Sida ay ku badbaaday Salma oo iyada iyo meydka hooyadeed looga tagay dhul geeri go'an

Saxara ay ku safraan dadka tahriibeyaasha ah
Qoraalka sawirka, Saxara ay ku safraan dadka tahriibeyaasha ah

Gabadhaan 25-sano-jirka-ah ayaa sheegtay in hooyadeed dhimatay kadib markii gaadhi nooca qooqanta ah oo ay la socdeen uu shil galay, hooyadeedna ay gaadhiga ka tuureen.

“Waxaan isku daynay in aan darawalka u sheegno in gaadhiga uu tartiib wado,” Balse waxay ahayd xilli danbe, Om Salma hooyadeed madaxa ayay dhulka ku dhufsatay wayna dhimatay.

Om Salma oo si bilaa xad ah u ooyaysa ayaa gaadhigii lasoo saaray iyada iyo walaalaheed, iyo waxyaroo alaab ah oo ay wateen. Magafeyaashu waxay diideen in ay qaadaan maydka si qasab ah ayayna kusoo wadeen Om Salma oo argagaxsan.

Dadka ku jira iyo kuwo ag dhooban baabuurka dusha sare ka furan ee saxaraha dhex taagan
Qoraalka sawirka, Dad badan ayaa ku safra baabuurta dusha sare ka furan ee noocaan oo kale ah iyagoo ka gudba saxaraha Suudaan

Om Salma iyo qoyskeeda waxay isku dayayeen in ay ka cararaan colaadda Suudaan taas oo ay Hay’adda Qaramada Midoobay ku tilmaantay “Dhibataada qax ee ugu weyn dunida”.

In ka badan sideed milyan oo qof ayaa si qasab ah ku barakacay tan iyo markii ay isku dhaceen Ciidama Qalabka Sida ee Suudaan (SAF) iyo kooxda RSF bishii Abriil 2023, sida ay Qaramada Midoobay sheegtay dad lagu qiyaasay 450,000 oo qof ayaa u talaabay xadka ayaa u qaxay dalka Masar tobankii bilood ee teggay.

Sanadkii tagay dagaal xooggan ayaa ka qarxay magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan, kaasoo ka dhashay loolan xoogan oo ka dhex jira hoggaanka ciidamada dalkaas.

Dagaalka qarxay ayaana dalka ugu fiday si degdeg ah taas oo keentay in dad badani ay ka cararaan guryahooda.

Markii dagaalku kusoo dhawaaday magaalada ay kasoo jeedo Om Salma ee Umdurmaan, waxay maqlay jugta madaafiicda lays waydaarsanaayo iyadoo dhahaysa: “Waa in aan baxno.

Nolosheena baa khatar ku sugan.” Waxay sheegtay in dad badani ku dhaheen “maangal” ma’aha in aad dalkugal hesho si’aad si sharci ah ugu tagto Masar si dhakhso ah, marka waxay la xidhiidhay nin dadka ka qaada $300 qofkiiba si’uu qarsoodi uga bixiyo Suudaan iyada iyo qoyskeedaba.

Qariirada Sudan iyo Masar
Qoraalka sawirka, Qariirada Sudan iyo Masar
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Tahriibinta dadka ayaa si daran caan uga noqotay xadka dhereran 1,200km ee u dhexeya Masar iyo Suudaan. Mukhalisiinta, oo rag u badan ayaa waxay ku lug leeyahiin qodista dahabka waqooyiga Suudaan iyo Koonfurta Masar.

Horey ayayna dhulkaan uga shaqeeyeen, dhulka safarka dhulka saxaraha ah ee adag ayayna yaqaanaan; waxayna heli karaan baabuur ay dadka ku daabulaan.

Om Salma iyo qoyskeeda waxay ku dhaqaaqeen magaalada waqooyiga Suudaan dhacda ee Gabgaba.

Waana meel caan ah oo dadka laga tahriibiyo, sidaas darteedna dadka deegaanku waxay u ku naanayseen Garoonka (dadka ee) Gabgaba. Waxaa loo sheegay Om Salma in laga sii gudbi doono saxaraha iyo in lasii mariyo xuduudda magaalada koonfurta masar ee Aswan.

Waxay horey u safreen sideed saacadood, waxay u joogsadeen in ay seexdaan ka hor inta uusan shilku dhicin.

Hadda saxaraha ayay ku suganyahiin, waxyar oo biyo iyo cunto ah ayayna haystaan iyo maydka hooyadeed, Om Salma iyo walaaheedna way go’odoomeen.

Ugu danbayn, saacado badan oo sugitaan ah iyagoo saxaraha ku sugan, Om Salma waxay u gacan-haatisay baabuur, waxay ka dhaadhicisay in cunto iyo qalab koranto waday kana yimid Masar una socday Suudaan in uu sii qaado iyaga iyo meydka hooyadeedba geeyana magaalada Abu Hamad, oo ay markii hore ku sugnaayeen.

Magaalada ayay imaadeen Om Salma Hooyadeedna waa waala Aasay.

Dad ku fadhiya dhabarka dambe ee baabuurta xamuulka ah
Qoraalka sawirka, Dad ku fadhiya dhabarka dambe ee baabuurta xamuulka ah si ay uga gudbaan saxaraha Suudaan

Dadku bilowgii hore wayka gaabsanayeen in ay nala hadlaan, laakiin markay isu kaaya fureen, waxaan ogaanay sheekada Om Salma iyo in ayna ahayn wax ku ugub deegaanka balse ay tahay wax marwalba ka dhacan aagan.

Dad tahriibiyeyaashu waxay isticmaalaan baabuur furan kuwaas oo ay aad u caydhiyaan si’ay maamulada uga baxsadaan si’ay xuduuda durba uga gooshaan.

Nin lagu magacaabo Ibraahim, oo hadda ku sugan Qaahira ayaa sheegay in markii laga soo tahriibinaayay Suudaan uu nin la socday uu qoorta ka jabay, kadibna uu dhintay gaadhigii ay la socdeen oo ku dhacay dhagax oo darteed.

Arrinta Ibraahim, ninkan ayaa ahaa mid iskiis u safraayay waloow dadkii la socday ay dhaheen ninka aan qaadno haddana kooxdii wax tahriibinaysay way diideen saxaraha intay ku aaseen ayayna tageen.

“Qof walba wuu argagaxay. Waxaana daaqadda ka eegay qabriga aan calaamadaysnayn annagoo sii dhaqaaqayna, carruurta iyo haweenka gaadhiga nala saarana dhammaantood way oynayeen,” ayuu yidhi Ibraahim.

Boobka ayaa sidoo kale shaaxbaxay. Xaliimo oo 60-sano-jir-ah, ayaa sheegtay in ay soo aragtay wax laga naxo oo cabsi leh markii iyada iyo qoyskeeda lagasoo tahriibinaayay Suudaan saxarahana ay soo maraayeen ka hor intii ayna iman Masar.

“Waxaa nasoo weeraray afar nin oo wajiyada soo duubtay, markuu gaadhiga naga jabay. Xabado ayay kor u rideen, gabadhayda ayay dharbaaxeen waxii aan wadanayna way qaateen.

Nasiib wanaag, darawalkii gaadhiga ayaa ogolaaday in uu nimanka caawiyo oo xadka geyo.

Qaxootiga Sudan oo safaf ku jira si ay Qaahiro uga helaan kaarka aqoonsiga qaxootinimo
Qoraalka sawirka, Dad tahriibeyaal ah ayaa safaf ugu jira xarun laga qatao kaararka aqoonsiga qaxootinimada ee Qaahira

Laakiin Xaliimo waxay sheegtay gabadheedii 25 jirka ahayd oo aad u gariiraysay in ay dhimatay markay Masar yimaadeen.

“Waxaa kusoo booday xanuun degdeg ah, wayna neefsan wayda,” ayay tidhi Xaliimo, iyadoo sheegtay in dawadii ay u baahnaydna ayna helin wakthigeeda.

BBC-da ayaana aragtay shahaadada dhimashada, taas oo qeexaysa in ay u dhimatay dhibaato neefta ah.

BBC-da ayaa la xiriirtay Dowladda Masar si’ay wax uga weydiiso waxa ayka qabanayso dadka sida sharci darrada ah ugasoo tahriibaya Suudaan, balse wax jawaab ah kamay helin.

Cabdiqaadir Cabdalla oo ka tirsan qunsuliyadda Suudaan ee magaalada Aswan ee koonfurta Masar ayaa BBC-da u sheegay in ay tahay dambi sharci darro ah in dal-ku-gal la’aan laga gudbo xudduudaha saxaraha ah, mas’uuliyiinta dalkaasina ay bilaabeen olole ay uga digayaan khataraha la xiriira tahriibinta dadka.

Abdullah waxa uu intaas ku daray: "Qunsuliyada Sudan ee Aswan waxa ay kala shaqaynaysaa dawladda Masar sidii ay gacan uga geysan lahayd dardar gelinta nidaamka fiisaha, si ay gacan uga geysato kordhinta tirada codsiyada la ansixiyay iyo in dad badan oo Suudaani ah ay si sharci ah dalka ku soo galaan."

Haweenka iyo carruurta ayaa loo ogolaa in ay si bilaa Fiiso ah kusoo galaan Masar, balse hadda Dowladda waxay soo rogtay xanibaaddo cusub kadib markii dagaalka Suudaan qarxay.

Dalabka dalkugalka ee Suudaan ee dalka Masarna waa mid aad u sareeya.