Maxay tahay sababta uu Sucuudigu u go'aansaday inuu baasaboor u jaro malaayiin Geel ah?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday inay baasaboorro siinayso malaayiin geela dalka ku nool, tallaabo ay saraakiishu sheegeen inay ka caawin doonto maaraynta xoolaha qaaliga ah ee dalka.
Sida ay sheegayaan mas'uuliyiinta Sacuudiga, hindisahan ayaa kordhin doona saameynta xanaanada geela isla markaana abuuri doona xog lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan aqoonsiga iyo lahaanshaha xoolaha.
Muuqaal lagu baahiyey baraha bulshada oo ay soo dhigtay Wasaaradda Deegaanka, Biyaha iyo Beeraha ayaa sidoo kale muujiyey sawirka dokumentiga. Waxay muujinaysay baasaboorka cagaaran, oo leh calanka dalka iyo sawir dahabi ah oo Geel ah.
Sanadka 2024, dowladda ayaa qiyaastay in ku dhawaad 2.2 milyan oo geel ay ku nool yihiin Sacuudi Carabiya, kuwaas oo sannad kasta ka qeyb qaata in ka badan 2 bilyan oo riyal oo dhaqaale ah oo dalka soo gala.
Sida uu qoray Arab News, adduunka waxaa ku nool ku dhawaad 35 milyan oo geel, 17 milyan oo ka mid ahna waxay ku noool yihiin dunida Carabta. Dalalka Carabta, Soomaaliya ayaa kaalinta koowaad ku jirta, ka dibna Sudan, Mauritania, Sacuudi Carabiya, iyo Yemen.
Geelku waa qayb ka mid ah calanka qaranka ee Sacuudi Carabiya. Dalka sidoo kale wuxuu qabtaa tartamo iyo bandhigyo quruxda geela, halkaas oo geela ugu fiican la abaalmariyo.
Bandhigyada Sacuudiga ee maalmaha qaranka, munaasabadaha gaarka ah iyo kuwa taariikhiga ah ma dhameystirna iyada oo uusan geela qeyb ka ahayn.
Doorka Geela ee Sacuudi Carabiya iyo guud ahaan dalalka Khaliijka Carabta wuxuu leeyahay taariikh dheer.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Taariikhda Geela
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Haddii aan eegno taariikh kooban, waxaan helnaa sawirro la qaaday bilowgii qarnigii 20-aad oo muujinaya in geelu ahaa habka keliya ee loogu safri jiray magaalooyinka barakaysan ee Maka iyo Madiina.
Xujeyda iyo kooxaha safarada xujeyda ee ka iman jiray Afghanistan, Bartamaha Aasiya, Koonfurta Aasiya, iyo xitaa Bariga Fog ayaa gaari jiray Sacuudi Carabiya kaddib safarro dhaadheer oo la adeegsanayo Geela.
Hidaha u isticmaalida geela gaadiid ahaan goobaha lamadegaanka qallalan ee Khaliijka ayaa dib ugu laabanaya qarniyo.
Daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in taallooyinka geela ee lagu xardhay dhagaxyada Sacuudi Carabiya ay u muuqdaan inay yihiin sawirradii xoolaha ugu da'da weyn adduunka.
Markii ugu horreysay la ogaaday dhagxaantan 2018, cilmi-baarayaashu waxay qiyaaseen in la sameeyay ku dhawaad 2,000 oo sano ka hor.
Qiyaastan waxaa lagu saleynayay isku ekaanshaha agabyo laga helay magaalada qadiimiga ah ee Petra ee dalka Urdun, balse cilmi-baaris dambe ayaa qiyaastay in da'da geela ay tahay 7,000 ilaa 8,000 sano.
Go'aaminta da'da saxda ah ee sawirrada dhagaxaan Geela lagu xardhay ayaa caqabado waaweyn ku noqotay cilmi-baarayaasha, sababtoo ah, ka duwan sawirrada godadka, mararka qaar ma jiraan wax walxo nool oo laga qaadan karo. Helitaanka farshaxanka dhagaxa heerkan ah ee gobolka ayaa sidoo kale dhif ah.
Bishii Sebtembar 2021, koox cilmi-baarayaal caalami ah ayaa shaaciyay natiijooyinkooda joornaalka Archaeological Science. Waxay falanqeeyeen qaababka burburka, calaamadaha, iyo lafta xoolaha ee laga helay goobta si loo go'aamiyo taariikh cusub oo taallada.
Da'daan weyn ee taallooyinkan waxay ka dhigeysaa kuwo ka da' weyn Xilliga Dhagaxa (Stone Age), oo 5,000 sano jir ah, ama ka da' weyn Buuraleyda Giza ee Masar, oo 4,500 sano jir ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Geela waxaa loo qaybiyaa dhowr nooc oo ku saleysan midabka.
Geeluu wuxuu leeyahay midabo kala duwan, laga bilaabo bunni ilaa casaan. Khubarada geela waxay sheegaan in geela ka yimaada Cumaan iyo Suudaan lagu yaqaan xirfadda orodka, halka geela ka yimaada xeebaha Sacuudi Carabiya lagu yaqaan soo saarista caano badan.
Sacuudi Carabiya oo ah dal hodan ah, taasoo hadda si weyn u maalgelinaysa si ay ula tartanto tiknoolajiyada iyo xilliga casriga ah ee adduunka, waxay isku dayeysaa in qiimaha taariikhiga ah iyo midabka dhaqanka ee geela lagu daro tartankan.
Hadda, shirkad la yiraahdo (Swani) ayaa maalgelin ku samaynaysa warshadaha caanaha iyo budada geela waxayna alaabteeda dhoofisay 25 dal. Waxay sidoo kale sameeyaan jalaato laga sameeyay caano geel.
Astaanta (Abel) waxay ka samaysaa dhar, boorsooyin gacanta lagu sameeyo, iyo kabo laga sameeyo dhogorta iyo maqaar geela.
Maqaarka geelu waxaa loo tixgeliyaa inuu yahay maqaarka ugu xoogga badan uguna adkeysiga badan oo waxaa ka maqaar adag oo kali ah Yaxaaska.
Iyada oo qayb ka ah Himilada Sacuudi Carabiya ee 2030, wax-soo-saarka geela wuxuu oqon doonaa mid ka mid ah ilaha dakhliga ugu weyn ee dalka marka laga so tago Shidaalka . Marka laga reebo dakhliga, waxaa sidoo kale jira dareen taariikhi, dhaqammo diimeed, iyo caadooyin keenaya faa'iido iyo sharaf Sacuudiga.













