Hawada oo aad iska saarto intaad lugeyneyso door intee le'eg ayay ka qaadan kartaa caafimaadkaaga?

Markaad wax cunayso, gaas ayaa ku urura habka dheefshiidka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Markaad wax cunayso, gaas ayaa ku urura habka dheefshiidka
    • Author, Sarah Bell
    • Role, Global Health, BBC World Service
  • Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Dhuusadu waa arrin inteenna badan aynaan qiran.

Si kastaba ha ahaatee, waxa hadda baraha bulshada ku faafay dhaqan caafimaad oo la yiraahdo "Lugeynta Dhuusada", kaas oo ah in la socdo ka dib marka wax la cuno si gaasaska caloosha u baxaan. Haddaba, ma habboon tahay in qof walba qaato?

Mid ka mid ah dadkii bilaabay fikraddan waa Mairlyn Smith, oo ah khabiir ku takhasusay maaraynta qoyska isla markaana ah atariisho. Fiidiyowyadeeda ay ku muujiso iyada iyo ninkeeda oo socod sameynaya ayaa malaayiin daawasho ka helay Instagram iyo TikTok.

Waxay tidhi:

"Sanado badan ka hor ayaan aniga iyo ninkeyga eyga la bixi jirnay ka dib cashada, markaas ayaan bilownay inaan u bixino 'socodka gaaska', sababtoo ah waan baxaynay, u dhuusno, ka dibna eeyga ayaan dusha u saari jirnay (dhuusada)."

Maxay "u lugeynta dhuusadu" ugu wanaagsan tahay caafimaadka?

Inkasta oo magacu u muuqan karo kaftan, haddana socodkan wuxuu leeyahay faa'iidooyin dhab ah oo caafimaad, gaar ahaan ka caawinta jirka inuu iska saaro gaasaska ku urura caloosha ka dib cunista. Marka la cuno cunto, biyo ama xitaa candhuuf, waxaa sidoo kale la liqaa hawo yar oo ku ururta hab-dhiska dheef-shiidka. Gaasasku sidoo kale way samaysmaan inta dheefshiidku socdo, waxaana kordhin kara cunista cuntooyin adag in la dheefshiido, isticmaalka daawooyin qaarkood ama xasaasiyad cunto.

"Marka aad socoto, dhab ahaantii waxaad la falgalaysaa hab-dhiska dheef-shiidka. Taasi waxay ka caawisaa in gaasaska baxaan, waana arrin aad ugu wanaagsan caafimaadka," ayay tidhi Mairlyn, oo ah qoraa siddeed buug oo cunto-karin ah kana soo jeeda Toronto, Kanada.

Jimicsigu sidoo kale wuxuu kordhiyaa tirada jeermiska yar-yar ee ku nool mindhicirka weyn, gaar ahaan kuwa soo saara asiidhyo dufan ah oo silsilad-gaaban ah, kuwaas oo faa'iido u leh caafimaadka mindhicirka.

Julie Thompson, oo ah madaxa wacyigelinta ururka Guts UK, ayaa sheegtay in jeermisyadani ay beddelaan walxo kale oo mindhicirka ku jira, sida asiidhyada xameetida ah, taasoo dardargelisa dhaqdhaqaaqa mindhicirka, yareysa calool-istaagga, isla markaana fududeysa sii-daynta dhuusada.

Mairlyn sourit à l'objectif, coiffée d'une casquette grise où est inscrit « fartwalk™ ». Elle a les cheveux bruns et bouclés, coupés au carré, et porte un t-shirt clair. Elle est photographiée devant le dos d'un homme qui porte lui aussi un t-shirt avec l'inscription « fartwalk™ ».

Xigashada Sawirka, Mairlyn Smith

Qoraalka sawirka, Mairlyn a déposé la marque « fartwalk » pour amasser des fonds pour Diabète Canada.

Waxaa sidoo kale la og yahay in socodku u wanaagsan yahay wadnaha, uu xoojiyo difaaca jidhkka, isla markaana uu yareeyo halista sonkorowga nooca labaad isagoo xasillinaya heerka sonkorta dhiigga.

"Marka aanad fadhiisan ka dib cunista oo aad dhaqaaqdo, murqaha jirku waxay nuugaan sonkorta dhiigga ku jirta sida isbuunyo," ayay tidhi Mairlyn.

"Inkastoo uusan ahayn xalka keliya, haddana waa caado yar oo faa'iido weyn leh."

Socodka dhuusada iyo cuntooyinka

Socodkan wuxuu sidoo kale ka caawin karaa dadka inay si fudud u cunaan cunto badan, ayay tidhi Emma Bardwell, ku takhasustay nafaqooyinka kana shaqeysa Ingiriiska

"Caalamka guud ahaan, qiyaastii 90% dadku ma cunaan 30 garaam oo fiber ah oo maalin walba lagula taliyo. Waxa dadka ka celiya badanaa waa dhibaatooyinka la xidhiidha sida calool-buurnaanta iyo gaaska (Hawada caloosha kuududa). Sidaas darteed socodkan waa mid aad u habboon," ayay tidhi.

Portrait d'Emma Bardwell, cheveux ondulés avec des mèches blondes arrivant juste en dessous des épaules. Elle sourit, vêtue d'un t-shirt blanc et d'une veste en velours noir.

Xigashada Sawirka, Emma Bardwell

Qoraalka sawirka, « La beauté d'une "marche des pets" réside dans sa simplicité, sans règles strictes », explique Emma Bardwell.

Fiber-ku wuxuu leeyahay faa'iidooyin badan oo caafimaad, sida hoos u dhigista kolestaroolka, xakamaynta sonkorta dhiigga, ka hortagga calool-istaagga, iyo yareynta halista cudurrada wadnaha, sonkorowga nooca labaad, iyo xitaa kansarro qaarkood sida kan mindhicirka weyn.

Fiber-ku sidoo kale wuxuu quudiyaa jeermiska ku nool mindhicirka. Jeermisyadani waxay fiber-ka u beddelaan walxo faa'iido leh oo jirka dhex mara, kuwaas oo ka qeyb qaata samaynta fiitamiino sida B12 iyo soo saarista kiimikooyin maskaxda saameeya sida serotonin, taasoo xitaa wanaajin karta niyadda.

Faa'iidooyinka caafimaadka maskaxda

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Socodka bannaanka wuxuu si weyn u wanaajiyaa niyadda, maadaama jimicsigu sii daayo hormoonno farxad keena sida endorphins iyo serotonin. Waxa kale oo uu yareeyaa walbahaarka, maskaxdana ka mashquuliyaa, isla markaana hagaajiya hurdada.

Socodku wuxuu xoojiyaa xidhiidhka qoyska. Mairlyn waxay sheegtay inuu ahaa hab fiican oo ay waqti ula qaadato ninkeeda, inkasta oo ay mashquul badan yihiin.

"Hadda, haddii ninkeygu maqan yahay, waxaan la baxaa saaxiib ama deris, waana hab qurux badan oo xidhiidhka lagu sii hayo," ayay tidhi.

Intii lagu jiray cudurkii Covid-19, Mairlyn waxay bilowday inay fiidiyowyo ku daabacdo Instagram si ay dadka niyaddooda u qaaddo. Sannadkii 2023, kadib markii ay baraf ku dhacday oo ay madaxa dhaawac ka gaadhay, duubista fiidiyowyadani waxay noqdeen qayb ka mid ah soo kabashadeeda.

"Waxaan qaatay taleefankayga oo aan bilaabay inaan ka hadlo, waxaanan is idhi: 'Haddii tan la igu xusuusto, way noqon doontaa mid qosol leh,'" ayay tidhi.

Sidee loo sameeyaa "socodka dhuusada"?

Waxaa habboon in la dhaqaaqo ka dib cunto kasta, balse waqtiga ugu fiican waa ka dib cuntada ugu weyn, taasoo dadka badankood u tahay cashada.

Ma jiraan xeerar adag, balse Emma waxay ku talisay in la sugo 30 daqiiqo ilaa saacad si dheef-shiidku u bilaabmo. Socodkuna ma aha inuu noqdo mid dheer ama culus.

"Waxaan ka hadlaynaa toban daqiiqo oo keliya. Looma baahna in arrinta la adkeeyo," ayay tidhi.

Waxa kaliya ee loo baahan yahay waa kabo fiican iyo dhar ku habboon cimilada.

Emma waxay sheegtay in mararka qaar baraha bulshada caafimaadka lagu soo bandhigo si aad u adag oo qaali ah, balse ay tahay wax lagu farxo in laga hadlo arrin sahlan sida socodka ka dib cunista, maadaama uu qof walba heli karo, kana madax bannaan yahay kharash.

Ku darista socodkan caadada maalinlaha ah waa "dhaqan yar oo aad u wanaagsan" oo gacan ka geysanaya nolol caafimaad leh, ayay tiri Mairlyn.

"Talooyinkan fudud, inkastoo ay sahlan yihiin, waxay kaa caawinayaan inaad si fiican u noolaato oo aad dareento caafimaad," ayay tiri.

"Waxaan ku faraxsanahay sida uu u faafay, sababtoo ah ujeeddadaydu waxay ahayd oo keliya in dadka la dhaqaajiyo."