Heshiiska TPLF iyo dowladda, Abiy Ahmed miyuu guul u yahay?

Abiy Axmed iyo saraakiil kale

Xigashada Sawirka, FANA BROADCASTING CORPORATE

Quwadaha shisheeye ayaa si weyn u soo dhaweeyay xabad joojinta ay wada saxiixdeen xukuumada Itoobiya iyo madaxda Tigrayga ee lagu soo afjarayo dagaalka sokeeye ee ka socda waqooyiga dalkaasi.

Waxaa heshiiskan sidoo kale lagu furay waddooyiinka gargaarka dadka halista ugu jira macluusha, balse su’aashu waxay tahay in uu guulaysan doono heshiiska iyo in kale. Maalin ka dib markii la bogaadiyay xafladii saxiixa ee ka dhacday caasimadda dalka Koonfur Afrika ee Pretoria, ayaa waxaa wali la maqlayaa dhawaqa madaafiicda ee buuraha Tigrayga.

Heshiiska wuxuu si weyn u waafaqsan yahay ujeeddooyinka Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed markii uu bilaabay wax uu ugu yeeray "hawlgal sharci-soo celinta" oo ka dhan ah xisbiga talada haya ee gobolka - ee (TPLF) - laba sano ka hor.

Waxaa jiri doona hab wada xaajood ah oo hubka looga dhigi doono dagaalyahanada Tigrayga.

Guusha Mr Abiy waxaa calaamad u ah in heshiiska uu la galay TPLF, uusan ahayn - sidii Tigreegu ay doonayeen - "Dowladda Tigray".

Wuxuu diidanaa doorashadii 2020 ee Tigray, taasi oo ay ku guulaysteen TPLF, wuxuuna qorsheynayaa imika qabashada doorasho cusub.

Si kastaba ha ahaatee, dawlada dhexe ayaa ka dalbatay kooxda TPLF inay gabi ahaanba isa soo dhiibto. balse taasi ma aysan xaqiijin dowladda.

Waxa ay balan qaaday in ay meesha ka saarayso kooxda TPLF in ay tahay urur Argagixiso, ayna gorgortan siyaasadeed kala gali doonto sidii Tigray loo maamuli lahaa.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Heshiisku wuxuu xooga saarayaa in labada dhinacba ay u hogaansamaan dastuurka federaalka ee jira.

Tani waxaa ka mid ah in lagu xalliyo xaaladda degaannada ay ka midka yihiin galbeedka Tigray-ga ee qaniga ku ah beeraha - oo ay qabsadeen gobolka dariska ah ee Axmaarada toddobaadyadii hore ee dagaalka - iyadoo loo marayo hab dastuuri ah.

Ma cadda in maamulka Tigreega - iyo beeralayda laga saaray - ay marka hore soo laaban doonaan.

Qodobka bini’aadantinimo ee heshiiskani waxa uu albaabada u furayaa soo afjarida gaajada ee galaafatay nolosha dad gaaraya 1 milyan oo qof.

Macaluusha ayaa saameysay 10% dadka Tigrayga oo gaaraya ilaa lix milyan, sida laga soo xigtay cilmi-baaris ay daabaceen aqoonyahanno Beljam ah.

Ka dib laba sano oo go’doomin iyo macaluul ah, iyo cadaadis militari oo aan kala joogsi lahayn oo kaga yimid ciidamada isku dhafka ah ee Itoobiya iyo eritereeya oo ay weheliyaan ciidamada gobolka Axmaarada, madaxda Tigraygu waxay sameeyeen tanaasulaad aad u weyn.

Xisaabtoodu waxay u muuqataa in la badbaadiyo dadka Tigray ee halis ku jira.

Dagaalka ayaa waxa ku barakacay dad badan

Xigashada Sawirka, Getty Images

In ka badan hal milyan ayaa ku barakacay tan iyo markii ay dagaalladu dib u soo cusboonaadeen bishii August, waxaana baaqday dalagyadii ay goosan jireen xilligan. Dadka ayaa u dhimanaya cudurro la daweyn karo iyadoo isbitaallada ay ka dhammaadeen dawooyinka aasaasiga ah sida insulin iyo antibiyootiga. Ma jirin calaamad muujinaysa in uu dagaalka soo afjarmayo.

Su'aalo muhim ah

Waxaa jira su'aalo badan oo aan laga jawaabin. Saddex ka mid ah ayaan si gaar ah muuhim ugu ah.

Midda kowaad waa Eritrea.

Sida laga soo xigtay dublamaasiyiin reer galbeed ah, weerarka milatari ee lagu jabiyay xayndaabka difaaca Tigrayga wuxuu ahaa hawlgal ay iska kaashadeen Eritrea iyo Itoobiya oo laga soo hagayay Asmara.

Ereteriya laguma xusin magac ahaan heshiiska. Laakiin qoraalka waxaa ku jira qodob lagu soo afjarayo "wadashaqeynta lala leeyahay xoog kasta oo dibadda ah oo cadow ku ah labada dhinac", kaas oo loo maleynayo inuu tixraacayo Eritrea.

Dad badan ayaa shaki gelin doona in dowladda federaalka ay awood u leedahay fulinta arrintan.

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afewerki ayaan heshiiska qayb ka ahayn, wuxuuna leeyahay awood uu ku sii wado dagaalka iyadoo aan loo eegin heshiis kasta oo uu gaaro Mr Abiy.

Tan labaad waa la socodka iyo xaqiijinta.

Heshiisku waxa uu guul u yahay Istaraatiijiyadda Diblomaasiyadeed ee Itoobiya ee ah in Beesha Caalamka ay ka fogaato. Habka la socodka, xaqiijinta iyo u hogaansanaanta ayaa ka kooban kaliya unug yar - ugu badnaan 10 qof - kuwaas oo u macluumaadkooda u gudbinaya guddiga Midowga Afrika (AU) ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo.

Dhanka kale, xilka Mr Obasanjo waxa uu ka yimid guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki, ee ma aha golaha nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika.

Qaramada Midoobay gabi ahaanba waa laga saaray arrimahan .

Qiimaynta warbixinnada xadgudubyada iyo xallinta khilaafaadka waxay ahaan doontaa go'aanka laba nin - Mr Obasanjo iyo Mr Faki.

Waxaa hab-dhaqan caadi ah in heshiisyada nabadeed ee heerkoodu sareeyo ay markhaati ka noqdaan saaxiibada caalamiga ah.

Xaaladdan oo kale, Midowga Afrika waxay u oggolaatay oo keliya Qaramada Midoobey, Mareykanka iyo urur goboleedka Igad inay goobjoog ka noqdaan, laakiin midkoodna ma saxiixin heshiiska.

Isbataalada ayaa waxaa ka dhamaatay daawada

Xigashada Sawirka, AFP

Midowga Yurub waa laga mamnuucay inay kor-jogteeyaan, iyada oo ay jirto in yihiin deeq-bixiyaha ugu weyn ee Midowga Afrika.

Si kastaba ha ahaatee Itoobiya iyo AU-da waxay ku xisaabtami doonaan taageerada caalamiga ah - ugu yaraan sababtoo ah Itoobiya waxay si aad ah ugu baahan tahay gargaar shisheeye.

Tan Sadaxaad waa cadaalad iyo isla xisaabtan.

Heshiisku waxa uu dhigayaa in dawladda Itoobiya ay dejiso "siyaasad cadaalad ku meel gaar ah oo heer qaran ah oo dhammaystiran", iyada oo aan la soo hadal qaadin wax baaritaanno caalami ah, tusaale ahaan Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ama Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Afrika.

Mr Obasanjo waxa uu u arkay in saxiixida heshiis ay tahay tillaabada ugu horreysa, isla markaana fulintiisa ay tahay shaqo aad u adag. Rejada nabadda iyo soo afjarida gumaadka iyo gaajada ka jirta Tigrayga iyo xasilinta Itoobiya waxay inta badan ku xiran tahay daacadnimada dowladda federaalka ah.

'Heshiis bahdilaad ah'

Dadka Tigreega ah ee jooga gudaha iyo qurbaha ayaa si niyad jab leh u soo dhaweeyay heshiiska.

Waxaa suurtogal ah in qaar ka mid ah taliyayaasha Tigreegu ay doorbidaan inay sii wadaan dagaalka jabhadeynta badalkii ay u hoggaansami lahaayeen waxa ay u arkaan inay yihiin heshis ku dhisan bahdilaad.

In badan oo ka mid ah beesha caalamka ayaa u qaatay in Mr Abiy uu niyo wanaagsan leeyahay, haddii fursad la siiyo-na uu ku soo laaban doono waddadii nabadda, dimuqraadiyadda iyo xasilloonida.

Kuwo kale waxay ka baqayaan in casharka ay baran doonaan Mr Abiy, Mr Isaias iyo kuwa kale ay ka soo horjeedaan - taas oo ah in xoogga xad dhaafka ah, gaajada joogtada ah iyo xog la'aanta ay yihiin hub wax ku ool ah si ay ku gaari karaan ujeedooyinkooda.

Itoobiyaanku waxay rajaynayaan in hababkan oo kale aan lagu dabaqin xalinta caqabadaha siyaasadeed ee kale, oo ay ku jiraan kacdoonka sii socda ee gobolka Oromia.

Heshiisku waxa gundhig u ah in Mr Abiy uu Itoobiya uu ka saari doono dhibaatada ay ku jirto. Tijaabadii ugu horreysay ee la filayay iyo rejada waxay ahayd bal in dhawaqa hubku uu aamusi doono Khamiista iyo in kale. Taasi may dhicin.

Taas beddelkeeda maalintaas waxaa dhacay dagaallo aad u qaraar, oo ay ku jiraan weeraro waaweyn oo ay ciidammada Itoobiya iyo Ereteriya ku qaadeen saddex jiho, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ku sugan gobolka.

Kalsoonida Midowga Afrika iyo goobjoogayaasha caalamiga ah ee wada-hadallada -ee kala ah qaramada Midoobey, Mareykanka iyo Igad - waxay ku xiran tahay sida ay diyaarka ugu yihiin inay u yeeraan dhinaca jabiya heshiiska la gaaray.