Kumuu ahaa Janaraal Moorgan oo Nairobi ku geeriyooday?

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Janaraal Maxamed Siciid Xirsi Moorgan ayaa goor- dhaweyd ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo la sheegay inuu ku xanuunsanaa muddooyinkii dambe, sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.
Wuxuu janaraalku taariikh dheer ku lahaa Ciidanka Xoogga Soomaaliya. Wuxuu la taliye amni haddeer u ahaa Puntland oo uu qayb weyn ka ahaa dagaalka lagula jiro Daacish, sida uu wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Juxa ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.
Janaraal Moorgan ayaa mar uu labo sano kahor wareysi siiyay warbaahinta wuxuu ku sheegay inuu dhashay sanadkii 1949, waxbarashada dugsiga hoose iyo dhexe ayuu kusoo qaatay iskuulkii Xaaji Mire ee magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.
Wuxuu wareysiga ku sheegay in kadib aabbihiis uu u diray magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku dhammeystay waxbarashada isagoo dhigtay dugsigii la oran jiray "Allaahida".
Janaraalka ayaa kadib ku biiray ciidamada milatariga. Sanadkii 1967 wuxuu ka mid noqday saraakiil ay Soomaaliya tababar ciidannimo ugu dirtay dalka Ruushka, wuxuuna dalka ku laabtay sanadkii 1970-kii.
Shaqadii ugu horreysay ayuu ka bilaabay madaxtooyadii xilligaas, isagoo ka mid ahaa ciidamada ilaalada madaxweynaha, wuxuuna ciidankaas ka tirsanaa muddo toddoba sano ah.
Sidoo kale wuxuu tababarro kusoo qaatay dalka Mareykanka. Kadib wuxuu xilal sare kasoo qabtay dowladdii xilligaas ee Maxamed Siyaad Barre, sida isagoo noqday wasiirka gaashaandhigga iyo kan howlaha guud.
Janaraal Moorgan, wuxuu ahaa wasiirkii ugu dambeeyey ee gaashaandhigga, kahor inta aan dowladdii xilligaas xukunka laga tuurin sanadkii 1991.

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Maxamed Xaaji Ingiriis oo cilmiga taariikhda ka bartay Jaamacadda Oxford, isla markaana haatan cilmi baare ka ah Akadeemiyadda Hoggaaminta Afrika ee Jaamacadda King's College London ayaa BBC-da u sheegay in Janaraal Moorgan uu xilal muhiim ah kasoo qabtay Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in janaraalka uu horaantii 1970-meeyadii uu guursaday gabar uu dhalay madaxweynihii xilligaas Maxamed Siyaad Barre, "halkaas ayayna dallacaaddiisa degdegga ah kasoo bilaabatay," ayuu yiri.
Maxamed Xaaji Ingiriis ayaa intaa ku daray in janaraalku uu u badnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Cummaan iyo muddooyinkii ugu dambeeyay oo uu ku noolaa magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.
"Waxaa janaraalka lagu xusuusan doonaa wixii ka dhacay gobollada Waqooyi." Ayuu yiri.
Moorgan ayaa soo ahaa taliyihii qeybta 26-aad ee halka markaas loo yaqaannay gobollada Waqooyi, haatanna ah Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland.
Wuxuu ka mid ahaa janaraalku saraakiishii militeriga Soomaaliya ee ay dad badani ku eedeeyaan inay berigaas halkaas ka geysteen xad-gudubyo xagga xuquuqda aadanaha ah oo la sheegay inay ka dhaceen.
Sidoo kale janaraalka ayaa qeyb ka ahaa hardan ka socday magaalada Kismaayo, iyadoo sanadkii 2004 uu Guddiga Fududeynta Shirka Soomaalida ee IGAD ee ka dhacayay Kenya, laguna heshiisiinayay Soomaalida ay cunaqabateyn kusoo rogeen isaga, sababo la xiriira ficillo ay sheegeen inuu ku lug lahaa.
Muddooyinkii ugu dambeeyay wuxuu ku noolaa magaalada Garowe, halkaas oo uu la taliye amni uga ahaa maamulka Puntland.
Kaalintii Jeneral Morgan ee xadgudubyadii ka dhacay Hargeysa
Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi oo loo yaqaano Morgan waxay hay'adaha xuquuqda aadanaha u dooda ilaa hadda ugu yeeraan "qalaagii Hargeysa" ama "kawaanlihii Hargeysa". Waxay ku eedeyn jireen inuu ka dambeeyey kiisas ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo dabayaaqada sideetameeyadii ka dhacay magaalada Hargeysa.
Hay'adda Amnesty international ayaa warbixin ay kaga hadlaysay tacaddiyo ka dhacay waqooyi galbeed Soomaaliya (Jamhuuriyadda gooni isu taagga ku dhawaaqday ee Somaliland) ku sheegtay in xukuumaddii kacaanku ay mas'uul ka ahayd "xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ay ku jiraan wax ku dhow xasuuq ay ciidanku ka gaysteen waqooyi galbeed, ayadoo taana ay keentay in Hargaysa la bam gareeyo 1998; Jirdil abaabulan oo loo gaystay maxaabiistii siyaasadda u xirnaa oo nabadsugiddu ay gaysatay, xarig bilaa maxkamad ah, iyo xabsi dheer oo loo gaystay maxaabiista loo xiro waxa ay aaminsan yihiin".
Morgan wuxuu xilligaas ahaa taliyaha qaybta 26aad ee gobolladii waqooyiga Soomaaliya, waana xilligii ay ciidanku ku lug yeesheen gaboodfallo dhashay markii ay jabhadda SNM ka hor timid dawladdii Siyaad barre.
Mike Thomson oo BBC ka tirsanaan jiray ayaa 2002 jeneraal Morgan kala sheekeystay tilmaanta loo nisbeeyey wuxuuna u sheegay in kaliya uu weligii wax dilay isagoo naftiisa difaacaya oo qura. "Xaqiiqdii waxaan ahay hadda nabad ooge, marka loo eego waxa la iigu yeero ee ah dagaal ooge" ayuu yiri.
Waraysi uu hore u siiyay BBC waxa uu ku sheegay in masuuliyadda wixii ka dhacay gobolada Waqooyi ay leeyihiin dowladda Itoobiya iyo madaxda SNM, isaga oo sheegay in Itoobiya ay soo hubeysay oo ay jabhadaas u soo dirtay inay weeraraan Burco iyo Hargeysa. Waxa uu sheegay in ciidamada waajib ka saarnaa difaaca dalkooda, oo ay tahay in aan laga filan inay gacmaha taagaan oo ay is-dhiibaan.
Wax-ka-beddel:Warbixintan waxaa lagu sameeyay wax ka bedel, iyada oo lagu soo kordhiyay xog la xiriirta duqeymihii Hargeysa iyo kaalinta uu ku lahaa Jeneraal Morgan, iyo weliba wixii uu isagu ka yiri eedeymahaas.













