Wuxuu isku duubay nin qarax isku soo xiray oo doonayay in maalin Jimco ah uu masaajidka isku dhex qarxiyo

Xigashada Sawirka, .
Syed Ashfaq wuxuu deggen yahay meel u dhow Imambaargaha (Imambargah) halkaasi oo lala beegsaday fal argagixiso oo ka dhacay Masaajid ku yaalla xaafadda Tarlai ee Islamabad.
Isaga ayaa ahaa qofkii ugu horreeyay ee dhacdada ku wargeliya gurmadka degdegga ah iyo booliiska, sidoo kale wuxuu noqday qofkii ugu horreeyay ee gudaha u galaa Imambaargaha kaddib qaraxa.
Inta badan dadka ku cibaadaysanayay Imambaargahan waxay ahaayeen dad deggan Tarlai, wuxuuna Syed Ashfaq ahaa mid yaqaanay badankood.
Wuxuu sheegay in markii uu galay Imambaargaha ay yaalleen dhaawacyo iyo maydad meel walba yaalla. Xilligaas, wuxuu bilaabay inuu caawiyo dadka dhaawacmay, isagoo iska indhatiraya maydadka.
Syed Ashfaq wuxuu sheegay in markii uu albaabka ka galay hoolka uu arkay Aun Abbas, oo ka mid ahaa dadka Tarlai deggen, iyo meydka qofka la tuhunsan yahay inuu ahaa qofkii is qarxiyay oo is barbar yaallay.
"Waxaa la ii sheegay in markii qofkii ismiidaamiyaha ahaa uu meesha soo galay kaddib rasaasta la maqlay, Aon Abbas uu isku duubay ninkii qaraxa sitay, dabadeedna ismiidaamiyuhu halkaas ayuu isku qarxiyay. Haddii Aon Abbas uusan sidaas samayn oo uusan weeraryahanka ku joojin albaabka Masaajidka, khasaaraha nafeed wuxuu ahaan lahaa mid aad uga sii weyn."

Xigashada Sawirka, Ashfaq Shah
BBC-da ayaa isla warkaasi ka maqashay dad kale oo ku sugnaa hoolka iyo dadka dhaawacmay.
Asghar Ali isna waxaa ka soo gaaray dhaawac fudud dhacdadii Jimcaha. Wuxuu ku tukanayay safkii ugu dambeeyay, meel u dhow albaabka Masaajidka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dhinac ayuu Asghar Ali ka istaagay qof, dhinaca kalena qof kale ayaa joogay, kaas oo lagu dilay weerarka.
Asghar Ali wuxuu sheegay in markii uu maqlay rasaasta, Aun Abbas uu ka baxay salaadda isla markaana uu wajahay qofkii ismiidaamiyaha ahaa ee Masaajidka albaabka ka soo galayay. Sida uu sheegay, xilligaas ayay ismiidaamiyuhu isku qarxiyay, waxaana qaraxa ku dhintay Aun Abbas iyo dad kale oo badan.
Wuxuu intaas ku daray in isaguna ku dhaawacmay qaraxa, balse dhaawaciisu uu ahaa mid fudud, isla markaana laga saaray isbitaalka. Asghar Ali wuxuu sheegay inuu miyir daboolmay muddo dheer.
Raja Basharat Hussain ayaa imaam ka ahaa salaadda markii qaraxu dhacay.
Raja Basharat Hussain wuxuu sheegay in dad badan oo cibaadaysanayay ay u sheegeen in Aun Abbas uu salaadda ka baxay kaddib rasaasta, isla markaana uu hor istaagay waddadii weeraryahanka. Wuxuu yiri: "Haddii uu dhex geli lahaa safafka, khasaaruhu aad buu u badnaan lahaa. Aun Abbas wuxuu badbaadiyay nolosha dad badan isagoo naftiisa huray, waana geesi."
Syed Ashfaq wuxuu sharraxay in laba waardiye ay ku sugnaayeen iridda weyn ee Imambaargaha.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Wuxuu sheegay in salaaddu lagu jiray markii weeraryahanku ka soo galay iridda weyn isagoo rasaas ridaya. "Waxaan maqlay afar ama shan xabbadood, dabadeedna xabbad kale. Taas waxaa riday waardiyaha hubaysan, kaas oo isku dayayay inuu joojiyo qofka ismiidaamiyaha ah."
Syed Ashfaq wuxuu sheegay in inta uu weeraryahanku ka soo galayay iridda weyn uu riday laba ama saddex xabbadood oo kale, isla markaana uu isku dayayay inuu galo gudaha Masaajidka, markaasna Aun Abbas uu hor istaagay.
Wuxuu sheegay in Aun Abbas uu lahaa saddex walaalo ah, isla markaana uu la deggenaa ina-adeerkiis Shoaib xaafadda Tarlai. Sida uu sheegay Syed Ashfaq, Aabbaha Aun Abbas waa darawal taksiile ah.
Waxay sheegeen in Aun Abbas uu jiray 20 ama 21 sano. Syed Ashfaq wuxuu sheegay in ina-adeerka Aun Abbas, Shoaib, uu ahaa masuulkii daryeelayay, isla markaana dhawaan la diyaarinayay in Aun Abbas dibadda loo diro si uu u qabto shaqooyin kala duwan, imtixaanka arrintaasna uu sidoo kale ku guuleystay.
Yaa ka dambeeyay qaraxa?
Kooxda Dowladda Islaamiga ah (ISIS) ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkii lagu qaaday masaajidka Khadiijat-e-Kubra intii lagu jiray salaadda Jimcaha, kaas oo ka dhacay xaafadda Tarlai ee magaalada Islamabad.
Sida ay sheegtay BBC Monitoring, bayaankan ayaa lagu daabacay kanaallada Telegram ee kooxda, kuwaas oo sheegay in garab ka tirsan ISIS oo ka hawlgala Pakistan uu ka dambeeyay weerarka, isla markaana uu ahaa qarax ismiidaamin ah.
Wakaaladda wararka ee ISIS ee lagu magacaabo "Amaq" ayaa sidoo kale soo saartay bayaan ay ku wadaagtay sawir qof wejigiisa qarsaday oo la sheegay inuu yahay weeraryahanka.
Ugu yaraan 31 qof ayaa ku dhintay, in ka badan 160 kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay Imaambara ku yaalla xaafadda Tarlai ee Islamabad maalintii Jimcaha.













