Dagaalka Sudan oo wali socda iyo xabbad-joojintii oo aan hirgalin

Dagaalka Sudan

Xigashada Sawirka, Reuters

Dagaallo ayaa weli ka socda qaybo ka mid ah Suudaan inkastoo xabbad joojin 72 saacadood ah aysan si weyn u dhaqan galin.

Wariyaha BBC-da Maxamed Cismaan oo ku sugan magaalada Omdurman ayaa sheegay in dagaalku uu ka dhacay meel u dhow xarumaha TV-ga iyo idaacadaha.

Shidaal la’aan iyo dhaqaatiir la’aan ayaa jirta, dadkuna waxa ay la daalaa dhacayaan sidii ay u heli lahaayeen cunto iyo lacag ayuu intaa ku daray wariyaha BBC-da ee Suudaan.

Taliyaha ciidamada millitariga ah ee Suudaan ayaa lagu soo waramayaa inuu ansixiyay in la kordhiyo xabbad joojinta oo ku eg maalinta Jimcaha taasoo ahayd muddo 72 saacadood ah.

Gen Cabbdel Fattax al-Burhan ayaa oggolaaday markii hore soo jeedinta ka timid urur goboleedka IGAD, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Soo jeedintu waxay u muuqatay in ergo ka socota ciidamada Suudaan iyo kooxda ka soo ciidamada gurmadka deg dega ah ee loo yaqaano (RSF) loo diro magaalada Juba ee Koonfurta Suudaan si ay wadahadal u yeesaan.

Xabbad joojintu waxay bilaabatay saqdii dhexe ee isniintii taasoo keentay hakad ku yimid iskahorimaadkii qarxay 15kii April iyada oo uu jiro loolan dhanka awoodda ah oo u dhexeeya hoggaamiyeyaasha taliyaha militariga Sudan Janaraal Cabdel Fatax alburhaan iyo taliyaha xoogagga RSF.

Dadka ku nool Khartuum iyo Omdurman waxaa ku adag inay helaan biyo nadiif ah, cunto iyo sidoo kale kharashaad ama lacag caddaan ah, ayuu yiri wariye Maxamed Cismaan.

Qaraxyada iyo rasaasta ayaa weli la maqlayay Arbacadii, iyadoo diyaarado dagaal ay duqeymo fulinayan.

Wariyaha ayaa sheegaya in isaga iyo qoyskiisa ay ku adag tahay inay ka seexdaan dhawaqa qaraxyada iyo rasaasta ay labada dhinac is waydaarsanayaan.

Kooxaha burcadda ah ayaa sidoo kale dhacayay guryaha iyo dhismayaal ganacsi,iyaga oo beegsanayay baabuurta iyo gaadiidka kale, ayuu hadalkiisa ku daray.

Dadka deegaanka ayaa baqdin ka muujinaya waxa dhici doona marka ay dhamaato xabad joojinta.

Dhinacyada dagaalamay ayaa labaduba sheeganaya in ay maamulaan goobo muhiim ah sida garoomada diyaaradaha iyo xarumaha ciidamada.

Ma jiro wax internet ah iyadoo khadadka telefoonkuna uu liito.

Waxaa meelaha qaar ka socda duqeymo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ugu yaraan 459 qof ayaa ku dhintay tan iyo markii uu dagaalku qarxay inkastoo tirada dhabta ah loo malaynayo inay intaas ka badan tahay.

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa dhankooda ka digay inay ka cabsi qabaan in dad badan oo kale ay u dhintaan cudurro, cunto la'aan iyo biyo la'aan.

Dhowr wadan ayaa ka daadgureeyay dalka Sudan muwaadiniintooda tan iyo markii ay xabad joojinta lagu dhawaaqay.

Doon lagusoo daadgureeyay in ka badan 1,600 oo qof oo ka soo kala jeeda tobanaan wadan ayaa Arbacadii gaartay Sacuudiga, waxaana labada dal ee Jarmalka iyo Faransiiska ay sheegeen in dhammaan muwaadiniintooda ay hadda ka baxeen dalka Sacuudiga.

Guddoomiyaha guddiga qurba-joogta Nigeria ayaa BBC-da u xaqiijiyay in ay billaabatay daad-gureynta ardayda Nigeria ee ku xayiran Suudaan.

Waxaa loo rumeysan yahay inay Suudaan ku noolaayeen illaa 5,000 oo Nigerian ah, 3,500 oo ka mid ahna ay yihiin arday.

Dhinaca kale, Siyaasiga hore ee Suudaan Axmed Haaruun ayaa sheegay in isaga iyo mas’uuliyiin kale aysan hadda xabsiga ku jirin.

Ciidamada Suudaan ayaa dhankooda sheegay in Bashiir laga soo raray xabsiga oo la geeyay isbitaal millatari ka hor inta uusan dagaalku dhicin.

Bashir iyo Haroun ayaa labaduba waxa ay wajahayaan eedeymo kaga imaanaya maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka, kadib markii lagu eedeeyay in ay kaalin ku lahaayeen xasuuqii ka dhacay gobolka Darfur ee galbeedka Suudaan.