Dhegeyso: Maxaa sababay inay sare u kacdo tirada ardayda iska diwaangelineysa iskuullada Soomaaliya?
Tirada ardayda iska diiwaan gelinaysa iskuullada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay sare u kaceyso iyadoo qoysaska barakacayaasha ah ay heleen waxbarasho.
Arrintan ayaa la sheegay inay qeyb ka yihiin dadaallo ay sameysay dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa hay'adaha caalamiga ah ee garab siiya Soomaaliya.
Dhawaan ayay ahayd markii ay dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ay qorshaynayso qoridda macallimiin dhan ilaa 6000 oo ka howl galaya gobollada dalka.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuura Mustaf Guudow, ayaa weriyaha BBC Axmed Badar uga warrantay arrintaas.










