Sade Buulle: "Ayeeyaday waxay ka dardaarantay inaan Muqdisho lagu aasin balse halkii ay dalbatay ayaan dib ugu aasnay"

MARXUUMADA WARSAN

Xigashada Sawirka, BARAHA BULSHADA

Qoraalka sawirka, Lafaha marxuumad Warsan Xaaji oo dib loogu aasay halkii ay ka dardaarantay

Xabaalaha Iskool Buluusiya ee magaalada Muqdisho waxaa wali ka socda bixitaanka maydadka halkaas ku aasnaa mudda dheer ka dib amarkii ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo sheegtay in dhulkaas u adeegsan doonto xarun ciidanka badda ee Soomaaliya lagu tababaro.

Dadka ehelladoodu halkaas ku aasan yihiin ayaa wali wada sidii ay xabaalaha uga soo saari lahayeen maydadkooda oo ay meelo kale ugu aasan lahayeen.

Maydkii ugu horreeyey ee la soo saaray xabaalaha Iskool Buluusiya oo halkaas ku aasnaa muddo shan sano ah ayaa eheladiisu ka dhoofiyeen garoonka Muqdisho iyagoo la aaday deegaankooda.

Marxuumad Warsan Xaaji Maxamed, waxay dabayaaqadii sanadkii 2019 ay ku geeriyootay magaalada Muqdisho iyadoo lagu aasay xabaalaha Iskool Buluusiya.

“Ayeeyo Allaha u raxmadee labo maalin ayey nagu qaadatay in aan dib uga soo saarno qabrigii an shan sano ka hor galinayey, waxay nagu ahayd naxdin iyo uur ku taallo arrintaasi,” ayuu yiri Sade oo ka mid ah ehelka marxuumadda.

Qoyska oo Sade ka mid ahaa ayaa maanta garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho diyaarad ka saaray lafaha ayeeyadood oo ay geeyeen magaalada Caabudwaaq oo dib loogu aasay marxuumadda.

Dardaarankii ayeeyo Warsan Xaaji

EHELKA MARXUUMADA

Xigashada Sawirka, SADE BUULLE

Qoraalka sawirka, Sade Buulle

Sida uu BBC-da u sheegay Sade Buulle, ayeeyadiisa Warsan Xaaji, waxay gaartay da’da boqol jir iyadoo intii ay hadli kartay ka dalbatay in aan lagu aasin magaalada Muqdisho oo la geeyo magaalada Caabudwaaq halkaasna lagu aaso balse dalabkeedii ehelkeedu ma u fulin.

“Waxay dardaarantay ayeeyo inaan lagu aasin Muqdisho,intii ay sariir saarka ahayd ee ay hadli kartay ayey sidaa dalbatay laakiin Nasiib xumo annagu lama aannan la garan, sababo la xiriira xilligaa soo soo xooggaysanayey curudkii saf-marka aha ee Covid-19 iyo annaga oo is dhahnay waxba uma dhaxeeyaan Muqdisho iyo halka ay ka dardaarantay oo an is dhahnay qabuuraha dadkaas muslimiinta ku aasan yihiin ha lala aaso,” ayuu BBC-da u sheegay Sade.

Wuxuuu sheegay in ilaa hadda maskaxdiisa ku soo noq noqonayaan hadaladii ayeeyo.

“Waxaa i hor imaanaysa ilaa hadda an kula hadlayo xasuustada hadaladeedii ayeeyo, waxaana iigu naxdin iyo murugo badnayn markii qolkii an ayeeyo oo isku taalla maydkeeda ka qaadnay aan mar kale iyadoo lafo lafo ah dhignay isla qolkii,” ayuu intaas raaciyey

Labo qabri iyo labo aas

marxuumad

Xigashada Sawirka, barhaa Bulshada

Qoraalka sawirka, Qabriga dib loogu aasay lafahii Marxuumad Warsan Xaaji ee Caabudwaaq

Marxuumad Warsan Xaaji Maxamed, ayaa markii labaad la aaasay ka dib markii lafaheedii dib loogu aasay xabaalo ku yaala duleedka magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

“Salaaddii janaasada ayaa lagula tukaday mar labaad, dad badan ayaana naga qayb galay aaskii labaad ee ayeeyo, runtii maanta ayey nooga murugo badnayd maalintii kowaad ee dhimashadeda iyo aaskeeda, waayo waligay isma oran labada mitir ee ayeeyo adduunkan ku lahayd ayaa laga daba tagi doonoo oo laga soo saari doonaa! Taas ayaa wax aan la yaabo igu noqotay,” ayuu yiri Sade Buulle

Dowladda Soomaaliya ayaa muddo 10 maalmood ah u qabatay in dadka ay ehelladooda ku aasan yihiin qabuuraha Iskool Buluusiya in ay meydadkooda la baxaan si ay dowladda u isticmaasho dhulkaas oo ay hadda u baahatay.

Maxay dawladda ka damacsantahay dhulkan qabuuraha ah ee ay dooneyso inay la wareegto?

xabaalaha iskoool buluusiya

Wasiirka Gaashaandhigga ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sheegay in hadda ay dowladda u baahatahay dhulkan loona baahan yahay in lagu qabto dan qaran

Waxa uu sheegay in arrinta ay tahay arrin shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan qaranka Soomaaliyeed qiimo weyn ugu fadhida.

“Inta xagga la iska dhigo wararka la faafi doono ha loo hoggaansamo awaamiirta dowladda, maadaama dhulkaan loo qorsheeyey howlo dan-guud ah oo la deji doono ciidanka ilaalada xeebaha dalka.”

Xabaalahan oo ku yaalla degmada Xamar jajab waxa dhinaca ku haya xerada Booliska ee Jeneraal Kaahiya ama Iskuul Buulisiya waxa kale oo halkaas ku taalla barxadda caanka ah ee lagu toogto dadka dilka lagu xukumo.