Dadka Turkiga u aada qalliinada qaar oo dhimasho iyo dhibaatooyin la kulma

Iidhehyo la soo galiyo baraha bulshada ayaa dadka ku dhiiro galinya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Baaritaan ay samaysay BBC-da ayaa lagu ogaaday in ilaa hadda ay dhinteen toddobo qof oo ahaa muwaadiniin ka soo jeeda dalka Ingiriiska oo Turkiga u aaday qalliin ku saabsan gacmaha iyo caloosha.

Sidoo kale, dad badan ayaa la soo laabtay dhibaatooyin caafimaad oo kala duwan kadib markii lagu sameeyay qalliin ‘gastric sleeve’ ah oo lagu sameeyay dalka Turkiga. Boqolkiiba 70 caloosha bukaanka waxaa laga saaraa qalliinka bariatric.

Sida laga soo xigtay Adeegga Caafimaadka Qaranka ee UK, qalliinnada gacmaha iyo caloosha ayaa la sameeyaa si loo baabi'iyo buurnaanta, laakiin waxay qaadataa sannado in la helo qaliinka noocan oo kale ah gudaha UK, dadku waxay u muuqdaan inay u safraan wadamo kale si ay u helaan.

Xayeysiisyada soo jiidashada leh ee baraha bulshada ayaa sidoo kale dadka ku dhiirogalinaya in ay dibadda ugu safraan qalliinada lagu yareeynayo cayilka.

Baaritaanka BBC-da ayaa qaatay bilooyin

Katie oo ka timid Belfast ayaa go'aansatay inay aado Turkiga ka dib markii baraha bulshada ay ka aragtay xayeysiis ka hadlaya arrintaan.

Dad badan ayaa barta TikTok ka daawaday ii dhehyada arrimahana ku saabsan 292 milyan jeer gudaha UK saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Katie ayaa u duushay dalka Turkiga si ay qaliin isugu sameyso bishii Oktoobar 2021. Waxay sheegtay in ay xanuun dareemaysay markii ay rabtay in ay qalliinka gasho, laakiin xaruun caafimaad oo Turkiga ku taalla ayaa u sheegtay in xanuunku yahay kaliya gaas ka haleelay caloosha.

Katie waxa ay ku soo laabatay UK iyada oo xaalad halis ah ku jirta, waxaana loo qaaday cusbitaalka dhawr maalmood ka dib iyada oo dareemaysay qandho daran iyo oof-wareen.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Katie waxay ku qaadatay ku dhawaad hal sano gudaha iyo dibedda cisbitaallada, muddadaas waxaa ku dhacay lix jeer xanuun. Ugu dambayntii, dakhaatiirta NHS waxay go'aansadeen inay ka saaraan walax ku dheggana ajirkeeda..

Waxay sheegtay in nidaamkan awgiis, ay hadda si joogto ah u daalan tahay oo xitaa ma awoodoo inay sii xajisato shaqdeeda.

"Waa qaladkii ugu weynaa ee aan sameeyo," ayay tiri Katie,

Dhakhaatiirta Ingiriiska ayaa sheegay in ay arkayaan tirada sii kordhaysa ee bukaannada u safra dalka Turkiga si ay isku soo daweeyaan ka dibna la soo laabta dhibaatooyin caafimaad oo kala duwan.

Sida laga soo xigtay Sean Woodcock, oo ah lataliye ka tirsan Northumbria Healthcare Foundation Trust, toddobaad kasta bukaan ayaa ka soo dega garoonka Newcastle isagooo ka yimid Turkiga waxana uu si toos ah u aado cisbitaalka.

Dr Axmed, oo ah dhakhtar caan ah oo ka tirsan golaha sare ee ururka qalliinka buurnaanta iyo dheef-shiid ee Uk , ayaa sheegay inuu daweeyay bukaanno ka soo laabtay Turkiga oo lagu sameeyay qalliin aan loo sheegin.

Ma jiro wax diiwaan ah oo sheegaya inta qof ee u aaday Turkiga qalliimadan.

Qarasha badan ayaa qalliimadan kaga baxa dadka Turkiga u aada

BBC-da ayaa ogaatay in tan iyo 2019-kii, todobo qof oo reer Uk ah ay dhinteen ka dib markii ay u safreen Turkiga si ay isaga soo daweeyaan buurnida.

Joe Thornley oo 55 jir ah ayaa ka mid ahaa. Joe Thornley waalidkiis ayaa ka warhelay dhimashadiisa markii ay booliisku yimaadeen gurigooda oo ay u sheegeen in wiilkooda uu ku dhintay Turkiga.

Saraakiisha bilayska ayaa waalidka Joe Thornley siiyay nambarka talefoonka rugta caafimaadka Turkiga, oo uu aabaha dhalay Joe Thornley wacay.

Dhakhtar ayaa u sheegay Joe Thornley aabihii in uu qabo cadaadis dhiig oo hooseeya, taas oo keentay wadne xanuun.

Markii Meydka Joe Thornley lagu soo celiyay UK, baaritaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday inuu dhiig baxay oo u dhintay qaliin.

Joe Thornley aabihiis ayaa sheegay inuu isku dayay inuu la xiriiro dhakhtarka Turkiga, laakiin uu ka jawaabi waayay.

Saaxiibada Joe Thornley ayaa sheegay in uu u sheegay in uu ka xumaaday in uu ku guul daraystay in uu miisaan dhimo.

Qaar ka mid ah xarumaha caafimaadka ee Turkiga, ballansashada daaweyntan waxaa lagu sameeyaa oo keliya farriin WhatsApp ah.

Dalka Turkiga, u aada qaliinkan waxaa uga baxa qiimo gaaraya 2,000 oo Pound, halka uu 10,000 oo Pound ka yahay cisbitaalada gaarka loo leeyahay ee UK.

BBC-da ayaa ogaatay in xarumaha caafimaadka ee Turkiga ay diyaar u yihiin inay qalaan dadka aan u baahnayn xitqq.

Dalka Ingiriiska qofka waxa lagu go'aamiyaa qalliinka baaritaan caafimaad oo dheeri ah.

Dr Axmed waxa uu sheegay in dhaqanku uu yahay tallaabo 'ka taxaddar la'aan' iyo 'anshax xumo' ah. Wuxuu yiri “weligay maan la kulmin xaalad qof la waydiinayo in uu wax badan cuno si uu miisaanka u kordho. Waa inaysan bixin nooc kasta oo qalliin ah,”.

Dawladdu waxay sheegtay inay tijaabinayso dawooyin cusub oo cayilka ah waxayna kula talisay dadka u safraya Turkiga inay tixgeliyaan khataraha iyo baahiyaha daryeelka.

Tirada qalliinka dhimista miisaanka ee England ayaa lagu wadaa inay hoos u dhacdo seddex meelood meel marka loo eego 6,818 qalliin saddex sano ka hor ilaa 4,409 kaliya sanadkii 2022, BBC ayaa sidaasi ogaatay.

Laakin Dr Axmed waxa uu ka shakisan yahay in 'safarka'' miisaan dhimista uu sii socon doono halka liisaska dheer-dheer ee sugitaanka ee NHS ay ahaanayaan sidii hore.

"Haddii ay tahay inaad wax badan sugto daawaynta si aad u caafimaad u hesho yaa sameyn doona?" ayuu is waydiiyay.