Baraf khasaare ka gaystay DDS

Xigashada Sawirka, Facebook
Wararka ka imaanaya dawlad-deegaanka Soomaalida ayaa sheegaya in shalay halkaa ay ka de’een baraf iyo dabaylo wada socda, kuwaasoo khasaare gaytay.
Deegaannada u dhaxeeya Wajaale iyo Jigjiga ayey dabaylaha iyo barafka isla socda ku dhufteen, waana markii ugu horrayay ee deegaankaas lagu arko baraf sida dhagaxa oo kale ah sida uu BBC u sheegay Saxane Yuusuf Barkhadle Nuur oo ah guddoomiyaha tuulo la yiraahdo magaalo Qaran oo ka tirsan Aw-barre, halkaasoo xuddun u ah barafka.
“Anigu waxaan maamulka qabalaha joogaa 15 sano, 30 sanana hore ayaan u joogay. Weligey ma arag, dadka 70 jirrada ah iy kuwa 80 jirrada ahna iima aysan sheegin dabaylahan oo kale” ayuu yiri.
Wuxuu intaa ku daray cimiladu ay aad u qaboobayd “Dadka iyo xoolaha dab baa loo shiday” ayuu sii raaciyey.
“saacad iyo bar ayey dabaylahaas iyo barafku socdeen, qof kastana meel uu ka galo ayuu raadsaday” ayuu yiri Saxane.

Xigashada Sawirka, TWITTER
Masaafadii ugu dheerayd ayuu barafkaas fariistay, waana qiyaastii ilaa 10 KM oo u dhaxaysa Gobyarrey oo ka tirsan degmada Aw-Barre iyo Haroreys, isagoo waddada qariyey.
Meelaha ay waxyeelladu soo gaartay waxaa ka mid ah xarun lagu baaro dadka iyo gaadiidka, iyo saqafka aqallada oo qaar ay dumeen. Sidoo kale waxaa ala sheegayaa in xoolo nool ay waxyeello soo gaartay.
Lama sheegin cid ay waxyeello ka soo gaartay, saacado ka dibna wuu dhalaalay sida ay wararku sheegayaan.
Maxaa keenay in baraf uu ka da'o DDS?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ilaa hadda si rasmi ah looma oga sababta deegaannadaas oo aan baraf lagu aqoon uu uga da’ay, laakin dadka daraaseeya arrimaha deegaanka iyo cimilada waxay la xiriirinayaan isbeddelka cimilada.
Arrimaha aan arkayno waa kuw aan hore u jirin oo lala yaabi karo maadaama cimilada geeska Afrika ay tahay mid kulul oo aan alagu aqoonin baraf, laakin maadaama dunida isbeddel cimilo oo xoog leh u ka jiro, oo la fili karo in heerkulku uu kor u sii kaco ayaa wax kasta la filan karaa, sida baraf, duufaanno, abaaro isku xigsada IWM oo aan dalkeenna laga aqoon” ayuu yiri Cabdullaahi Cilmi Maxamed oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha deegaanka, kana faallooda isbeddelka cimilada iyo deegaanka.
“Waxyaabaha aan hore u aragnay waxaa ka mid ah inay isku xigsadaan arrimo aad u kala fog, sida abaaraha iyo fatahaadaha, sidaa darteed isbeddelka cimilada wuxuu wataa arrimo aysan dadku hore u aqoon oo laga cabsi qabi karo inay dhacaan” ayuu sii raaciyey Cabdullaahi

Xigashada Sawirka, Reuters
Mar ay BBC weydiisay sababta keeni karta in deegaannada Soomaalidu degto lagu arko baraf iyo dabaylo is wata oo waxyeello geysta, gaar ahaan Jigjiga iyo Wajaale dhexdooda, ayuu yiri Cabdullaahi “Waa dhul joogiisu sarreeyo marka loo fiiriyo deegaannada ay Soomaalidu degto. Dhulka u dhaxeeya Wajaale iyo Jigjiga dhexdooda ilaa iyo Harar heerkiisa ayaa sarreeya, wuxuuna u dhow yahay daruuraha, laakinse ma aha micnaheeda in aysan ka dhici karin buurta Daalo ama buuraha isku xiran ee Golis”.
Deegaannada Somaliland iyo Dawlad deegaanka Soomaalida ayaa lagu tiriyaa meelaha dhulka Soomaalida ugu qabow, waxaana dad ku nool magaalada Jigjiga ay sheegeen in xilliyada uu jiro qabowga aadka u daran la arko baraf aroortii daaradda guryaha yaalla.
Dad kale ayaa ku micnaynaya sababta barafkan keentay in dalalka qabowga daran lagu yaqaanno uu xilligan ka jiro kulayl xoog leh, sidaa darteedna uu qabowga ba’an soo jiro dalalka kulul.












