Maxay ka dhigan tahay in ergadii Maraykanka ee wadahadalladii Iiran ay booqdaan markabkaUSS Abraham Lincoln?

Maraykanka

Xigashada Sawirka, Handout via Reuters

Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Xafiiska Raysal Wasaaraha Israa'iil ayaa shaaciyey in Benjamin Netanyahu u kulan magaalada Washington kula yeellan doono madaxweynaha Maraykanka Donald Trump arbacada soo aadan " kaas oo lagaga hadli doono wadahadallada Iran"

Wuxuu intaas xafiisku raaciyey bayaankiisa in Netenyahu "aaminsanyahay in wadahadalkasta ay ku jirto xaddidaadyo ku saabsan gantaallada ballistikada ah iyo joojinta Iiraan taageerada dhidibkeeda," taasoo uu ula jeedoa xulufada Iran ee gobolk.

Tani waxay timid kaddib markii Iiraan iyo Mareykanku ay Jimcihii ku yeesheen wadaxaajoodyo dalka Cumaan. Trump ayaa markii dambe ku dhawaaqay in wada hadalladu dib u bilaaban doonaan horraanta toddobaadka soo socda, halka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araqchi, uu ka hadlay wareeg wadaxaajood oo mustaqbalka ah isaga oo aan cayimin taariikh.

Haddii kulanka u dhexeeya Trump iyo Netanyahu uu dhaco 11-ka Febraayo 2026, waxa uu noqon doonaa kulankii toddobaad tan iyo markii madaxweynaha Mareykanka uu dib ugu soo laabtay xilka bishii Janaayo 2025.

Waxaa xusid mudan in Trump iyo Netanyahu la filayay inay kulmaan 18-ka Febraayo, balse dhinaca Israa'iil wax faallo ah kama bixin sababta keentay in taariikhda booqashada la soo hormariyo, sida ay sheegtay Reuters.

Cabsi laga qabo in wadaxaajoodyadu burburaan

Maraykanka iyo Iran

Xigashada Sawirka, Getty Images

Mas'uuliyiinta Iiraan ayaa meesha ka saaray in laga wadahadalo gantaallada Iiraan, iyaga oo adkeeyay in Tehran ay doonayso in la aqoonsado xaqeeda ku aaddan kobcinta yuraaniyamka.

Iiraan waxay haysataa mid ka mid ah keydadka gantaallada ee ugu waaweyn Bariga Dhexe.

Sida laga soo xigtay Reuters, diblomaasi ka socda gobolka, oo ay Tehran siisay faahfaahinta wadaxaajoodyada, ayaa sheegay in Iiraan ay sidoo kale ku adkaysatay inta lagu guda jiray wadaxaajoodyadii ay la lahayd Mareykanka xaqeeda ah "kobcinta yuraaniyamka," isla markaana awoodda gantaallada Iiraan aan looga hadlin wadahadallada.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Si kastaba ha ahaatee, Netanyahu waxa uu doonayaa in wadaxaajoodyadu ay ka mid noqdaan barnaamijka gantaallada ee Iran iyo arrinta taageeridda Iiran ee xulufadeeda.

Dhinaciisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araqchi, waxa uu muujiyey rajadiisa ku aaddan 'dib u bilaabidda wadahadallada Maraykanka dhowaan,' isaga oo isla markaasna adkeeyey xuduudaha cas ee ay dejisay Tehran, sidoo kalena ka digay weerar kasta oo Maraykanku geysto.

Sida laga soo xigtay qoraallo lagu daabacay kanaalka rasmiga ah ee Telegram-kiisa intii uu socday wareysi uu siiyay shabakadda Al Jazeera ee Qatar, Araqchi wuxuu sheegay in barnaamijka gantaallada Iiraan uu yahay "mid aan gorgortan laga geli karin".

Wuxuu sheegay in kobcinta uranium‑ga ay tahay xuquuq dabiici ah oo ay leedahay Iran isla markaana ay tahay in ay sii socoto. Laakiin 'waxaan diyaar u nahay inaan gaarno heshiis lagu qancin karo oo ku saabsan kobcinta uranium‑ga'.

Wuxuu ku adkaystay in "arrinta nukliyeerka Iiraan lagu xallin doono oo keliya wadahadallo." Wuxuu sidoo kale ku nuuxnuuxsaday in barnaamijka gantaallada Iiraan "aan gebi ahaanba gorgortan laga geli karin" sababtoo ah wuxuu khuseeyaa "arrin difaac."

Tehran ayaa si isdaba joog ah u diiday inay ballaariso baaxadda wadahadallada si ay ugu darto arrimo aan ahayn arrinta nukliyeerka. Dhanka kale, Araqchi ayaa ka digay in Tehran ay bartilmaameedsan doonto saldhigyada Mareykanka ee gobolka haddii Mareykanka uu weerar ku qaado dhulka Iiraan.

Awoodaha caalamiga ah iyo dowladaha gobolka ayaa ka cabsi qaba in burburka wadahadalladu uu kicin karo khilaaf cusub oo dhexmara Mareykanka iyo Iiraan kaas oo ku faafi kara inta kale ee dalalka soo saara saliidda ee gobolka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan Badr bin Hamad al-Busaidi ayaa sheegay in wadahadalladu ay ahaayeen kuwo aad u culus, natiijada ka soo baxdana si taxaddar leh loogu daraasayn doono Tehran iyo Washington labadaba. Wuxuu intaas ku daray in ujeedadu tahay in wadahadallada dib loo bilaabo waqtigii ku habboon.

Wadahadalladii Jimcihii ayaa ahaa kuwii ugu horreeyay tan iyo markii wadahadalladii nukliyeerka ee u dhexeeyay Iiraan iyo Mareykanka ay burbureen sannadkii hore, ka dib markii Israa'iil ay duqeymo aan horay loo arag ka geysatay Iiraan, taasoo dhalisay dagaal socday 12 maalmood.

Witkoff oo booqday Markabka diyaaraha xambaaraha ee Abraham Lincoln

Maraykanka

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Labada wakiil ee sare ee Mareykanka u qaabilsan wadaxaajoodka Iran, Steve Wittkopf iyo Jared Kushner, ayaa booqday markabka dagaalka ee Mareykanka USS Abraham Lincoln ee Badda Carabta, taasoo si weyn loo arkay inay tahay calaamad muujinaysa hanjabaadda joogtada ah ee tallaabo milatari oo Mareykanku ka qaadi karo gobolka.

Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa ku shaaciyay qoraal baraha bulshada ah in labada sarkaal ee sare ay booqdeen markabka.

Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu Witkopf ku sheegay in markabka diyaaraha xambaaraha iyo kuwa weheliyaaba ay ''ilaalinayaan ammaankeena si ay u hubiyaan una taageeraan farriinta madaxweyne Trump ee a Nabadd loo marayo xooggaanaan"

"Waxaan u mahadcelinay badmaaxiinta iyo ciidamada badda, waxaan daawanay hawlgallada duulimaadka tooska ah, waxaana la hadalnay duuliyihii soo riday diyaarad aan duuliye lahayn oo Iiraan leedahay oo u soo dhawaatay markabka diyaaradaha xambaaraha iyada oo aan ujeedo lahayn,", isagoo ka hadlayay dhacdo Talaadadii ka dhacday Badda Carabta. Wuxuu intaas ku daray, "Waxaan ku faanaynaa inaan la garab istaagno ragga iyo dumarka difaacaya danaheena, ka hortagaya cadawgeenna, oo dunida u muujinaya waxa ay ka dhigan tahay diyaargarowga iyo go'aanka Mareykanka, iyo kuwa heeganka sare ku jira maalin kasta."

Kororka ballaaran ee ciidamada milatariga Mareykanka ee gobolka ayaa daba socota ololihii ay Iiraan ku cabburisay mudaharaadyadii billowday dhammaadka Diseembar, kuwaas oo ay kiciyeen dalabaad dhaqaale.