Murugada Muqdisho ka jirta

Qoraalka Codka, Murugada Muqdisho ka jirta

Kooxaha gurmadka degdega ah ayaa waxa ay burburka dhismooyinka hoostooda ka baadi goobayaan inay jirto cid ka badbaadday qaraxii lixaadka lahaa ee shalay ka dhacay bartamaha magaalada Muqdisho.

Tobannaan maydad ah oo la kala garan waayay cidda ay yihiin ayaa la geeyay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Maydadkan ayaa isugu jira rag, dumar iyo carruur, uu qaraxu ku qabsaday isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Anfac Cabdullahi waxay la dhalatay Maryam Cabdullah oo Allaha u naxariiste ku geeriyootay Qaraxii saameynta badnna ee Sabtidii ka dhacay Muqdisho waxay u warrantay Bushra Nuur Maxamed.