Shan arrimood oo aadan ka ogeyn Eritrea oo ay ku jirta lacagta ugu badan ee xafladaha arooska

Soomaalida ayaa si weyn u hadal heysa dalka Eritrea kadib markii shaley markii ugu horreysay goob fagaaro ah ay kasoo muuqdeen ciidamadii tababarka ugu maqnaa dalkaas ee sida weyn isha loogu hayay xaaladdooda, xerada ay ku jiraan ciidamadan waxaa ku booqday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki.

Qaar kamid ah waalidiinta askarta Soomaalida ah ee tababarka ugu maqnaa dalka Eritrea oo saaka isugu soo baxay magaalada Muqdisho, ayaa soo dhaweeyay warka la xiriira inay bad qabaan oo ay dhamaysteen tababarkii ay ku maqnaayeen dhawrkii sanno ee la soo dhaafay.

Haddaba waxaana halkan idiin kuugu soo gudibeynaa shan arrimood oo aadan ka ogeyn dalkan Eritrea ee ku yaalla geeska Afrika:

Internetka Eritrea

.

Xigashada Sawirka, villa Somalia

Adeeegyada Internet-ka oo hooseeya

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Adeeegyada Internet-ka oo hooseeya

Adeegyada Internetka Eritrea ayaa ah mid aad u hooseeyo, waxaana adeegyada internetka iyo teleefoonada bixisaa oo kaliya ah shirkadda ay dowladda maamusho ee qaabilsan isgaarsiinta, shirkaddan ma bixiso adeegyo dabooli kara baahida shacabka, waxaana si adag u maamusha dowladda.

Shacabka doonaya inay qaataan kaararka teleefoonada waa inay codsi u diraan dowladda si ay u helaan Simcard.

Xitaa haddii aad hesho Simcard, ma heli kartid adeeg internet ah.

Madaxweynaha wuxuu qaataa 500 oo dolar

Isias Afwerki

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Isias Afwerki

Warar ayaa sheegayaa in madaxweynaha Eritrea Isias Afwerki uu qaato 500 oo doolar bishii, inkasta oo arrinta la xaqiijin karin laakiin waa mushaar aad u yar oo ay xitaa aysan qaadan shaqaalaha caadiga ah.

Madaxweyne Isias Afwerki wuxuu maamulayay Eritrea tan iyo sanadkii 1993 oo uu xorimada qaatay dalkaas.

Caasimadda qurxoon

Dhismeyaasha qurxoon ee Asmara

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dhismeyaasha qurxoon ee Asmara

Kaligiitaliyihii Talyaaniga Benito Mussolini wuxuu doonayay in magaalada caasimadda ah ee Asmara ay noqoto "Piccola Roma" oo micnaheedu ‘Roma Yarey’ xilli uu qorsheeyay boqortooyadii cusbeyd ee Roman sanadkii 1930-meeyadii.

Dhismayaasha quruxda badan ee caleenta u eg ee casriga ah ee ku yaalla Asmara ayaa waxay dadkii xusuusinayaa dhismayaashii uu caanka ku ahaa guumeystihii Talyaaniga.

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan dhaqanka ee UNESCO ayaa Asmara ku dartay liiska goobaha taarikhiga ah ee caalamiga ah, waxay ku tilmaantay dhismayaasheeda ‘kuwa qeyru caadi ah oo casri ah oo muujinaya ilibixnimada magaalooyinka horraanta qarniga 20-aad marka loo eego dhaqanka Afrikaanka’

Asmara waa magaalo qurxoon oo soo jiidasho leh oo mudan in la booqdo.

Teleefishinka kaliya ah ay dadka daawadaan

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Teleefishinka dowladda ee Eri-TV ayaa ah teleefishinka kaliya ah ay shacabka dalkaas wararka ka helaan, wuxuu ku hadlaa afka dowladda, meelaha qaar waxay dadka heysto dish-ka Sattelite-ka ka dawaan karaan kanaalada calami ah oo ay maamulaan siyaasiyinta mucaaradka ah ee dibad jooga ah.

Ururka ka shaqeeya ilaalinta xoriyadda saxaafadda ee CPJ ayaa Eritrea ku tilmaamay dalka ugu faafreebka badan adduunka xoriyadda saxaafadda adduunka marka laga soo tego Kuuriyada Waqooyi.

Wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Meskel ayaa beeniyay eedeymahaas, wuxuu sheegay in Eritrea uu yahay dal fur furan.

Wuxuu intaa ku daray in boqolkiiba 91 shacabka Eritrea ee ku nool magaalooyinka ay daawadaan warbaahinta caalamiga ah.

Dadka bangiyada ka lama bixi karaan lacag ka badan 330 doolar bishiiba

.

Dowladda waxay xayiraad kuso rogtay xaddiga lacagta ay doonayaaan in dadka ay kala baxaan bangiyada, xitaa haddii qofka uu doonayo in lasoo baxo malaayiin lacagta Nakfa, waxaa uu qofka la bixi karaa oo kaliya ah ($330) bsihiiba.

Lama ogolo in la qabto xafladaha aroosayada ee ku baxayo in ka badan 5,000 lacagta Eritrea ee nakfa oo u dhiganta ($330) dolar.