Arrimaha ku gadaaman doorashooyinka golayaasha deegaanka Puntland

7 urur siyaasadeed ayaa taratamaya

Xigashada Sawirka, Guddiga doorashada Puntland

Qoraalka sawirka, 7 urur siyaasadeed ayaa taratamaya

Dadka reer Puntland waxay 25 Maajo u dareerayaan goobaha codbixinta. Waxay soo dooran doonaan xubnaha golayaasha deegaannada oo tirada ka soo bixi doonta doorashada lagu qiyaasayo kumanaan qof.

Ilaa 319,000 oo qof ayaa la filayaa in ay codkooda dhiibtaan, inkastoo dadka kaararka qaatay ay intaa ka badan yihiin.

Doorashada iminka dhacaysa waxaa la soo tijaabiyey sida ay u qabsoomi doonto laba sano ka hor.

Dabayaaqadii bishii Oktoobar ee 2021 ayaa doorasho tijaabo ah laga saneeyey seddex degmo oo kala ah Qardho, Eyl iyo Ufayn.

Casharradii laga bartay doorashadaas waxay keeneen in lagu dhiirrado qabashada dorasho qof iyo cod ah oo dadku ay ku soo dooranayaan xubnaha golayaashosa deegaannadooda.

Goobaha ay doorashadu ka dhacayso

Waxaa la qorsheeyey in doorashada ay ka dhacdo 37 degmo oo ka tirsan Puntland.

Degmooyinka waxay ku kala yaallaan Bari, Nugaal, Mudug, Snaag, Haaylaan, Karkaar iyo Garfaduu.

Laakinse 4 ka mid ah 37ka degmo ee la qorsheeyey ayaan la filayn in laga codeeyo. Degmooyinkaas ayaa kala ah Garowe, Dangoroyo, Burtinle, iyo Godob jiraan .

Sababtu waxay tahay ayadoo agabka doorashada uu gacanta u galay dad caraysan oo burburiyey iyo meelaha qaar oo khilaaf siyaasadeed uu ka jiro, ciidamana ay isku hor fadhiyaan.

“Waa nasiib darro in xilligan uu khilaaf noocaas ah uu yimaado ayadoo la galayo doorashooyin muhiim, bulshada rayidkana waxay ku baaqaysay intii khilaafkaas jiray in aan la aadin dhanka iska hor imaadka” ayuu Yiri Cabdiraxmaan Cabdirisaaq oo ah madaxa dalladda ururrada bulshada rayidka Puntland ee lo yaqaano PUNSAA.

319,000 ayaa la filayaa inay codeeyaan

Xigashada Sawirka, Guddiga doorashada Puntland

Qoraalka sawirka, 319,000 ayaa la filayaa inay codeeyaan

Ururrada tartamaya

Doorashada waxa ka qayb galaya todoba urur siyasadeed. Waxaase ka soo bixi doona 3 urur, kuwaasoo noqon doona xisbiyo siyaasadeed, waxayna kala yihiin todobada urur:

1. Mustaqbal – waxaa guddomnmiye u ah Maxamed Ismaaciil Siibad oo ka tirsan baarlamaanka Puntland.

2. Mideeye – waxaa guddoomiye u ah Daahir Xaaji Khaliif, waxaana siyaasiyiinta ku jira ururkan ka mid ah Jen. Asad Cismaan Diyaano.

3. Kaah – Waxaa guddoomiye u ah madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

4. Sincad – waxaa guddomiye u ah Maxamuud Khaliif Jabiye oo 2019 u tartamay madaxtinimada Puntland.

5. Runcad – Waxaa guddoomiye u ah Cismaan Gamuure.

6. Ifiye – waxaa guddoomiye u ah Maxamed Cabdulqaadir

7. Shaqaalaha – waxaa guddoomiye u ah Cabdirashiid Sheekh Maxamuud.

Saraakiisha doorashada oo ambabaxaya

Xigashada Sawirka, Guddiga doorashada Puntland

Qoraalka sawirka, Saraakiisha doorashada oo ambabaxaya

Khilaafka ku gadaaman

Inkastoo doorashada aad loo rajaynayo inay dhacdo, misna khilaaf ayaa ku gadaaman, kaasoo keenay in deegaanno Puntland ka tirsan aan lagu qaban karin.

Meelaha qaar waxaa agabkii doorashada uu gacanta u galay dad taageersan mucaaradka.

Marka la eego xuddunta khilaafka, aragtida ay qabaan mucaaradka Deni ayaa dad xog-ogaal ah waxa BBC u sheegeen inay tahay in la caddeeyo qaabka loo wajahayo doorashada madaxtinimada Puntland ee lagu wado inay dhacdo bisha Janaayo ee 2024, waxayna ka cabsi qabaan in muddo kororsi uu yimaado.

Madaxweyne Deni wuxuu ku adkaysanayaa in marka hore la qabto doorashada golayaasha ee 25 Maajo, oo lagu wado inay ka soo baxaan seddex xisbi oo kaliya, ayadoo seddexdaas xisbi ay markaas magacaabi doonaan guddi doorasho oo aan ahayn midka ku-meel-gaarka ah ee hadda ka jira Puntland, kaasoo maamuli doona doorashada Madaxweynaha ee 2024.

Maxaa laga fili karaa

Waxay u badan tahay oo la isku raacsan yahay in doorashadu dhici doonto, laakinse ma cadda in xarunta loogu tala tirinta codadka ee Garowe ay shaqayn doonto maadaama khilaafka taagan uu keenay in aan degmada Garowe lagu qaban doorasho.

Doorahada waxaa kale oo dusha kala soconaya bulshada rayidka.

“Annaga kaalinta ugu muhiimsan ayaan ku leennahay. Waxaan tababarnay ilaa 400 oo qof oo doorashada korjoogteyn doona, dushana kala socon doona doorashada iyo hanaankeeda iyo sida ay u dhacayso. Waxaa kale oo aan leenahay xarunta la socoshada doorashooyinka oo ay xogta ku soo dhici doonto, iyo sidoo kale wixii cabasho ah” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdirisaaq, madaxa PUNSAA.

Wuxu intaa ku sii daray in ay ku rajo weyn yihiin in doorashadu dhacdo. “Waxaan rajeynaynaa in urur siyaasadeedyada iyo guddiga doorashada ay xeerarka ilaaliyaan” ayuu yiri Cabdiraxmaan.