Maxaa wali looga daba dhacsan yahay Shah Rukh Khan 30 sano kadib?

Shah Rukh Khan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Shah Rukh Khan

Bishii lasoo dhaafay, jilaaga caanka ah ee u dhashay Hindiya Shah Rukh Khan wuxuu u dabbaaldegay 30 sano guuradii kasoo wareegtay markii uu si rasmi ah ugu biiray aflaamta Hindiya.

Buug ay ka qortay Shrayana Bhattacharya ayaa waxay kaga hadleysaa waayihii Shah Rukh Khan ee aflaamta Hindiya ee Bollywood-ka iyo sida uu weli caan usii yahay.

Wuxuu buugga sharraxayaa sababta weli Shah Rukh Khan uu weli uu kamid yahay jilaayaasha aflaamta ugu caansan adduunka.

Waxaa suurtagal ah in sharraaxad macquul ah laga bixiyo sababta Shah Rukh Khan uu ugu daahay aflaanta Hindiya. Maxay tahay sababta jilaagan ay u jecel yihiin malaayiin qof?

Jawaabta waa jaceyl iyo dareen ay ka muujinayaan aflaantiisa, Khan wuxuu inta badan matalayay Hindiya iyo Koonfurta Aasiya.

Wuxuu dadka tusay gobolka barwaaqada leh oo banii'aadanimadu ku weyn tahay. Malaayiin qof oo u dhashay Hindiya wuxuu yahay dhallaanka soo bandhiya sheekada ku saabsan kobaca dhaqaalaha ee dalkiisa.

Sanadihii 1990s, Shah Rukh Khan wuxuu kasoo ifbaxay shaashadaha xilli Hindiya ay soo gashay saaxadda dhaqaalaha adduunka.

Shah Rukh Khan waxaa taageeraa malaayiin qof

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Shah Rukh Khan waxaa taageeraa malaayiin qof
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Iyada oo qayb ka ah dib-u-habeyn taxane ah oo suuqa ah, Khan wuxuu waddanka u furay maalgashiga qeybta isgaarsiinta shisheeye taasoo u oggolaatay shabakadaha warbaahinta cusub inay ku baahaan Hindiya - warbaahintan ayaa xaqiijiyay baahinta filimadiisa, heesaha iyo wararka inay gaareen guryo ka badan marka loo barbardhigo jilaayaashii caanka ahaa ee isaga ka horreeyay.

Markii uu kobcayay dhaqaalaha Hindiya, sharaabka Soodhada iyo baabuur ayaa si lama filaan ah u soo galay suuqa, waxayna iskaashi la sameeyeen Khan oo ahaa safiirkooda dhanka suuq geynta.

Marka la eego sare u kaca Khan , wuxuu Delhi ka dhigay inay caan ka noqoto caalamka waa sheeko ka hadleysaa guusha ay gaartay Hindiya, Khan wuxuu guul ka gaaray soo bandhigidda filimada isagoo aan kasoo jeedin qoysaska filimada jila, soo shaac bixidda Khan wuxuu noqday bilowga dhaqaalaha oo kobca.

Xoojinta xuquuqda diimaha, Khan waxa uu sidoo kale noqday sida astaan isku keeneysa shacab badan oo Hindiya u dhashay.

Filimada Khan

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Filimada Khan

Dadka dhaleeceeya dowladda Hindiya waxay sheegayaan inay sare u kaceen isku dulqaad la'aanta dhanka diimaha xilligga dowladda Ra'iisul Wasaare Narendra Modi iyadoo si weyn loogu eedeeyo dowladdiisa inay gacan bidxeyn ku heyso muslimiinta.

Wiilka uu dhalay Khan ayaa sanadkii lasoo dhaafay loo xiray kiis la xiriira daroogada inkasta oo markii dambe lasii daayay, dad badan waxay rumeysnaayeen in Hindiya ay beegsaneyso shakhsiyaadka caanka ah ee muslimka ah.

Shah Rukh Khan wuxuu inta badan faallooyin maskaxeed ka bixin jiray muhiimadda ay leedahay wada noolanshaha bulsho kala dhaqan ah, wuxuu filimada kusoo bandhigayay jilaayaal badan oo muslimiin ah.

Taageerayaashiisa oo u badan dad aan muslim aheyn kuma aysan takoorin diintiisa darteed, waxay u arkeen nin xikmad leh, caqli badan isla markaana guulo gaaray.

Khan wuxuu inta badan filimadiisa ku muujiyaa shakhsiyaad nugul - jacaylka jilicsan, geesiga nugul, ninka jilicsan iyo Muslimka nugul.

Khan waa halyeeyga arrimaha jaceylka ee Koonfurta Asia-filimadiisa waxay noqdeen halbeeg ay isku dayaan dhammaan dadka uu hayo jaceylka. Marka laga soo tego filimadiisa, Khan waa nin qiiro badan oo kaftan badan gaar ahaan marka uu la hadlayo dadweynaha.

Kadib markii uu hakad ku yimid, waxaa sanadka 2023-ka waddada kusoo jiraa saddex filim oo waaweyn , taageerayaashiisa aad ugu faraxsan yihiin arrintani laakiin waxay ka walaacsan yihiin kooxaha ololaha wado ee ka tirsan garabka midig kuwaas oo baraha bulshada ka wado olole ay ku qaadacayaan dadka caanka ah ee muslimka ah ee qeybta ah filimada Bollywood.