'Wiilkeyga tababar ayaan ku ogaa balse waa la iga qariyay inuu dhintay'

20-kii bishii February, Valya waxaa soo wacay wiilkeeda, oo ka tirsanaa militeriga Ruushka.
Guutada uu ka tirsanaa waxay "ku jireen tababar" uga socday meel u dhow xadka uu Ruushka la wadaago Ukraine.
"Wuxuu ii sheegay in ay ku tababaranayeen sida loo rido rasaasta, ayna ku noolaayeen teendhooyin," ayay tiri Valya, oo uu wareysi la yeeshay tifaftiraha BBC-da laanteeda luuqadda Ruushka.
"Xilligaas ayay ahayd markii ugu dambaysay ee aan la hadlo," ayay tiri.
Afar maalmood kaddib, ciidamada Ruushka waxay weerar ku qaadeen Ukraine, dagaal ayaana sidaas ku billowday.
Dagaalka uu Ruushka ku qaaday Ukraine waxa uu sababay dhibaatooyin badan oo badankood aan laga watqabin.
Tan iyo markii uu madaxweyne Vladimir Putin amray weerarka, kumannaan qof oo rayid ah ayaa lagu dilay gudaha Ukraine.
Balse xitaa gudaha Ruushka, cawaaqib xumadu sidoo kale way gaartay. Waxay dhibaatada taabatay qoysaska ay kasoo jeedaan askarta Ruushka ee loo diray dagaalka.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Haweeneyda ay sheekadan ku saabsan tahay magaceeda dhabta ah ma aha Valya.
Iyadoo ka baqaysa in uu dhib kasoo gaaro dhinaca dowladda ayay hooyadan codsatay in la qariyo aqoonsigeeda.
Balse waxay diyaar u tahay inay sheekadeeda nala wadaagto. Waxay doonaysaa inay nagala hadasho arrimaha wiilkeeda iyo waxa ay u malaynayso inuu yahay "howlgalka khaaska ah ee militeri" ee ay waddo madaxtooyada Kremlin.
"Billowgii bishii March, waxaa telefoonka igala soo hadlay sarkaal ka tirsan ciidanka uu la joogay wiilkeyga. Waxaa suuragal ah in uu wacayay dhammaan waalidiinta ay ciidankaas kasoo jeedaan," ayay tiri.
"Wuxuu ii sheegay in dhallinyaradu ay caafimaad qabaan, oo maalin walba ay xiriir la sameeyaan. Waan isla xiriiraynay guud ahaan bishii March, wuxuuna mar walba ii sheegayay in ay wiilasha fiican yihiin.
"Kaddib nin sheegay in uu saaxiib la yahay wiilkeyga ayaa farriin ii soo diray. Aniga aqoon uma aanan lahayn. Wuxuu iga soo raadiyay dhinaca baraha bulshada.
"Wuxuu ii sheegay in wiilkeyga la qarxiyay oo uu geeriyooday. Meelo badan ayaan wacay, waxaana isku dayay inaan la kulmo saraakiil. balse cidna waxba iima sheegin."
"Ugu dambayn sarkaalkii ila hadli jiray ayaa ii sheegay in wiilkeyga markii ugu dambaysay ee warkiisa la helo ay ahayd 23-kii bishii February."

Xigashada Sawirka, Reuters
Markii ay waydiisay sababta uu muddadaas oo dhan ugu sheegayay inuu wiilkeeda fiyow yahay, waxa uu ugu jawaabay: "Iga raalli noqo, aniga waxaan ahayn sarkaal darajo hoose ah."
Valya waxay samaysay isku day badan balse wax xog ah kama ayasan helin sida uu wiilkeeda ku lumay iyo meesha uu ku dambeeyay.
Gudaha Ruushka dambi ayay ka tahay in la tebiyo tirada ciidamada Ruushka ee ku dhintay dagaalka Ukraine. Waxa kaliya ee la sugo waa macluumaad rasmi ah oo dowladda xaggeeda laga helo.
Markii ay BBC-da la hadashay kaddib Valya waxaa lasoo gaarsiiyay farriin rasmi ah oo loogu sheegay in wiilkeeda uu geeriyooday. Waxa uu ku biiray askarta Ruushka ee aan dib ugu laaban doonin waddankooda.
Codsigeeda kaliya hadda waa in dagaalka la joojiyo, maadaama aysan Ukraine u arkin cadowga Ruushka.












