Ammaanka magaalada Muqdisho oo aad loo adkeeyay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Magaalada Muqdisho waxaa ka dhaqan galay go'aan lagu joojiyay socodka gaadiidka ee wadooyinka waawayn, iyadoo ay maanta dhacayso doorashada madaxtinimada ee Soomaaliya
Dad yar ayaa lugeynaya wadooyinka ilaa shalay maadaama inta badan goobaha ganacsiga iyo iskuulada ku yaala wadooyinka la xiray.

Saddex maalmood kahor ayuu maamulka gobolka Banaadir soo saaray amar lagu joojinayo socodka gaadiidka ee wadooyinka Muqdisho maalmaha Talaadada iyo Arbacada taasoo saqdii shexe ee habeen hore dhaqan gashay.
Dadka lugeynaya wadooyinka iyo kuwa fadhiya hareeraha wadooyinka ayaa hadal haya doorashada madaxweynaha inkbadan kahadalka wadooyinka xiran.
Sidee ammaanka loo adkeeyay?
Wadooyinka laamiga ah ayaa la dhigay ciidammo aad u hubeysan oo isugu jira milatari, boolis, nabadsugid iyo booliska AMISOM, halka wadooyinka ciida ah ee soo gala laamiyada lagu gooyay ciid iyo dhagaxaanta shubka ah si aanay gaadiidka uga soo gudbin.
Waxaa diiradda aad loo saarayay sugidda ammaanka agagaarka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde oo ay ka dhici doonto doorashadu.
Aag duulimaadka ka caagan ayaa sidoo kale jiri doona inta doorashada ka dhacayso.

Khatarta ugu weyn ee dhinaca amniga ee Muqdisho ka jirta ayaa ah weerarada isqarxinta ah ee ururka Al-Shabaab kuwaas oo bartilmaameedkeedu yahay xarumaha dawladda iyo huteelada ay daganyihiin xildhibaanada baarlamaanka.
Maalinta berito ah ayaa lagu wadaa xildhibaanada labada aqal ee uu ka koobanyahay baarlamanka Soomaaliya inay doortaan madaxweynaha afarta sano ee soo socota hogaamin doona Soomaaliya, waxaa jagadaas ku tartamaya 23 murashax oo dhamaantood rag ah.











