Hal-abuur caafimaad: nin curyaan ah oo mar kale socda 12 sano ka dib markuu shil galay

Gert-Jan Oskam

Xigashada Sawirka, WEBER GILLES

Nin curyaan ah, ayaa mar kale dib u socday, oo hantay awoodiisii ka luntay ee socodka, taasoo ay ugu wacan tahay qalabka elektarooniga ah ee maskaxda, habraac caafimaad oo cusub, oo noqday mid bedelay noloshiisa.

Gert-Jan Oskam, oo 40 jir ah oo u dhashay dalka Holland, ayaa naafo noqday, ka dib markii uu shil baaskiil galay 12 sano ka hor.

Hannaankan cusub, ayaa wuxuu weli ku jiraa marxalad tijaabo ah, laakiin hay'ad samafal oo Ingiriiska ah, oo si gaar ah ugu takhasustay qeybtan, ayaa ku tilmaantay warkani mid "aad u dhiiri gelin u leh".

Qalabka elektaroonigga ah, ayaa si fiilo-la'aan ah ugu gudbinaya dareenkiisa iyo waxa uu markaasi rabo lugaha iyo cagaha, iyadoo loo sii marayo maqaar labaad oo lagu dhejiyay xudunta laf dhabarta.

"Waxaan isoo gaaraya dareen sidii ilmo yar, mar kale ayaan socdaa," Oskam ayaa u sheegay BBC-da. Wuxuu kaloo awoodaa inuu istaago oo uu jaranjarooyinka fuulo.

"Waxay ahayd waddo dheer, laakiin ugu danbeyntii haatan waan kici karaa oo saaxiibkay ayaan la wadaagi karaa cabitaan, waa wax lagu farxo, oo ay qiyaasi karayaan dad fara ku tiris ah."

Sidii loo hindisay qalabkan cusub

Mashruuca, oo lagu daabacay bogga gaarka ah ee Nature, ayaa waxaa fuliyay cilmi-baarayaal u dhashay dalka Swiss ah.

Professor Jocelyne Bloch oo ka tirsan jaamacadda Lausanne, oo ah dhakhtar ku takhasusay neerfaha, oo fuliyay qalliinka jilicsan ee lagu dhejiyay maqaar-galaha, ayaa tilmaamay in nidaamkani uu weli ku jiro marxalad cilmi-baaris aasaasi ah, oo ay sannado badan qaadan doonto, ka hor inta ay si toos ah u isticmaali Karayaan dadka bukaanka ah ee naafada ah.

Madaxa Gert-Jan oo lagu xiray xargo wax gudbinaya

Xigashada Sawirka, EPFL

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Si kastaba ha ahaatee, Dr Bloch ayaa BBC-da u sheegay in ujeeddada kooxdiisu ay ahayd inay ka baxaan shaybaarka, oo ay sida ugu dhakhsaha badan xarumaha caafimaadka u geeyaan qalabkani.

"Waxa muhiimka noo ah maaha in aan samayno tijaabo oo kaliya, laakiin, waqti ka dib, waxaan qorsheyneynay inaan siino qalabkani dad badan oo qaba dhaawacyada laf-dhabarka, kuwaasoo had iyo jeer aan ka maqli jirnay dhakhaatiirtu inay yiraahdaan waa inay la qabsadaan xaqiiqada ah inaysan waligood danbe dhaqaaqi doonin kaligood.

Harvey Sihota waa madaxa fulinta ee hay'adda samafalka UK ee dhanka cilmi barista arrimaha la xiriira Laf Dhabarta, taasoo aan ku lug lahayn cilmi-baaristani. Sida laga soo xigtay Harvey, inkasta oo tignoolajiyada ay ka fog tahay inay helaan dadweynaha guud, haddana in horumarkani la gaaray uu yahay mid leh "dhiiri gelintiisa".

"In kasta oo wax badan oo dheeraad ah loo baahan yahay in la sameeyo si loo hagaajiyo tignoolajiyadan, tani waa tallaabo cusub oo xiiso leh, oo ku saabsan khariidadda tignoolajiyada ee cilmiga dhanka maskaxda iyo neerfaha, iyo doorka ay ku leedahay dibu soo celinta shaqada, iyo madax-bannaanida dadka dhaawaca ka ah laf dhabarta.

Hannaanka loo marayo isticmaalka qalabka cusub

Hawlgalka dib looggu soo celinayo dhaqdhaqaaqa ruuxa la yiraahdo Gert-Jan, ayaa la sameeyay bishii Luulyo ee sanadkii 2021-kii.

Professor Bloch, ayaa wuxuu sameeyay laba dalool oo wareeg ah oo 5 cm dhexroor ah, oo ku yaal dhinac kasta oo madaxa, oo ka sarreeya maskaxda, kuna lug leh xakamaynta dhaqdhaqaaqa.

Kadib waxay gelisay laba qalab oo disc-ga qaabeeya oo si fiilo-la'aan ah ugu gudbiya calaamadaha maskaxda ee Gert-Jan, ama waxa uu damacsan yahay, laba dareeme oo lagu dhejiyay koofiyada madaxa lagu xirto.

Kooxda Swiss-ka, ayaa soo saartay nidaam ka tarjumaysa calaamadahaas, oo u beddelaya tilmaamo, si ay u dhaqaajiyaan murqaha lugaha iyo cagaha, iyada oo ay ugu wacan tahay maqaar labaad oo la geliyey meel u dhow xudunta lafdhabarta ee Gert-Jan, kaasoo Professor Bloch uu si jilicsan ugu xiray xididada dareemayaasha ee la xiriira socodka.

Macnaha Guud

Maqaarka maskaxdu, ayaa waxay ku dhismeen shaqadii hore ee Professor Courtine, kaasoo kaliya u adeegsaday beerista laf dhabarta, si loo soo celiyo dhaqdhaqaaqa. Maqaarka laf-dhabarta, ayaa wuxuu kordhiyaa calaamadaha daciifka ah ee maskaxda, ilaa qaybta dhaawacan ee xudunta laf dhabarta, taasoo lagu sii kordhin karo calaamadaha horay loo sii qorsheeyay ee kombuyuutarka.

Sannadkii 2018, BBC-da, ayaa sheegtay in David M'Zee uu noqday bukaankii ugu horreeyay ee lagu guuleysto daawayntiisa laf dhabarta, illaa heer uu awood u yeeshay inuu ilmo ka dhalo xaaskiisa, taasoo markii hore aan suurtagal ahayn in la gaaro.

Sannadkii hore, waxaan soo sheegnay sida ay ku hirgashay, iyadoo la adeegsanayo tignoolajiyada in, Michel Roccati uu noqday ninkii ugu horreeyay ee xudunta laf-dhabarta ay gebi ahaanba ka go'day inuu mar kale socdo.

Labada bukaanba, ayaa waxay la kulmeen faa'iidooyin aad u weyn, laakiin socodkooda ayaa horay loo sii qorsheeyay, dhaqdhaqaaquna wuxuu u muuqdaa mid gacan ku rimis ah oo roboti ah.

Waa inay sidoo kale ilaashadaan ujeedada dhaqdhaqaaqooda ee ku xiran kombuyuutarka oo ay joojiyaan, si ay dib ugu habeeyaan haddii ay ka baxaan marxaladda.

Gert-Jan oo dhex ku jira

Xigashada Sawirka, HILLARY SANCTUARY / EPFL

Cilmi-baarayaashu ayaa waxay ogaadeen in dhowr toddobaad oo tababar ah ka dib, uu istaagi karo oo socon karo, isagoo kaashanaya qof lugeynaya. Dhaqdhaqaaqeeda ayaa ah mid gaabis ah, laakiin waa mid joogto ah, sida uu qabo Professor Grégoire Courtine, oo ka tirsan Machadka Farsamada ee Federaalka Swiss Lausanne (EPFL), oo hogaaminayay mashruuca.

"Inaad aragto isaga oo si dabiici ah u socda waa mid aad u xiiso badan," ayuu yiri. “Waa wax laga beddelayo wixii hore u yimi.

Kahor inta aan la helin tallaalka maskaxda, Gert-Jan, ayaa waxaa kaliya laga talaalay maqaar-galaha dhuuxa lafta oo keliya. Maanta, wuxuu sheegay inuu leeyahay kantarool badan.

"Markii hore, waxaan dareemayay in nidaamku i xakameynayo, laakiin hadda waan xakameynayaa. Mid ka mid ah nidaamyada, ayaa ah mid hore iyo mid cusub, lama isticmaali karo mar walba. Aad bay u dhib badan yihiin oo weli waxay ku jiraan marxaladda tijaabada.

Bukaan kale

Taa bedelkeeda, bukaanka ayaa waxay isticmaalaan ilaa hal saac, laba jeer toddobaadkii, taasoo qayb ka ah soo kabashadooda. Falka socodku waxa uu tababarayaa murqaha ilaa xad, waxa uu dib u soo celinayaa dhaqdhaqaaqa marka nidaamka la damiyo, taasoo muujinaysa in neerfaha dhaawacan ay dib u soo noolaan karaan.

Hadafka ugu dambeeya waa in la yareeyo tignoolajiyada. Dr. Courtine's oo u shaqeeya shirkadda spin off, iyo isbitaalka Onward Medical, ayaa samaynaysa horumarin ay ku sii kobcinayaan tignoolajiyadani, si looggu isticmaalo nolol maalmeedka bukaanka.

" Way iman doontaa," ayuu yiri Professor Courtine. "Gert-Jan waxa la galiyey qalabka 10 sano kadib shilkiisa. Bal qiyaas in aad adeegsanayso isdhexgalka xudunta laf dhabarta maskaxda dhowr todobaad ka dib dhaawaca. Suurtagalnimada soo kabashada waa mid aad u weyn.