Kim Jong-un walaashiis oo mar kale u dhaaratay Mareykanka

Xigashada Sawirka, Reuters
Haweeneyda saameynta weyn leh ee la dhalatay hoggaamiyaha dalka Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, ayaa mar kale maanta wacad ku martay inay baritaareyso isku day labaad oo lagu rido dayax gacmeedka basaaska, iyadoo ka careysiisay xubnihii qeybta ka ahaa shirkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ee ku saabsanaa ka munaaqishoodka gantaalkii hore ee guul darreystay ee dowladda Kuuriyadda Waqooyi.
Isku daygii Kuuriyada Waqooyi ay ku doonaysay inay ku xoojiso dayax gacmeedkii ugu horreeyay ee basaaska milatariga arbacadii la soo dhaafay, ayaa guul daraystay, markii uu gantaalkiisu ku dhacay meel ka baxsan xeebaha galbeed ee gacanka Kuuriya.
Shir deg deg ah oo ay isugu imanayaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa la isugu yeeray, kaasoo ahaa codsi ka yimid Mareykanka, Japan iyo dalal kale, si loogga wada hadlo arrintan cusub ee soo korortay, maadaama ay jebisay dowladda Kuuriyadda Waqooyi go'aannada golaha, ee ka mamnuucaya Waqooyiga inay sameeyaan horumarin oo lagu kobcinayo oo loo isticmaalayo tiknoolajiyada ballistic.
Axaddii, Kim walaashii iyo sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga talada haya, Kim Yo Jong, ayaa ku tilmaantay Golaha Qaramada Midoobay "xarun siyaasadeed" oo uu Mareykanku leeyahay, isagoo sheegay in shirkii ugu dambeeyay la qabtay, ka dib markii Mareykanka uu ka yimid "codsiga u eg mid burcaddeed".
Waxay ku eedaysay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay ku kacayaan "takoorka iyo akhlaaq darro" maadaama kaliya lagu falan qeynayo shirkani oo kaliya arrinta ku saabsan dayax-gacmeedka Waqooyiga, halka kumannaan dayax-gacmeed oo ay direen dalal kale ay durba hawada sare ka shaqeynayaan. Waxay sheegtay in isku dayga dalkeeda uu ku doonayo in uu ku helo dayax gacmeedka basaaska ay tahay tallaabo sharci ah, oo loogga jawaabayo hanjabaadaha militari ee uga imaanaya Mareykanka iyo xulafadiisa.
"(Waqooyiga Kuuriya) waxay sii wadi doontaa inay qaaddo tillaabooyin lagu horumarinayo mashruuceeda hawada sare, si ay u isticmaasho dhammaan xuquuqda sharciga ah ee waddan madaxbannaan, oo ay ku jirto midda dayax gacmeedka sahaminta militariga," Kim Yo Jong ayaa ku tiri hadal ay ku baahisay warbaahinta dowladda.

Xigashada Sawirka, AFP
Hadalkeedii hore ee Jimcihii, Kim Yo Jong, ayaa waxay ku sheegtay in dayax gacmeedka basaaska ee dowlada Kuuriyada Waqooyiga "si sax ah loo gelin doono hawada sare mustaqbalka dhow" laakiin ma aysan sheegin goorta isku daygeeda labaad ee hawada lagu tala jiro.
Sirdoonka Kuuriyada Koonfureed, ayaa Arbacadii u sheegay sharci-dajiyayaasha inay u badan tahay inay ku qaadan doonto "in ka badan dhowr toddobaad" in Kuuriyada Waqooyiga ay ku qaaddo tallaabo kale, iyagoo marka hore ogaanaya sababta keentay inuu guul dareysto gantaalkii hore, laakiin waxaa laga yaabaa inay isku daydo in mar labaad ay gantaal rido dhawaan haddii cilladuhu aysan halis ahayn.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Maamulada Washington, Seoul iyo kuwa kale, ayaa dhaleeceeyay mashruuca hawada sare ee dayax-gacmeedka Kuuriyada Waqooyiga, oo kor u qaaday xiisadaha caalamka, waxayna ku booriyeen inay ku soo laabtaan hannaankii wada hadallada.
Dayax gacmeedka qaabilsan ilaalinta militariga, ayaa ka mid ah liiska hababka hubka ee casriga ah, ee Kim Jong Un uu wacad ku maray inuu gaari doono ka miro dhalinteeda, iyadoo ay sii daba dheeraatay xiisadda amni ee kala dhexeysa Mareykanka. Tan iyo bilowgii sanadkii 2022-kii, Kim, ayaa waxa uu sameeyay in ka badan 100 gantaal, taasoo uu ugu yeeray digniin ku socota dhoolatusyada milatari ee la ballaariyay ee u dhaxeeya dalalka Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed.
Khubarada ayaa sheegaya in Kim uu jeclaan lahaa in uu u isticmaalo hubkiisa la casriyeeyay, si uu uga helo tanaasul ka yimaada dhanka maamulka Washington, iyo arrimaha la xiriira diblomaasiyadda ee mustaqbalka soo socda.
Waqooyiga Kuuriya, ayaa lagu soo rogay cunaqabatayno kala duwan oo Qaramada Midoobay ah, sababo la xiriira tijaabooyinkii hore ee Nukliyeerka, gantaalaha iyo kuwa hawada sare ee dayax gacmeedka. Laakiin Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa ku guuldareystay inuu adkeeyo cuna qabateyntan la xiriirta dhaqdhaqaaqyadii tijaabada ahaa ee Kuuriyada Waqooyiga, maadaama Shiinaha iyo Ruushka, oo labaduba ah xubnaha joogtada ah ee golaha Qaramada Midoobay, ay hor istaageen isku dayga Mareykanka iyo kuwa kale, ee ay ku doonayeen inay tallaabo ceynkaas ah qaadaan.
Intii lagu guda jiray kalfadhigii ugu dambeeyay ee golaha Qaramada Midoobay Jimcihii, dalalka Shiinaha iyo Ruushka, ayaa mar kale is maan dhaafeen Mareykanka, iyadoo khilaafku uu ku saabsanaa hawlaha socda ee Kuuriyada Waqooyi, gaar ahaan gantaalka guul daraystay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ka dib guuldarrooyin is xig xigay, Kuuriyada Woqooyi, ayaa waxay ku guuleysatay mashruuca dayax gacmeedyada ee kor joogteynta dhulka sanadkii 2012-kii illaa iyo 2016, laakiin khubarada ajnabiga ah, ayaa sheegaya in aysan jirin wax caddaynaya in dayax gacmeed kaasi uu soo gudbiyay sawirro ama xog kale.
Sidoo kale Axadii, Kuuriyada Waqooyi, ayaa waxay ku hanjabtay inaysan sii ogeysiin doonin hay’adda caalamiga ah ee badaha iyo dayax gacmeedka waxyaabaha ay qabaneyso mustaqbalka soo socda, si ay u muujiyaan iney ka xun yihiin cambaareynta kooxda ee tijaabooyinka gantaallada Kuuriyada Waqooyi.
Guddiga badqabka badda ee hey’adda IMO, ayaa Arbacadii ansixiyay qaraar naadir ah, oo ku dhaleeceeyay Kuuriyada Waqooyi qaadista tallaabooyin, iyadoo aan ogeysiin sax ah aysan sameynin, taasoo "si dhab ah u halis gelisay badqabka badmaaxiinta iyo maraakiibta caalamiga ah."
Kim Myong Chol, oo ah falanqeeye arrimaha caalamiga ah ee Kuuriyada Waqooyi u dhashay, ayaa hadal uu soo saaray, oo ay soo gudbisay warbaahinta dowladda dalkaasi ku yiri: “Mustaqbalka, hey’adda IMO waa inay ogaataa oo ay qaaddaa tillaabooyin taxadar leh iyada lafteeda, muddada uu socdo hawlgalka hawada sare, ee loo dirayo dayax gacmeedka (Kuuriyada Waqooyiga), iyo saameynta guracan ee uu yeelan karo, iyo iney usii diyaar garowdaa inay si buuxda u qaado mas'uuliyadda dhammaan cawaaqib xumida ka dhalan karta ridista gantaalka xambaarsan dayax gacmeedka."
Ka hor inta aan la dirin dayax gacmeedka basaaska ee dhawaan, ayaa Kuuriyada Waqooyi waxay sheegtay in hey’adda IMO iyo dalka Japan in hawlgalkaasi la fulin doono, uuna dhici doono inta u dhaxaysa May 31 iyo June 11-ka.













