Trump oo kala garan waayey xaaskiisa iyo haweeney kale

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xeerbeegti Maraykanka joogta ayaa ku heshay madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump inuu ku xad gudbay gabar qoraa ah sannadihii sagaashameeyadii.
Lakinse Mr Trump laguma helin inuu E jean Carroll ku kufsaday dukaanka weyn ee Bergdorf Goodman.
Waxay xeerbeegtidu ku heshay in Trump lagu qaadi karo dacwad ku saabsan inuu Sharaf dhac ku sameeyey gabadhaas qoraaga ah. “Halkan waxaan u joogaa bacdamaa uu I kufsaday Donald Trump, markii aan sidaa qorayna wuu ka been sheegay isagoo yiri ma dhicin” ayey tiri Carroll oo iminka 79 jir ah.
Waa markii ugu horreysay ee Mr Trump lagu helo in sharciyan ay mas’uuliyad ka saaran tahay ka jawaabidda eedeyn galmo la xiriirta.

Xeerbeegtida oo fadhida Manhattan waxay Mr Trump ku amreen inuu bixiyo $ 5 Malyan oo khasaare ah. Xeerbeegtida oo ka koobnayd 6 rag ah iyo 3 dumar ah ayaa go’aanka gaaray ka dib muddo seddex saacadood ka yar oo ay kiiska ka doodayeen.
“Maanta dunidu runta ayey ogaatay” ayey Ms Carroll ku tiri qoraal ay soo saartay go’aanka ka dib. “Guushan ma aha mid kaligey ii soo hoyatay, laakin waa guul u soo hoyatay gabar kasta oo aan la rumaysan in dhibaato ay soo gaartay” ayey sii raacisay.
Trump oo beeniyey eedeynta Ms Carroll, kama qayb galin labadii todobaad ee dacwaddu ay ka socotay maxkamadda Federaalka ee Manhattan.
Go’aanka ka dib ayuu Trump ku qoray mid ka mid ah baraha bulshada ee uu leeyahay isagoo far waaweyn ku qoray “Marnaba ma garanayo qofka ay tahay haweeneydan”.
Carroll dhankeeda waxaa la arkayey ayadoo labada gacan ku kala dheggan labadeeda qareen markii go’aanka lagu dhawaaqayey.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Video marag-fur ah oo maxkamadda la horkeenay ayaa laga arkay Trump oo xaaskiisii hore ku khalday Ms Carroll. Sawirka Videoga ayaa ahaa mid ay labadooda iyo dad kale ka muuqdeen, wuxuuna Trump sheegay in xaaskiisa ay tahay midda uu farta ku fiiqayo ee sawirkeeda la tusay, balse ay taasi ahayd E Jean Carroll
“Ayadoo aysan jirin maalintii, bishii iyo sannadkii ma keeni kartid eedeyn jawaab u baahan, mana u yeeri kartid markhaati” ayuu yiri qareenka Trump, Joe Tacopina.
Wuxuu ku tilmaamay in kiiska Carroll uu yahay ‘mid khayaali ah’. Wuxuu ku dooday sababta aysan dambiga ugu wargelin booliska markii uu dhacay. Laakinse dad ay Carroll saaxiibo yihiin waxay markhaatiga ku sheegeen inay si dhakhsiyo leh ugu wargelisay wixii dhacay.
Ma aha markii ugu horreysay ee madaxweynihii hore ee Maraykanka loo qabsado dacwado galmo ku saabsan oo dumar ay ku soo ogeen. Bilo ka hor ayey ahayd markii ay dibadda timid arrin ku saabsan inuu galmo la sameeyey ka dibna u lacag siiyey gabar samaysa filimada galmada oo la yiraahdo Stormy Daniels si ay u aamusto.











