Xiisadda Sudan iyo Itoobiya oo mar kale cirka isku shareertay

Sawir hore

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sida lagu sheegay bayaan ay daabacday wakaaladda wararka ee Anbar ee Suudaan, ciidamada Sudan ayaa balan qaaday in ay "jawaab ku haboon" ka bixin doonaan "dilka ay ciidamada Itoobiya ay kufulisay ilaa 7 askari oo Suudaani ah iyo qof rayid ah."

Arrintan ayaa soo cusbooneysiisay muranka xuduudda ee u dhexeeya labada dal oo muddo socday in kabadan tobanaan sano.

Ciidamada Suudaan ayaa tacsi u diray ehellada askartaasi, iyagoo sheegay in falkan uusan noqon doonin mid jawaab la'aan ah.

Ciidanka Suudaan waxay bayaankooda ku sheegeen: "Falkan wuxuu ka hor imaanayaa dhammaan shuruucda iyo caadooyinka dagaalka iyo sidoo kale xeerarka caalamiga ah ee bini'aadantinimada.

Waxay ku eedeeyeen ciidammada Itoobiya inay soo bandhigeen meydadka askaartaasi oo lagu toogtay goob fagaara ah oo shacabka hortiisa ah, waxayna wacad ku mareen inay si ku habboon uga jawaabi doonaan falkan fulaynimada ah, maadaama dhiiga dadka reer Sudan uu yahay mid qaali ah, sida ay hadalka u dhigeen.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Suudaan ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in Suudaan ay si degdeg ah ugu yeeri doonto safiirkeeda u fadhiya Addis Ababa si ay wadatashi ugala yeeshaan dhacdadan.

Wasaaraddu ayaa waxa ay intaa ku dartay in ay sidoo kale u yeedhi doonto safiirka Itoobiya u jooga Khartoum ah si ay ugu wargeliso sida ay u cambaaraynayso falkaasi.

Ilaa hadda ma jiro wax jawaab ah oo ka soo baxay dhinaca Itoobiya oo ku aadan eedeynta Suudaan.

Ciidamadda Suudan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Markii ay taarikhdu aheyd 22-kii bishii June, askari Suudaani ah ayaa la dhaawacay 7 kalena waa la la’yahay kadib markii iska hor imaad xadka ku dhexmaray ciidamada Suudaan iyo kuwa Itoobiya .

Dowlada Suudaan ayaa magaalada xuduudka ku taal ee Al-Qureysha u dirtay ciidamo si ay howlgalo uga fuliyaan , kadib markii ay heleen warar sheegaya in ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaadkooda ay fariisimo halkaa ka sameysteen.

Sawir hore,Abdel-Fattah Al-Burhan ayaa sheegay in Suudaan aysan ka tanaasuli doonin taako ka mid ah dhulka Suudaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Muddo toban sano ah, waxaa labada dal ka taagnaa muran ku saabsan gobolka barwaaqo sooranka ah ee soohdinta Al-Fashqa, laakiin xiisadaha ayaa sii kordhayay sannadihii u dambeeyay, taas oo ay ugu wacan tahay saamaynta ka dhalatay colaadda gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya, iyo mashruuca biyo-xidheenka ee ay dowlada Itoobiya ka dhalinayso Korontada ee ay ka dhistay webiga Niilka Buluuga ah.

Tobanaan kun oo qaxooti ah ayaa ka qaxay dalka Itoobiya una qaxay bariga Suudaan.

Itoobiya oo ciidamo dheeri ah soo dhoobtay xadka Suudaan

Wargeyska Sudan Tribune ayaa maalmo ka hor dhaabacay warbixin uu arritan kaga hadlayo isagoo soo xiganaya ilo-wareedyo ciidan oo lagu kalsoon yahay, in Itoobiya ay ciidamo gurmad ah geysay deegaanka lagu muransan yahay ee Al-Fashqa ee u dhexeeya labada dal, kuwaas oo isugu jira ciidankeeda iyo maleeshiyaad ka tirsan maamulka ay dariska yihiin ee Axmaarada.

Warbixintu waxay sheegtay in ciiamadan lagu soo daad gureeyay xadka looga gol leeyahay in ay difaacaan beeralayda Amxaarada ee ku dhaqan gobolka Al-fashqa, waxaana la yidhi “Masuuliyiinta Itoobiya waxay ciidanka u sameeyeen laba fariisimo, midna waxay usameeyeen ciidanka Itoobiyamidna maleeshiyaadkii Axmaarada ee ku sugnaa bariga deegaanka barwaaqada ah ee Al-fashqa .

Wargeysku wuxuu intaa ku daray in maamulka gobolka Amxaarada ee Itoobiya ay ku codsadeen, shir ay isugu yimaadeen 700 oo isugu jira saraakiil iyo beeraley, in ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaadka ay ilaaliyaan beeralayda.

Biya xireenka ay Itoobiya Dhiseyso

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxaa caado u ah beeralayda Itoobiya in xilliga dayrta ay ka gudbaan xadka deegaanka Fashaxa , iyaga oo taageero ka helaya maleeshiyada.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii beeralayda Suudaan ay ugu baaqeen dowladda dalkooda in ay hub siiso n si ay isaga difaacaan waxa ay ku sheegeen dhaq dhaqaaqyada ay wadaan maleeshiyaadka Itoobiya.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen dowladda in ay ciidamo badan geyso deegaanka.

Khariirad

Xigashada Sawirka, Reuters

Muxuu salka ku hayaa khilaafka Itoobiya iyo Suudaan?

Asalka colaadda xuduudka labadan dal ee kusaleysan deegaanka Al-Fashqa waxay dib ugu laabanaysaa waagii gumeysiga, iyadoo heshiisyadii la saxiixay 1902 iyo 1907 ay dhigayeen in xudduudaha caalamiga ah ee Suudaan ay gaareyso bariga Al-Qafsha.

Tani ayaa kadhigan in dhulkaas ay Suudaan leedahay, balse dadka Xabashida waxay degeen dhulkan oo ay sidoo kale beero ku leeyihiin, iyagoona canshuurta ay iska soo uruuriyaana ku wareejiyo maamulka Itoobiya.

Wax yar ka dib 1998, Suudaan iyo Itoobiya waxay dib u soo nooleeyeen wada-hadallo muddo dheer socday si ay u calaamadiyaan xuduudkooda oo dhererkiisu yahay 744 KM, laakiin muranka ka dhashay degmada Fashqa ayaa ahaa mid aan xal loo helin.

Sannadkii 2008-dii, wada-hadalladii u dhexeeyay labada dawladood ayaa heshiis lagu gaaray, markii Itoobiya ay aqoonsatay xudduudaha sharciga ah, Suudaanna ay ogolaatay in Xabashida ay ku sii noolaato halkaas ,wax dhibaato ahna aan loo geysan doonin.

Hadaba xiisaddan ka dhex aloosan labada dal, dagaal ma isu beddeli kartaa?

Qaar badan oo kamid ah goobjoogayaasha ayaa qaba in xilligan aysan suuragal ahayn in muranka xadka ee gobolka uu isu rogo dagaal u dhaxeeya labada dal, maadaama labada dal ay ku mashquulsan yihiin colaado gudaha ah.

Bishii Maarso, Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa meesha ka saaray in dalkiisa uu dagaal dhan walba ah la galo Suudaan.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo ay jiraan ballanqaadyo hore oo ay labada dhinac soo saareen, haddana xiisada cusub ee ka jirta xadka ayaa laga yaaba in xaaladu ay faraha ka baxdo oo ay isu beddesho dagaal cawaaqib xumo ku keeni kara labada waddan iyo gobolka.