Madaxweyne Biixi iyo waxa uu ka aaminsan yahay ciidanka Masar ee Soomaaliya imaan doona

Xigashada Sawirka, .
Madaxwaynaha Jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si kulul uga hadlay dalka Masar oo ay dhawaan heshiis dhanka amniga iyo militariga ay galeen dowladda federaalka ee Soomalaiya.
Mr biixi oo khudbad ka jeedinayay jaamacad ku taalla magaalada Burco ayaa ciidanka Masar u soo direyso Soomaaliya ku tilmaamay mid lagu dagaalamayo Somaliland.
Waxaa uu sheegay Biixi in ciidamada ay Muqdisho u soo direyso Masar looga baahan yahay in ay ku caawiyaan wadamada carbeed ee ay darisk yihiin ee colaaduhu ka jiraan.
"Masar, la dagaalanka Somaaliland inay qaran noqoto, oo Xamar inay ka mid noqoto ay ugu dagaalamayso oo ay ciidanka u soo direyso horta waxaa uga baahan Rafax inay furto oo ay u furto deeqda caalamka uu siinayo in ay taas wax u taraan ayay ahayd" ayuu yiri madaxweyne Biixi.
Dhanka kale madaxwaynaha JMuuse Biixi, aya aisaga oo dib u xasuusanaya taariikhda Masar ee gobolka waxa uu xusay in Masar marka taariikh ahaan la eego ay Yemen oo kali ah ay ciidan u dirtay, ilaa maatana ay Yemen ay dhibaato ka jirto oo ay ka bogsan colaadaha, sida uu isagu sheegay.
"Dowladda Masar oo dowlad wayn ah oo soo jireen ah ... meeshii ugu horeysay ee ay ciidamo u diraan waxay ahayd 60-kii ama 61-kii Yemen markii la inqilaabayay boqorkii ugu horeeyay ee meeshaas ku raagay, waxaa loo soo diray ciidan Masaari ah dhowr iyo tobon sano ayuu joogay mushkiladii uu ku abuuray ilaa 61-dii ilaa maanta waa taa ka taagan Yemen,"ayuu intaa ku daray.

Xigashada Sawirka, Madaxtooyada Somaliland/Facebook
Madaxweyne Biixi ayaa ka digay in Masar haddii ay ciidamo u soo dirto Muqdisho ay "dab ka ka shidi doonto" halkaasi.
"Waxaan leenahay (alloow naga badbaadi ciidanka Masaarida ee la keeni doono Xamar, dabka uu ka shidi doono oo sii dheeraan doona iga qora maanta waa la arki doonaa"
Madaxwaynaha Somaliland ayaa dhanka kale carabka ku dhuftay in taageerada Turkiga ee dowladda federaalka ee Soomaaliya ay tahay mid Turkiga uu danihiisa gaarka ah ka wato.
"Turkiga muxuu ugu dagaalamayaa inuu Xamar garab taagnaado iyo dowladiisa kolba intii Xamar ku soo horta danaha dalkiisa ayuu ka dhex arkaa dowlad waliba waxay ku dadaashaa danaha dalkeeda, ayuu intaa raaciyay.
Waxaa uu sidoo kale dhaliilay shirkii dhawaan lagu soo gabagabeeyay dalka Turkiga ee ay ku wadahadlayeen Soomaliya iyo Itoobiya.
"Maalmahan waxaa xoog u socda shirar dowladda Turkiga ay hogaaminayso oo ay xulufao ku yihiin Masar iyo dowladda Xamar ee taagta daran waa xaalad cusub" ayuu yiri Mr Biixi.

Xigashada Sawirka, Anadolu
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Hadalaka Madaxwaynaha Somaliland ayaa ku soo beegmaya iyada oo dhawaan magaalada Ankara lagu soo gabagabeeyay wadaxaajoodyo u dhaxeeyay dowladda soomaaliya iyo Itoobiya.
Wadahadalladan ayaa ahaa kuwo laga soo hormariyey wakhtigooda, maadaama Turkigu u arkay in hadda la joogo meel wanaagsan oo aysan khasab ahayn in la sugo ilaa bisha Siteembar.
Arrintan ayaa timid ka dib markii uu wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Hakan Fidan uu gobolka booqasho ku yimid, sidoo kalena madaxweynaha Turkiga Racep Tayyip Erdogan ayaa telefoonka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Waxaa 1dii Janaayo magaalada Addis Ababa ku kala saxiixday heshiis is afgarad ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Dowladda Soomaaliya ayaa heshiiska dekedda ku tilmaantay mid sharci darro ah oo aan la qabali karin.
Sidoo kale dawladaha Afrika, Yurub, Maraykanka iyo kuwa kale waxay ugu baaqeen Itoobiya in ay xushmeyso midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya.













