Nin sideed maalin dhex jiifay meydka isaga oo dhaawac ah ayaa laga helay goobta

Darfur Sudan
Qoraalka sawirka, Gaari la aaminsan yahay inuu meydad daadinayo
    • Author, Mercy Juma & Peter Ball
    • Role, BBC World Service

Digniin: waxaa ku jira sawirro ay dhici karto in la dhibsado

Maalim wuxuu aad uga naxay wixii uu ku arkay gobolka Darfur ee galbeedka Suudaan, ka hor inta uusan u cararin xadka dalka deriska ah ee Chad.

"Haddii dadkii aan la soo shaqeeyay ay ogaadaan inaan ku tusay sawirradan iyo muuqaalladan, ama xitaa inaan duubay, waxaan ahay nin dhintay," ayuu igu yiri isagoo ged-gedinaya telefoonkiisa si uu ii tuso sawirro naxdin leh oo meydad ah oo daadsan magaalada El Geneina.

Waan beddelnay magiciisa sababo amni awgood.

Ka hor inta uusan dalka ka dhoofin waxa uu ka mid ahaa dad loo xil saaray in ay meydadka ka soo saaraan wadooyinka, isla markaana ay ku aasaan xabaal wadareedyo.

Sudan ayaa waxaa tan iyo bishii April ka socday dagaalo ba’an oo u dhexeeya ciidamada xoggagga deg dega ah ee loo yaqaano (RSF) iyo ciidamada dowladda, iyadoo qaar ka mid ah dagaalladii ugu xumaa ay ka dhaceen gobolka Darfur, halkaas oo RSF ay asal ahaan ka soo jeedaan.

Digniin: Warbixintan inta aad akhrineyso waxay kuu muujineysaa sawirro naxdin leh.

Sawirrada la soo bandhigay ayaa waxaa ka muuqday tobanaan qof oo meydad ah, kuwaasi oo qaarkood ay huwanyihiin ama ku duuduubanyihiin busteyaal iyo dhar kale, qaarna ay barareen oo durba ay qurmeen. Maalim waxa kale oo uu na tusay sawirrada xarumaha hay’adaha gargaarka, kuwaas oo la burburiyay lana bililiqaystay.

"Waxaan dareemay cabsi, Waxaan dareemay inay dhinteen iyagoo ku jira xaalad cabsi iyo argagax leh. Qaar badan oo iyaga ka mid ah waxay meydadkooda jiifeen waddooyinka in kabadan toddobaad," ayuu yiri, isagoo ay tiiraanyo iyo murug badani ay ka muuqato.

Waxaa laga yaabaa in muuqaalkii ugu xanuunka badnaa ee uu na tusay uu ahaa muuqaal uu duubay isagoo ku dhuumanaya meel duur ah. Muuqaalka waxa uu muujinayay meydad laga soo tuuray gaari xamuul ah oo xabaal wadareed lagu aasay.

"Waxaan aadnay dhanka qabuuraha howdka ah si aan meydadka ugu aasno, balse ciidamada RSF-ta nooma ogolaanin, darawalkii gaariga ayey ku amreen in uu maydadka ku rido god," ayuu yiri Maalim oo intaas ku daray. in RSF ay markaasi ka dib ku amartay in aagga ay ka baxaan.

"Waxay ahayd in loo aaso si waafaqsan habka muslimiinta. Waxay ahayd inaan u duceyno. Laakiin RSF waxay ku adkaysatay in loo tuuro sidii qashinka."

Darfur Sudan

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Darfur
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Cidna ma garaneyn, meydadka iyo reerahooda iyo sida loo dilay intaba. Laakin qoysas badan oo magangalyo ka helay dalka chat ayaa noo sheegay in RSF ay si gaar ah u beegsanayeen rag iyo wiilal dhalinyaro ah oo ku nool Galbeedka Darfur, iyaga oo xoog uga soo saaray goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen isla markaana ay dileen.

Qoysasku waxay sheegeen in la beegsaday xubno ka tirsan dadka aan Carabta ahayn. Waxay ku sifeeyeen in lagu joojiyay jidgooyooyin ay lahaayeen RSF oo la waydiiyay halka ay kasoo jeedaan.

BBC-da ayaa weydiisay RSF inay ka hadlaan eedeymaha loo soo jeediyay balse kama aysan jawaabin. Balse horraantii toddobaadkan waxay beenisay eedeymo ah inay ku lug lahayd weerarro lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan qowmiyadda Masalit bishii May.

Tusmada Maalim waxa ay la micno tahay tafaasiisha warbixinta Qaramada Midoobay ee la daabacay 13kii July, iyadoo sheegtay in dadka deegaanka lagu qasbay in ay daadiyaan meydadka ugu yaraan 87 qof oo qoomiyadda Masalit ah iyo kuwa kale oo la sheegay in RSF ay ku dileen xabaal wadareed ku yaalla Galbeedka Darfur.

Xogta badan ee sawirada iyo muqaalada ah ee ku jirta taleefoonka Maalim ayaa muujineysa in la gaystay dilka intii u dhaxeysay 20-kii iyo 21-kii June, isla taariikhaha lagu sheegay warbixinta Qaramada Midoobay.

Si la mid ah sida ay warbixinta Qaramada Midoobay qortay ayaa Maalim wuxuu noo sheegay in meydadka lagu aasay meel bannaan oo loo yaqaan al-Turab al-Ahmar oo ku taalla galbeedka El Geneina oo ah meel u dhow saldhig boolis.

Qoraalka Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in dadka qaar ay u dhinteen dhaawacyo aan la daweyn. Mid ka mid ah muuqaallada Macallin, ayaa waxaa lagu dhex arkay nin nool oo ku dhex jira meydadka. Duqsi badan ayaa dul wareegayay, bushimahana way qallalnaayeen, wayna dil-dillaacsanaayeen. Wuxuu isku dayayey in uu hadlo.

Maalim waxa uu sheegay in ninkan uu dhaawiciisa halkaasi yallay muddo siddeed maalmood ah, oo uu soo gaaray dhaawac rasaas ah. Ninkan waxa ku dhacay garan mayno hadda.

Maalim waxa uu noo sheegay in uu muqaallada uu u duubay sababo la xiriira in uu rabay in uu diiwaan geliyo waxa ka dhacaya deegaankiisa. Laakiin waxa uu markiiba dareemay in aanay ammaan ahayn in uu magaalada sii joogo.

"Waan ka baqay sababtoo ah dhowr mar ayey raadiyeen dadka taleefanada gacanta ku sita iyagoo ka masaxaya waxa ugu jira."

Darfur Sudan
Qoraalka sawirka, Colaad sanooyin badan socotay ayaa weli ka taagan darfur

Qowmiyadaha Darfur, Carabta iyo Afrikada madow ee ku nool Darfur ayaa waxaa u dhexeeya colaad muddo sannado ah soo jiitameysay, iyadoo rabshadihii ugu xumaa ay dhaceen labaatan sano ka hor markii dad aan Carab ahayn ay hubka qaateen iyagoo dowladda ku eedeeyay takoor.

RSF waxa ay ka dhalatay jabhadii caanka ahayd ee Janjaweed, kuwaas oo si arxan darro ah u cabburiyey kacdoonnada, halkaas oo ay ku laayeen boqollaal kun oo qof. Kooxdan ayaa lagu eedeeyay xasuuq baahsan iyo dilal lagu tilmaamay xasuuqii ugu horeeyay ee Qarnigii 21-aad.

Dagaalka u dhexeeya RSF iyo ciidamada Suudaan, oo qarxay bishii April, ayaa u muuqda inuu dib u huriyay colaaddan. Bishii la soo dhaafay, guddoomiyihii galbeedka Darfur ayaa la dilay wax yar kadib markii uu ku eedeeyay RSF in ay xasuuq u geysatay dadka Masalit.

Maalintii Khamiista, Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) oo tan iyo 2005-tii ka wadday baaritaanka dambiyada Darfur ayaa furtay baaritaan cusub oo ku saabsan dambiyo dagaal oo ka dhacay Suudaan.

Dacwad oogaha maxkamadda, Karim Khan, ayaa u sheegay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay inay jirto khatar ah "in la ogolaado in taariikhdu ay dib u soo celiso - isla taariikhdan murugada leh".

Si la mid ah kumanaanka Suudaaniga ah ee ka qaxay Darfur, Maalim ma hayo wax badan oo uu dib ugu laabto. Gurigiisa ayaa la gubay, waxaana la dhacay dhammaan hantidii qoyskiisa. Hase yeeshee tan ugu xanuunka badan ayaa ah in qaar badan oo kamid ah qoyskiisa iyo asxaabtiisa aysan joogi doonin halkaas markii uu dib ugu laabto.

Darfur Sudan
Qoraalka sawirka, Darfur