Mahad Salaad muxuu Maraykanka ka doonay?

Mahad Salaad

Xigashada Sawirka, Facebook

Qoraalka sawirka, Mahad Salaad oo ahaa xildhibaan dooda badan ka gali jiray warbaahinta, ayaa indhaha bulshada ka qarsoomay tan iyo markii loo magacaabay xilka NISA.
    • Author, Sahnun Ahmed
    • Role, BBC Somali

Talaadadii la soo dhaafay, ayuu agaasimaha hay’adda Sirdoonka Soomaaliya, NISA, safar ugu amba baxay Washington, si uu ula kulmo saraakiisha sirdoonka Maraykanka CIA iyo tan dembi baarista ee FBI, oo uu casuumaad ka helay, sida uu noo sheegay sargaal ka tirsan Nabad-sugidda Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa la sheegay inay wada hadlo ka yeesheen dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab ee hadda ka socda Soomaaliya. Danjiraha dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry André, oo BBC Somali la hadlay todobaadkaan ayaa sheegay in ay ciidmada Soomaaliya ka caawinayaan qalabka iyo qaadista weeraro dhinaca cirka ahba .

Laakiin taliyaha sirdoonka Soomaaliya ayaa ka doonaya hay'adaha sirdoonka gudaha iyo dibeda ee Mareykanka taageero intaa dhaafsan, oo dhanka xog-wadaagga iyo sirdoonka ah oo dhexmarta CIA iyo NISA.

“Dawladda Soomaaliya mararka qaar waxaa laga caawiyaa xogo ku saabsan waxa ka soo daga garoonka iyo dakadda Muqdisho. Xogta [gudaha dalka] waxay ka mid tahay waxyaabaha Maraykanku ka caawiyo Soomaaliya,” ayuu yiri sarkaalka NISA ee BBC da la hadlay.

Todobaadkii la soo dhaafay ayaa takadda magaalada Muqdisho lagu qabtay laba kunteenar oo siday saanad ciidan iyo walxaha qarxa. Dawladda Soomaaliya waxay sheegtay in qalabkaas loo waday ururka al-Shabaab. Balse lama sheegin cidda iska lahayd ama ay ku socdeen konteenarada.

Sidoo kale xogaha ku saabsan dhaqdhaqaaqyada madaxda iyo ciidanka al-Shabaab ayaa ka mid ah waxyaabaha uu Maraykanka ka caawiyo sirdoonka Soomaaliya, inkasta oo ay jiraan hawlgallo bartilmaameedyo sare lahaa oo ay qayb ka ahaayeen sirdoonka Soomaaliya, sida duqayntii lagu dilay Cabdullaahi Nadiir, oo la sheegay inuu kamid ahaa, xubno loo badinayay in ay badali karaan hoggaanka al-Shabaab, sida uu noo sheegay sarkaalkan.

Ciidamada Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Facebook

Qoraalka sawirka, Wajiga labaad ee dagaalka kka dhanka ah ee al-Shabaab ayaa taageero loo raadinayaa.

Wajiga labaad ee dagaalka Shabaab

Todobaadkii la soo dhaafay wuxuu madaxweynaha Soomaaliya xarigga ka jaray xarunta laga hagi doona wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab, oo ku dhex taalla garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Waxaa madax looga dhigay Janaraal Maxamed Cali Bariise, taliye xigeen hore ee ciidamada militariga Soomaaliya.

Halkaan ayaa ah barta lagu naqshadeyn doono weerarada lagu qaadi doono dhulalka ay ka taliyaan al-Shabaab.

Maraykanka ayaa la filayaa inuu kaalin wayn ku yeesho shaqada goobtaan laga agaasime doono, iyada oo la filiyo in wakiillo ka socda ay yimaadaan. Waxaa kale oo halkaan imaan doona saraakiil ka socota ciidamada wadamada loo yaqaanno safka hore ee Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya, oo qayb ka noqondoona hawlgalladaas – balse markaan kuma shaqayn doonaan magaca Amisom.

Waxyabaha ay ka wada hadleen Mahad Salaad iyo Sirdoonka Maraykanka waxaa kamid ah; si ay u bilaabaan hawlgalladaan ciidamada Soomaaliya, in Maraykanku la garab istaago dhaqaale iyo diyaaradhooda aan duuliyaha lahayn, maadaama ay adag tahay in la galo goobaha qaar ee hawdka ah.

shirka

Xigashada Sawirka, Facebook

Qoraalka sawirka, Shir madaxeedka Soomaaliya iyo wadamada safka hore oo Muqdisho kusoo gabagaboobay bishii Febraayo.

Mahad Salaad

Horay wuxuu u ahaa xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2012 kii. Balse bishii May ee sanadkii 2022 kii, ayuu madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud u magacaabay agaasimaha hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

Waqtigaas agaasimihii xilka uga horeeyay ee NISA Fahad Yaasiin, ayuu ku eedeeyay in uu la shaqeeyay al-Shabaab, xogo bandan oo arrintaas la xariirina uu ka helay intuu madaxda ka ahaa hay’adda. Balse wax caddeyn ah ma uusan soo bandhiggin ilaa iyo hadda.

Mahad, ayaa isna intii uu hay'adda madaxda ka ahaa Fahad Yaasiin, wuxuu ku eedeeyay inuu ka dambeeyay kiiska dilkii Ikraan Tahliil, oo ka tirsaneyd hay'adda NISA.

Mahad Salaad oo ahaa xildhibaan doodo badan ka gali jiray warbaahinta, ayaa indhaha bulshada ka qarsoomay tan iyo markii loo magacaabay xilkaan.