Waalidiinta ay carruurtooda Eritrea ku maqan yihiin oo farriin u diray R/W Rooble

Askar Soomaali ah

Xigashada Sawirka, OPM

Qaar ka mid ah waalidiinta ay ka maqan yihiin carruur ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay tababar ciidan dibadda ugu qaadday, ayaa sheegay inay wajahaan walwal aan dhammaad lahayn.

Waalidiintaas oo qaarkood BBCda ugu warramay khadka taleefanka ayaa sheegay in carruurtooda oo ay khadka taleefanka dhowr jeer kula xiriireen ay u sheegeen inay ku tabaalaysan yihiin waddanka Eritrea.

Arrintan ayaa imanaysa kaddib ay dhawaan soo baxday warar sheegaya in askar Soomaali ah oo tababar loo geeyay waddanka Eritrea ay ka qeybqaateen dagaalka ka soconaya gobolka Tigray ee waddanka Itoobiya.

Hasayeeshee waalidiinta BBCda la hadlay ayaa sheegay in carruurtooda aanay u sheegin wax dagaal ah oo ay galeen, iyagoo ku adkaystay in aanay ka bixin xeryaha lagu tababaro halkaas oo ay dhibaatooyin badan kala kulmaan.

Maxaa ugu daran oo ay dhalinyaradaas wajahaan?

Ciidamada Xoogga Soomaaliya oo la wareegay Awdheegle oo dejinaya calanka Al-Shabaab

Xigashada Sawirka, SONNA

Qoraalka sawirka, Ciidamada Xoogga Soomaaliya oo la wareegay Awdheegle oo dejinaya calanka Al-Shabaab

Hooyo Foos Xasan oo ka mid ah walaadiinta ay carruurta ka maqan yihiin ayaa sheegtay in wiil uu ka maqan yahay uuna ka tagay bishii Febraayo ee 2020-kii, iyadoo markii ugu horraysayna uu la soo xiriiray bishii Janaayo ee sanadkan markaas oo uu u sheegay inuu Eritrea joogo.

"Dhibaato badan inay qabaan ayuu ii sheegay oo la garaacay, oo la tumay, oo la xabbadeeyay, oo caddib intii qof bini'aadam ah la marsiiyo intii ugu badnayd ay haysato, wax ay xal ka gaari karaanna aysan jirin," ayey tiri hooyo Foos Xasan.

"Dhibaato badan ayey sheeganayaan, Ilaahay subxaanahu watacaalaa ka socokow cid kale oo bini'aadam ah oo noo doodaysa oo aan sugayno ma jirto ayuu igu dhahay,"

Hooyo Foos ayaa intaas ku dartay in wiilkeeda oo 10 maalmood ka hor ay ugu dambaysay uu u ka dayriyay xaaladda ay ku nool yihiin, ayey sheegtay inuu ku calaacalay: "Ma hayno dowlad na soo doonto iyo wax noo doono midna ayuu igu yiri markii ugu dambaysay xilli dhibaatada ay qabaan ay aad u badan tahay,"

Dhankiisa Saleebaan Cali oo isna BBCda u warramay ayaa sheegay in walaalkii iyo dhowr wiil oo kale oo uu adeer u yahay ay ku dhibaataysan yihiin waddanka Eritrea halkaas oo tababar loo geeyay bilowgii sanadkii hore.

"Wiilashan Eritrea loo qaaday baa 10 wiil iiga jirto, mid walaalkey waaye, shanna adeer ayaan u ahay, afarna adeer ayaan u ahay, mar ay ila soo hadleen waxay ii sheegeen in 24-kii saacba afar xabbo oo rooti ah oo qalayl ah in la siinaayo, dhar aysan haysan, bannaan ay seexdaan, maalintiina dabayl iyo kulayl aan la joogi karin, habeenkiina dhaxanta ay daran tahay, aad inay u dhibaataysan yihiin,"

Saleebaan Cali ayaa sheegay in wiilasha ay xiriirkooda ugu dambaysay saddex bilood ah uu marwalba ka walwalo xaaladda ay ku sugan yihiin ay dhibaatada ay Eritrea ku wajahaan.

"Cunto ma haystaan, hoy ma haystaan, dhar ma haystaan, wax alaale iyo wixii dhibaata ah oo bini'aadam qabsan lahaa meesha waa ku haystaan, naftoodaaba halis ku jirta, xaaladdooda raggaas ma sahlana oo sida ay ii sheegeen aad bay u dhibaataysan yihiin," ayuu yiri Saleebaan.

'Dagaal kamaynaan qaybgalinee xeryahaan ku dhibaataysannahay'

Ciidammada Soomaaliya

Xigashada Sawirka, SONNA

Waalidiinta ayaa sheegay in carruurta dhowr jeer oo ay xariir la sameeyeen aanay u sheegin wax dagaal ah oo ay ka qeybqaateen.

Hooyo Foos ayaa sheegtay in wiilkeeda ay waydiisay in dagaal ay ka qeybgaleen wuxuuna ugu jawaabay: "Annaga khaasatan waxaan nahay 900 oo askari oo xearadan ku jirto. Qof nalagama qaadin, xataa maanan maqal meel wax laga qaaday laakiin annaga xerada gudaheeda ayaa nagalu dhibaateeyay," ayey tiri Hooyo Foos.

Saleebaan Cali ayaa isna intaas oo kale BBCda u sheegay.

Dowladda fedaraalka ee Soomalaiya ayaa beenisay warar maalmihii dambe la isla dhex marayay oo ku saabsanaa in ciidamo Somaali ah oo tababar u joogay sida la sheegay dalka Eritrea ay ka qeyb qaateen dagaalkii dhawaan ak dhacay gobolka Tigrey ee waqooyiga Itobiya.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cusmaan Abuukar Dubbe

Xigashada Sawirka, OPM

Qoraalka sawirka, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cusmaan Abuukar Dubbe

Wasiirka warfaafinta ee dowladda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo BBC la hadlay ayaa sheegay in aysan gabi ahaanba jirin ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya oo ka dagaalamay gobolka Tigrey.

"Ma jiraan ciidamo Soomaaliyeed oo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka dagaalamay waqooyiga Itoobiya iyo gobolka Togrey, sabab ay u dhacda-na ma jirto, cid naga codsatay na ma jirto,," ayuu yiri wasiirka warfaafinta.

Mr Dubbe ayaa warar been abuu ah ku tilmaamay in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomalaiya ay ka dagaalameen gobolka Tigre, islamarkana la doonayo sida uu hadalka u dhigay in lagu wiiqo awoodda ciidamada Soomaaliya.

"Waa warar borobagaandho oo markii la arkay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay dhismayaan oo xoogeysnayaan oo ay isu taagayaan inay ka adkaadaan amniga ayaa la doonayaa in lagu qalqal galiyo hooyooyiinka iyo maatida,," ayuu intaa ku daray.

Iskudhac ay dhalinyaro ku dhinteen

Waalidiinta ayaa dhanka kale sheegay in carruurtooda ay u sheegeen in bishii Sibteembar ee sanadkii hore mar ay ka gadoodeen dhibaatada lagu hayo ay isku dhaceen ciidammadii tababaray kaddibna ay gacanta iskula tageen arrintaas oo ay sheegeen inay sababtay in carruurtooda awood loo adeegsado halkaasna ay dhowr ku dhinteen halka kuwa kalana ay ku dhaawacmeen.

Hooyo Foos Xasan ayaa sheegtay in wiilkeeda uu u sheegay: "Waan bannaan baxnay oo waxaan dhahnay buu yiri meeshan mana anfacdee hanalaga wado oo dalkeenna noo dira waxba idinkama faa'iidaynee, ulo iyo biro ayey nagu tumeen ayuu yiri, kaddibna waan iska difaacnay ayuu yiri, markaan iska difaacnayse xabbadihii ayey soo qaateen maadaama ay ulihii iyo birihii ay nooga adkaan waayeen ayuu igu yiri," ayey tiri Foos.

Halka Saleebaan Cali ayaa sheegay in markii uu wiilasha la hadlay ay u sheegeen: "Inay mudaharaad qaadeen, tababarkeennii waa dhammaaday maxaa meesha naloogu hayaa, dowladda Soomaaliya ma joogtee idinkaa afduub noo haysto inay yiraahdeen markaas rasaas lala dhacay," ayuu yiri Saleebaan.

Ra'iisul Wasaare carruuteenna noo celi

OPM

Xigashada Sawirka, OPM

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa shalay magaalada Muqdisho ku magacaabay guddi soo baara cabashada ay waalidiinta ka qabaan ubadkooda ka maqan.

Guddiga oo ka kooban shan xubnood ayaa waxa ay soo baari doonaan cabashooyinka ay walaadiintu ka qabaan carruurtooda tababarka loogu qaaday waddanka Eritrea.

Hasayeeshee Hooyo Foos Xasan oo ka mid waalidiintaas ayaa waxa ay BBCda u sheegtay: "Waxaan dhihi lahaa ra'iisul wasaaraha wax uusan samayn karin yuusan duudka saaraninee arrintaas guddi ayadoon loo bixin si toos ah asaga hadduu wax noo qaban rabo ha u aado ee warbixin cad ha inaga soo siiyo,"

"Guddigan hadda waa la dooranayaa la leeyahayna anniga aslanba ma u haayo inay wax rajo ah noo hayaan, waxaan u malaynayaa inay isleeyihiin inyar ha aamusaano, wax kale oo natiijo ah ma u malaynaayo in laga helaayo." ayey tiri hooyo Foos.

Saleebaan Cali ayaa isna dhankiisa sheegay in dhibaatada wiilashooda haysato aysan u dulqaadan karin: "Dhibaato badan ayaa na haysata, hooyaday 24 saac way isoo wacaysaa, wiilkii meel ku sheeg ayey i leedahay, meel kuma ogi ani, ma seexanayso oo hooyooyinka oo dhan ayaa saas ah, marka waxaan ka codsanaynaa in wiilasho na loo soo celiyo oo naloo keeno. ayuu yiri Saleebaan.