Maxaa lagu haystaa qoyska lagu weeraray Boosaaso?

Xigashada Sawirka, Social Media
Muuqaal naxdin leh oo lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa muujinaya qoys kamid ah beelaha la hayb sooco oo hadallo isir nacayb ah iyo handaad loo geysanayo.
Sida laga arki karo muuqaalka, koox rag ah oo aan wajiyadooda loo joodin ayaa ilmo yar wajiga cagta ka saaraya, kadib handadaya hooyada iyo aabaha qoyska oo u muuqda kuwa da' ah.
Hadaba maxaa lagu haystaa qoyskan?
Isla muuqaalka ayaa arrintaas wax badan ka bidhaaminaya. Mid kamid ah kooxda qoyska weerartay ayaa waydiinaya hooyada, "Soo gabadhaada maahan 'Sir iyo Caad' "? Hooyada ayaa leh "Haa". Kadibna hanjabaad ayaa bilaabaneysa.
'Sir iyo Caad' waa magaca ay baraha bulshada ku isticmaasho gabar gabar dhallinyaro ah oo ay dhaleen qoyska, oo ku nool Jarmalka. Waxay kamid tahay dhalinyarada isticmaasha aaladda ku xiran Tiktok, iyada oo raacaan in ka badan 100 kun oo ruux.
Kooxda soo weerartay qoskeeda ayaa ku eedeyay, in ay hadalo gaf ah u gaysatay hogaamiye beeleed oo ay isku dhawyihiin.

Xigashada Sawirka, Facebook
Talaabada ay qaaday Puntland
Ciidamada maamul goboleedka Puntland, gaar ahaan magaalada Boosaaso ee Soomaaliya, ayaa soo xiray afar nin, oo ahaa kooxdii hubeysnayd ee ku xad gudbay qoyska.
Cabdiqaadir Jaamac Dirir, oo ah taliyaha ciidanka booliiska gobolka Bari, oo la hadlay BBC-da, ayaa sheegay in dhibaatadan ay asalkeeda ka timid hadalo aflagaado ah oo la isku weydaarsaday barta ay bulshada ku kulanto ee Tiktok, taasoo markii danbe keentay in reer aan waxba galabsan ay arrintaasi dhibbanayaal u noqdaan.
“Falka lagu soo qabtay dhalinyaradan, waa kaad aragteen oo la wareejinayey Baraha Bulshada, reer habeen gurigiisa ku jira loo dhacayo, oo qof hurda dhabanka cag laga saarayo, jawaabta iyo waxyaabaha ay kula kaceen, iyaga oo ah dhalinyada unbaa ka fal celin doona, mar haddii lasoo xiray dadkii dhibaatada geystay” ayuu yiri taliye Cabdulqaadir Dirir.
Taliyaha ayaa wuxuu intaa raaciyey in eedeysanayaasha maxkamad lasoo hor istaajin doono, lana marindoono ciqaabtooda.

Xigashada Sawirka, Social Media
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Taliyaha ayaa carabka ku dhutay in raggii dhibaatada geystay mid kamid ah inuu ka bax saday magaalada Boosaaso, halka intii kalana la qabtay gelinkii hore ee maanta. Sidoo kale, ruuxii ka baxsaday magaalada Boosaasana lagu qabtay deegaanka Waaciye
“Markii ay tagayeen guriga dhalinyaradani shanta gaareysa, si toos ah ayey u tageen, codadkooda markii la daba galayna oo la ogaaday lana qabtay, waxba may qarsan, oo way isa sheegeen”, ayuu yiri taliye Cabdulqaadir.
Warbixinta hordhaca ah oo ee laga diiwaan galiyay eedeysanayaasha, ayay ku sheegeen ragga la qabtay in ay ka aargoosanayeen muuqaal lagu caynayo oday dhaqmeedkooda. Muuqaal afarta nin ayaa lagu baahiyay warbaahinta, inkasta oo aan wajiyadooda la muujin.
“Dhanka kale waxaa jiri karaya waxyaabo kale, oo keeni karaya in fal noocan oo kale ah ay ku kacaan dhalinyaro, isagoo ku gaab sadey in baaritaanka ay ka war dhawrayaan maxsuulka kasoo baxa, ” ayuu intaa raaciyey taliye Cabdulqaadir Jaamac Dirir.
Taliya ayaa sheegay in reerka lagu xad gudbay ay yihiin reer kasoo jeeda deegaanka, oo aanay ahayn qoys kusoo barakacay magaalada Boosaaso.












