Dad badan oo rayid ah oo lagu laayay gobalka Darfuur

Ciidamadda Nabad ilaalinta Qaramada Midoobay

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, .

Hay'adaha gargaarka ee dalka Sudan ayaa ku warramaya in dad badan oo rayid ah ay ku dhinteen dagaallo ka dhacay gobalka Darfur.Dagaalka ayaa Jimchihii ka dhex qarxay laba beelood oo xifaaltan ka dhaxeeyo kuwaas oo wada dega magaalada Krink ee galbeedka Darfur. Isku dhacyadaan ayaa sii xoogaystay Axaddii.

Rabshadahan oo ka qaraxy galbeedka gobalka Daarfur ayaa sida muuqata waxaa ay ka dhasheen kadib markii qabaa'illo Carab ah ay weerar ku qaadeen tuulooyin ay degganyihiin dadka laga tirada badanyahay ee Massalit .

Weeraradan oo salka ku hayo aanooyin qabiil ayaa hadda sii xoogaystay. Waxaana socda dhac iyo boob baahsan waxaana la gubay Guryo badan.

Axaddii shalay ahayd hay'adda Laanqayrta Cas ayaa ka digtay in ay ka sii darto xaaladda bini'aadannimo ee halkaasi ka jirta iyadoo ku baaqday in dadka xanuusan iyo kuwa dhaawacmay loo oggalaado in ay gargara helaan.

Qaar ka mid ah dadweynaha magaalada Krinik ayaa sheegay in halka rabshadhu ka dhacayaan la geeyay ciidamada ka hortaga rabshadaha ee magacooda loo soo gabaiyo RSF.

Darfur
Qoraalka sawirka, Darfur

Kooxda loo yaqaanno Janjaweed oo labaatan sano ka hor xasuuq ka gaystay gobalka ayaa lagu eedeyay rabshadahan.

Heshiis laba sano ka hor laga gaaray colaadaha gobalka ayaa ujeedkiisu ahaa in la soo afjaro dagaallada soo noqonqoday, hase yees arrinkaa si dhab ah uma hirgalin oo wali deegaanno badan ayaa la daala dhacaya weeraro iyo colaad joogta ah .

Boqollaal kun oo qof ayaa wali bakacyaal ah kuwaas oo ka digay khatarta ka dhalan karta kadib markii ciidamada Qaramada ee nabad ilaalinta ay halkaa isaga baxeen .

Dagaallo u dhexeeyay qowmiyado wada degga Suudaan oo dhacay sanadkii la soo dhaafay kana dhacay gobolka galbeede Darfur, ayaa waxaa ku dhintay 80 qof. Dagaalkaasi oo ka dhacay caasimaadda gobolka ee El Geneina ayaa xilligaas ka bilowday qof ka tirsan dadka deegaanka oo lala dhacay Tooreey.Colaadda Daarfur waxay soo bilaabatay xiligii Madaxweyne Cumar Al-Bashiir, kaasi oo xukunka laga tuuray sanadkii 2019.