sheegaan in "tallaabadan looga gol leeyahay xaqiijinta amniga"

Warqad ka soo baxday maamulka ayaa lagu sheegay in "saxmadda jidadka lagu yareynayo iyo laga jawaabo cabashooyin ka yimid shacabka ku nool Gobolka Banaadir."

"Gaadiid xamuulka qaada ma rari karaan tan ka badan culeyska gaariga, maadaama rarka xad dhaafka uu dhibaato ku yahay Shacabka iyo gaadiidka jidadka la wadaagaya."

Maamulka ayaa ka qaadi doono ganaac lacageed oo gaaraya toban milyan oo shillin Soomaali ah, dareewalkii jebiya amarka cusub.

Maamulka Gobolka ayaa sheegay in wareegtadan lagu baahin doono Warbaahinta mudo sedex maalin ah si dadka loo baraarujiyo isla markaana ay u wada ogaadaan xeerkan.

Cabsida laga qabo gaadiidka waaweyn

Dhismaha waddada Soobe
Qoraalka sawirka, Dhismaha waddada Soobe

Isbuucii tagay, Qof haweenay ah oo Soomaaliya ku nool ayaa qori la hor istaagtay gaari wayn oo kuwa xamuulka qaada ah, waxayna dareewalkii ku amartay in uu joojiyo gaariga si loo baaro.

Baabuurka wuxuu u ekaa kii dhowaan loo adeegsaday qaraxii Muqdisho ka dhacay ee ay ku dhinteen dad ka badan 350 qof.

Haweenaydan oo ku nool magaalada Caabudwaaq waxay sheegtay in dadka weli argagax iyo walwal ay ka qabaan baabuurta noocan xamuulka ah, wixii ka dambeeyey qaraxaasi.

''Waxa ka dhacay muqdisho 14-kii bishan waa xasuuq aanan weligeen iloobi doonin. Aad ayaan isaga ilaalinaynaa baabuurta xamuulka ee soo galaya magaaladeena. Markii aan aragnay baabuur ah TM oo Soo galaya magaaladeena, waan argagaxnaa." ayey u sheegtay BBC-da

"Anagoo ah dhowr dumar ah oo waddada hareeraheeda qaad ku iibinayay. Aniga waxaan haystay qori. Dadkii waxay bilaabeen in ay qeyliyaan, aniga qoriga ayaan ku qabtay baabuurkii, dareewalkana waxaan ku amray in uu gaariga joojiyo,'' ayey hadalkeeda ku dartay.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho wuxuu ku soo warramaya in dad badan ay cabsi iyo baqdin ka qaadeen gawaarida la midka ah midkii loo adeegsaday qaraxii isgoyska Soobe.