Maxaad ka taqaan shanta dal ee ugu qanisan iyo shanta dal ee ugu saboolsan Afrika 2025

Magaalo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Hay'adda lacagta adduunka ee IMF ayaa soo saartay liiska dalalka ugu qanisan iyo kuwa ugu saboolsan Afrika 2025-ka.

Liiskan oo ay ku jiraan dalal yaryar sida Mauritius iyo Liibiya, waxay ku salaysan tahay sinnaanta awoodda wax iibsiga (PPP), taas oo hagaajinaysa sicir-bararka iyo kala duwanaanshaha qiimaha si loo bixiyo isbarbardhigga saxda ah ee heerarka nolosha.

Isbarbardhigga hantida qaranka ayaa sidoo kale marar badan lagu sameeyaa iyadoo lagu salaynayo sinnaanta awoodda wax iibsiga (PPP), si loo waafajiyo kala duwanaanshaha qiimaha nolosha ee dalal kala duwan.

Waa kuwan 5ta waddan ee ugu qanisan iyo 5ta waddan ee ugu saboolsan Afrika sanadka 2024 sida ay sheegtay hay'adda lacagta adduunka ee IMF.

1. Seychelles

Dalka Seychelles, oo leh GDP-PPP qofkiiba $43,070, wuxuu leeyahay dhaqaale xooggan oo ay wadaan dalxiiska, kalluumeysiga, iyo adeegyada maaliyadeed.

Dawladda dalku waxay dejisay siyaasado diiradda saaraya dalxiiska waara iyo kala-duwanaanta dhaqaalaha, hubinta koboca iyo xasilloonida mustaqbalka fog.

Seychelles waxa ay ku faantaa wax-soo-saarka guud ee qofkiiba, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah dalalka ugu qanisan Afrika.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waaxyaha dalxiiska iyo kalluumeysiga ayaa ah kuwa ugu waaweyn ee dhaqaalaha Seychelles, soona jiidanaya maalgashi shisheeye oo muhiim ah, gacanna ka geysta kobaca dhaqaalaha.

Dalxiiska iyo kalluumaysiga ka sokow, Seychelles waxay ya faa'iidaysanaysaa dhaqaale kala duwan oo ay ku jiraan adeegyo maaliyadeed iyo warshado kale.

Dalkani waxa uu ku naaloonayaa nolol heerkeedu sarreeyo, oo leh daryeel caafimaad iyo nidaam waxbarasho oo heersare ah.

Seychelles waxay ku jirtaa kaalinta 56aad ee adduunka GDP qofkiiba.

2. Mauritius

Mauritius, oo leh GDP-PPP qofkiiba $33,954, waxay ku sii socotaa inay noqoto xudunta dhaqaale ee Afrika.

Dhaqaalaha dalka waxaa taageera adeegyada maaliyadeed, dalxiiska, iyo wax soo saarka.

Siyaasadaha dowladdu waxay soo jiitaan maalgashi caalami ah, waxayna kordhiyaan fursadaha ganacsi.

Mauritius waxay haysataa hanti la maalgashan karo oo dhan ku dhawaad $48 bilyan.

Celceliska hantida qofkiiba ee Mauritius wuxuu ku dhow yahay $37,500.

Dalka waxa uu la kulmay koror weyn oo maalqabeennada ah, iyada oo 69% kobac ay sameeyeen 10kii sano ee la soo dhaafay.

3. Gabon

Gabon, oo leh GDP-PPP qofkiiba $24,682, ayaa si weyn uga faa'iidaysata kheyraadka shidaalka.

Dawladdu waxay qaadday tillaabooyin kala duwan oo ay ku maalgelinayso mashaariicda macdanta, beeraha iyo kaabayaasha si loo yareeyo ku tiirsanaanta kaarboonka.

Gabon waa waddan soo saara saliidda iyo dhoofinta badeecadan muhiimka ah, iyada oo saliidda lagu xisaabiyo qayb weyn oo ka mid ah dakhligeeda.

Waxa kale oo ay leedahay kayd badan oo manganese ah, alwaax, iyo agabyo kale oo qiimo leh.

Tirada dadka Gabon ee yar iyo dakhliga badan ee saliidda ayaa ka qayb qaata wax soo saarka GDP-ga hooseeyo, marka loo eego wadamada kale ee Afrika.

Inkasta oo ay hodan tahay, Gabon waxa ay la ildaran tahay sinnaan la'aanta dakhliga iyo saboolnimada.

Qayb badan oo ka mid ah dadka ayaa ku nool wax ka yar $2.15 maalintii, heerka shaqo la'aanta ayaa ah mid aad u sarreeysa, gaar ahaan dhalinyarada.

Dhaqaalaha Gabon waxa uu si weyn ugu tiirsan yahay dakhliga ka soo gala saliidda, taas oo ka dhigaysa waddan u nugul hoos u dhaca qiimaha saliidda adduunka.

4. Masar

Masar, oo leh GDP-PPP qofkiiba $21,608, waxay leedahay dhaqaale kala duwan oo ay taageeraan dalxiiska, beeraha, xawaaladaha iyo dhoofinta, iyo wax soo saarka.

Dalku waxa uu sii wadaa maalgashiga kaabayaasha dhaqaalaha iyo soo jiidashada maalgashadayaasha shisheeye, isagoo xoojinaya saldhiggiisa dhaqaale.

5. Botswana

Botswana, oo leh GDP-PPP qofkiiba $20,311, ayaa lagu yaqaan kobac dhaqaale oo xooggan iyo xeelado kala duwan oo guul leh.

Dalku waxa uu si hufan u maareeyay khayraadkiisa dheemanka ah, waxana uu maalgashaday qaybo ay ka mid yihiin dalxiiska iyo beeraha,iyaga oo ka qayb qaatay dib u soo kabasho dhaqaale.

Saboolnimo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Shanta dal ee ugu saboolsan Afrika

Saadaasha dhaqaalaha ee 2025-ka waxay muujinaysaa farqiga hantida adduunka, iyadoo wadamada qaar ay leeyihiin GDP hooseeya qofkiiba.

Caqabado dhaqaale, xasillooni darro siyaasadeed iyo colaad ayaa saameeyey dalalkan.

1. Suudaanta Koofureed

Koonfurta Suudaan ayaa weli ah dalka ugu hooseeya wax soo saarka qofkiiba Afrika.

Iskahorimaadyada gudaha ee socda, xasillooni darrada dhaqaalaha, iyo ku tiirsanaanta dhoofinta saliidda ayaa caqabad ku noqday horumarka dhaqaalaha.

La'aanta kaabayaasha iyo caqabadaha bani'aadamnimada ayaa saameeya horumarka.

Saliiddu waxa ay ka kooban tahay qayb weyn oo ka mid ah GDP-ga Koonfurta Suudaan, dhoofinta, iyo dakhliga dawladda.

Inkasta oo ay hodan ku tahay saliidda, qayb weyn oo ka mid ah dadweynaha ayaa ku nool meel ka hooseysa heerka saboolnimada.

Degenaansho la'aanta iyo colaadaha ayaa hor istaagay horumarkii dhaqaalaha, gaar ahaan dhinaca shidaalka, ka dib markii kaabayaasha dhaqaalaha ay burbureen, wax soo saarkuna uu hoos u dhacay.

Dhaqaaluhu waxa uu si weyn ugu tiirsan yahay saliidda oo aan lahayn wax ka beddelka qaybaha kale sida beeraha ama wax soo saarka.

Boqolkiiba tiro badan oo ka mid ah dadka qaranku waxay ku nool yihiin saboolnimo ba'an, oo leh sinnaan la'aan dakhli.

Koonfurta Suudaan ayaa waxaa soo food saartay kaabayaal la'aan, oo ay ku jiraan waddooyinka iyo isku xirka gaadiidka, taasoo caqabad ku ah dhaq-dhaqaaqa dhaqaalaha.

Maamul-wanaagga oo ay ka mid yihiin musuq-maasuq iyo wax-is-daba-marin ayaa marba marka ka dambaysa sii kordhinaysa curyaaminta horumarinta dhaqaalaha iyo maareynta kheyraadka.

2. Burundi

Burundi waxay la daalaa dhacaysaa wax soosarka GDP oo ah mid hooseeya. Koboca gaabiska ah ee xagga warshadaha, iyo ku tiirsanaanta wax beerasho la kabo ayaa qayb ku leh dhibaatooyinka dhaqaale.

Hubanti la'aanta siyaasadeed iyo daciifnimada maalgashiga shisheeye ayaa saameeyey koboca.

Beeraha ayaa ah qaybta hormuudka u ah, iyada oo qayb weyn ka qaadata wax soo saarka guud iyo shaqaaleysiinta boqolkiiba tiro badan oo dadweynaha ah, kuwaas oo intooda badani ay ku jiraan beero-macmacaan.

Qeyb weyn oo ka mid ah dadka ayaa ku nool meel ka hooseysa heerka faqriga, iyadoo xogta ay muujineyso in 71.8% dadka Burundi ay ku nool yihiin wax ka yar $1.90 maalintii, sida uu sheegay Bangiga Adduunka.

Inkastoo sanadihii u dambeeyay uu jiray kobac dhaqaale, hadana waxaa inta badan lagu tilmaamaa mid aan ku filneyn xalinta caqabadaha dalka ka jira, sida uu sheegay Bankiga Adduunka.

3. Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe

Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa wajahaysa dhibaatooyin dhaqaale oo ay ugu wacan tahay colaadaha muddada dheer soo jiray iyo caqabadaha maamulka.

Dalku waxa uu leeyahay khayraad dabiici ah oo aad u badan balse waxa aanu haysan kaabayaashii dhaqaale ee uu isku horumarin lahaa.

Arrimaha amniga ayaa xaddidaya fursadaha maalgashiga.

4. Malawi

Dhaqaalaha Malawi wuxuu aad ugu tiirsan yahay beeraha.

Cimilada, wax soo saarka gaabiska ah, iyo kobaca warshadaha oo hooseeya ayaa saameeyey koritaanka dhaqaalaha.

Dalku waxa uu wajahayaa caqabado dhanka balaarinta qaybta warshadaha iyo hagaajinta heerka nolosha.

5. Mosambiik

Mosambiik waxay weli la il daran tahay dhibaatooyin dhaqaale oo ay ugu wacan tahay caqabadaha deynta iyo horumarinta kaabayaasha oo liita.

Dalku waxa uu leeyahay kayd badan oo gaaska dabiiciga ah balse waxa soo food saaray dhibaatooyin sidii uu ugu beddeli lahaa kheyraadkaas faa'iidooyin dhaqaale oo la taaban karo.