Maxay yihiin ciidamada RSF ee la dagaallamaya militeriga Suudaan?

Xigashada Sawirka, AFP
Dagaalka ka socda Suudaan wuxuu qeyb ka yahay loolankan ciidamada ay ku doonayaan gacan ku heynta awoodda taasoo horseeday in lagu guuldareysto in la sameeyo dowlad rayid ah.
Dagaalka ayaa Sabtidii ka qarxay magaalada caasimadda ah ee Khartoum kadib xiisad siysaadeed oo in muddo ah ka dhex taagneyd labada janaraal ee sanadkii 2021-kii xukunka kula wareegay afgembi, taliyaha militeriga Suudaan, Janaraal Cabdel Fataax Burhaan iyo ku xigeenkiisa Maxamed Xamdaan Dagalo oo hoggaamiya ciidamada awoodda badan ee RSF.
Taliyaha ciidamada RSF ee sida deg dega ah u howlgalo ee uu hoggaamiyo Janaraal Maxamed Xamdan Daglo sidoo kale Hameidati ayaa ugu baaqa beesha caalamka inay soo farageliyaan xaaladda Suudaan.
Qoraal uu saaka soo dhigay Twitter-ka ayuu ku sheegay in ciidamadiisa ay la dagallamayaan waxa uu ku tilmaamay 'Islaamiyiin mayal adag'.
Wuxuu sheegay in ciidamadiisa aysan cidna dagaal ku qaadan basle ay ka jawaabayaan weerarka.
"Waxaan u dagaallameynaa shacabka Suudaan si ay u xaqiijiyaan in la helo dimuqraadiyaddii in muddo ah sugayeen".
Militeriga Suudaan wuxuu beeniyay wararka kasoo baxayay ciidamada RSF oo sheegayay inay qabsadeen goobaha muhiimka ah ee ku yaalla caasimadda.
Labada dhinac waxay isku jeedinayeen eedeymo kala duwan iyagoo kala sheeganayay guulo kadig dagaal ka qarxay dalkaas.
Bayaan kasoo baxay militeriga Suudaan waxay warka kasoo RSF ku tilmaameen waxbo kama jiraan.
Ciidamada RSF

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ciidamada RSF waxaa la aas aasay sanadkii 2013-kii, waxay asal ahaan ka soo jeedaan maleeshiyada caanka ah ee Janjaweed ee sida arxan darada aheyd ula dagaalantay fallaagada Darfur, iyagoo lagu eedeeyay inay isir sifeyn ka geysteen halkaas.
Tan iyo markaas, Janaraal Maxamed Xamdan Dagalo waxa uu dhisay ciidan awood leh oo faragelin ku yeeshay colaadaha Yemen iyo Liibiya. Waxa kale oo uu horumariyay dano dhaqaale oo ay ka mid yihiin maamulidda qaar ka mid ah macdanta dahabka ee Suudaan.
Ciidamada RSF ayaa lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, oo uu kamid yahay xasuuqii loo geystay in ka badan 120 oo dibadbaxyo dhigayay bishii June 2019.
Ciidan awooddaas leh oo aan ka tirsaneyn ciidanka dowladda ayaa loo arkay inay dalka xasilooni darro ka abuuraan.
RSF waa awoodda dhabta ee ka jirta Suudaan, waxay isugu jiraan maleeshiyo beeleedyo, ganacsato iyo ciidan calooshood u shaqeystayaal ah.
Waxaa hoggaamiyaa Janaraal Maxamed Xamdan Daglo, waxay isaga iyo dagaalyahandiisa waxay soo mareen marxalado kala duwan tan iyo markii ay bilowdeen iyagoo ah maleeshiyo beeleed Carab ah oo inta badan si weyn loogu yaqaanay magaca "Janjaweed".
Waxay sheekadooda bilaabtay sanadkii 2003-dii markii dowladdii Cumar Al-Bashiir ay abaabusah ciidamo ka tirsan xoola dhaqatadii beelaha Carabta si ay ula dagallaamaan jabhadihii ka dagaallami jiray gobolka Darfur.
'Jaanjaawiid'
Ciidamada ugu badan kooxda Jaanjaawiid ayaa waxay ka soo jeedaan beelaha Muhaamid iyo Muhaariya ee geela dhaqada oo ka soo jeeda beesha Rizeigat oo ku nool waqooyiga gobolka daarfuur iyo xadka Chad ee ku teedsan dhul saxara u badan.
Inta u dhaxeysay 2003-2005 oo uu socday dagaalka iyo xasuuqi Daarfuur hoggaamiyaha ugu magac dheeraa Jaanjaawiid wuxuu ahaa Musa Hilal, oo ah hoggaamiyaha Mahaamid.

Xigashada Sawirka, Reuters
Kooxda Jaanjaawid marki ay ku guuleysteen dhiig daadinta, Mr Bashir wuxuu u sameeyey qaab dhismeed uu ugu yeeray Kooxda Sirdoonka Xadka.
Hal guuto oo ciidamadaasi ka mid ahna wuxuu ka howl geliyey gobolka daarfuur, waxaana ciidamadaasi ka mid ahaa Mohamed dagalo oo loo yaqaanno "Hemeti".
Ninkan oo waxbarashada caadiga ah aan heer sare ka gaarin ayaa muddo kooban ganacsata ahaa, wuxuuna Hemeti uu ka soo jeedaa Mahaariya oo ka tirsan beesha Rizeigat. Dadka qaar waxay sheegaan awoowgii inuu ahaa hoggaamiya caan ah oo degganaa dalka Chad.
Xilliga ugu adkaa uu Hemeti uu soo maray wuxuu ahaa 2007-dii marki ay ciidamadiisa xukumadda Khartoum ku guul darreysatay iney mushaar siiso.
Hemeti iyo ciidankiisaba waxay ka mucaaradeen dowladda, iyaga oo ku dhawaaqay "ilaa iyo qiyaamaha" inay la dagaallamayaan xukumadda Khartoum, waxayna ka baxeen heshiisyadi ay la galeen kooxaha ka dagaallama daarfuur.
Filim xilligaasi laga sameeyey kooxdan ayaa lagu arkayaa kooxda Jaanjaawid oo ciidama cusub oo tabarrucayaal ah oo beelaha kala dadka madowga ka soo jeeda oo ay horay cadow u ahaayeen qoranaya si ay uga barbar dagaallamaan miiliishiyada carabta u badan ee Jaanjaawiid.
Taliyaha Kooxda Hemeti wuxuu ka soo jeedaa beesha Mahariya, inkasta oo uu ciidamada ka qortay dhammaan beelaha kala duwan.
Waxaa jirtay iney garab ka mid ah ciidama ka tirsan dowladda oo uu hoggaaminayo Mohamedein Ismail "Orgajor" oo ka soo jeeda beesha Zaghawa uu ka soo goostay dowladda ayna noqdeen xoog kale oo ku soo biiray kooxaha ka dagaallama Daarfuur.
Mideynta Xoogagga
Hemeti wuxuu ku soo laabtay Khartoum isaga oo looga yeeray heshiis aad u soo jiitay: sida in ciidamadiisa wixi mushaar oo ka maqnaa oo dhan la siiyo, in isaga iyo saraakiishiisa la dallacsiiyo iyada oo loo dallacsiiyey sarreeya guuto, iyo lacago fara badan oo gacanta laga saaray.
Heshiiskaasi kaddibna waxaa ciidamadiisa la hoos geeyey laanta sirdoonka qaranka ee NISS, oo hoggaamineysay dagaalki Chad uu la galay dalka Suudaan.

Qaar ka mid ah ciidamada Hemeti oo sheeganaya magaca mucaaradka Chad, waxay dagaal ku qaadeen magaala madaxda Chad ee N'Djamena 2008-dii.
2013-kiina wuxuu Hemeti aasaasay xoogagga looga magacdaray RSF oo marki dambe Jaanjaawi looga yeeri jiray.
Abbaanduulaha guud ee ciidamada Suudaan ciidamadaaasi la sameeyey iyo awoodda dheeraadka ee la siiyey laanta sirdoonka Suudaan Mr Bashir laftiisa waxay ku abuurtay welwel aad u weyn.
Ciidamada RSF waxay ka dagaallameen Koonfurta Kordofaan iyaga oo si anshax xumo ah ula dhaqamay, halka ay Daarfuur si wanaagsan ula dhaqmeen.
Dhibaatada Dahabka

Xigashada Sawirka, AFP
2012-kii Hemeti iyo Hilaal waxaa ka dhex billowday xifaaltan siyaasadeed kaddib marki keyd dahab oo aad u badan laga helay buurta Jebel Amir oo Waqooyiga Daarfuur ku taallo.
Xillligaasi oo ku beegantay xilli uu dalka burbur dhaqaale uu la kulmay, Koonfurta Suudaanna ay madax bannaani ka qaadaneysa Suudaan inteeda kale, taasoo sababtay iney 75% shidaalka dalka ay Koonfurta Suudaan ay la go'do taasoo wiiqday dhaqaalaha dalka.
Miliishiyada Hilal ayaa gacanta ku dhigay dhulki dahabka laga helay, waxayna halkaasi ku dileen 800 oo qof oo beesha Beni Hussein ka tirsan, kaddibna waxay kooxda Hilaal billaabeen iney dahabka soo saaraan isla-markaana ay iibiyaan iyaga oo lacag aad u badan ka sameeyey.
Amnesty oo eedeysay dowladda Suudaan
Dahabka qaar waxay ka iibinayeen xukumadda Suudaan iyaga oo lacagta dalka Suudaan kaga iibinayey maadaamaa ay heysan fursad ay suuqyada caalamka dahabka ugu iib geeyaan lacag adagna ay ku helaan.
2017-kii dahabka uu dalka Suudaan dibadda u iibgeeyey wuxuu gaaray 40% halka Hemeti uu isku dayay inuu kheyraadkaasi gacanta ku qabto.
Inkasta oo uu gacanta ku dhagay qayba ka mid ah dahabkaasi wuxuuna aasaasay shirkad lagu magacaabo al-Junaid. Khilaafka Hilaal iyo Bashiir marka uu sii adkaadayna wuxuu xukumadda Bashir uu ka diiday inuu ku wareejiyo shirkadda Macdinta ee Amiir, Ciidamada Hemeti uu hoggaaminaya ee RSF waxay marar badan isku dayeen iney weerarra ku qaadaan goobaha macdinta gaar ahaanna dahabka laga qodo iyaga oo ugu dambeynti dib u qabsaday.













