Guulihii iyo Fashilkii kala duwanaa ee soo gaadhay sirdoonka Israel ee Mossad

Khaled Meshal, Yahya Ayyash, mid kamid ah ciidamada amaanka Israel

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Khaled Meshal, Yahya Ayyash, mid kamid ah ciidamada amaanka Israel

Tallaabo lama filaan ah, qalabka isgaadhsiinta ee xubnaha Xisbullah sida taleefannada hadalka iyo qalabka kale ee isgaadhsiinta ayaa loo isticmaalay qalab qarxa. Qalabkan oo loogu talagalay in ay si ammaan ah isaga ilaaliyaan basaasidda horumarsan ee Israa’iil, ayaa ku qarxay gacanta dadkii isticmaalayay, taas oo dishay dhowr qof oo ka tirsan xubnaha Xisbullah, dhaawacayna kumannaan qof oo kale.

Dowladda Lubnaan waxay Israa’iil ku eedeysay weerarkan, kuna tilmaantay "weerar dambi ah oo ka yimid Israa’iil," halka Xisbullah ay ballanqaaday "aargoosi caddaalad ah."

Ilaa iyo hadda Israa’iil kama aysan jawaabin eedeymahaas, hase yeeshee warbaahinta qaar ee Israa’iil ayaa soo warisay in golaha wasiirrada Israa’iil ay farriin adag ku siiyeen wasiirrada in ay ka gaabsadaan ka hadalka dhacdadan.

Israa’iil caadi ahaan si dhow ayay ula socotaa dhaqdhaqaaqyada Xisbullah, taas oo muujinaysa in howlgalkan uu noqon karo qeyb ka mid ah colaadda u dhexeysa labada dhinac.

Haddii Israa’iil ka dambeyso arrintan, tani waxay noqon doontaa mid ka mid ah howlgalkeeda ugu lama filaanka badnaa uguna saameynta badnaa, iyadoo dib loo xusuusan doono howlgalladii hore ee loo aaneynayay Israa’iil, gaar ahaan wakaaladdeeda sirdoonka qaranka, ee Mossad.

Maydka Hussein Amhaz, oo ku geeriyooday qarax aalad lagu wada xiriiro.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dagaalyahannada Xisbullah oo kor u sida naxashka Hussein Amhaz, kaas oo ku geeriyooday qarax aalad lagu wada xiriiro 18-kii bishaan September.

Guulihii Mossad

Adolf Eichman

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Adolf Eichman, waxaa gadaal taagan sarkaal amniga ah oo dareys ciidan ku labisan

Guulaha Mossad waxaa loo aaneeyaaa hawlgallo badan oo guul ah. Waxaana ugu mudan kuwaas, kuwan soo socda.

Ugaadhsiga sarkaalkii Nazi-ga ahaa ee Adolf Eichmann

Raadinta sarkaalka Naasiga ahaa ee Adolf Eichmann Afduubkii Adolf Eichmann, sarkaal ka tirsan Naasiga, oo ka dhacay Argentina sanadkii 1960, waa mid ka mid ah guulaha ugu caansan ee Mossad ee dhinaca sirdoonka.

Eichmann wuxuu ahaa maskaxdii ka dambeysay Xasuuqii Yahuudda ee Holocaust, kaasoo lagu dilay lix milyan oo Yahuud ah intii uu socday Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Ka dib markii uu ka baxsaday gacanta caddaaladda isagoo u kala guurayay dalal kala duwan, Eichmann ugu dambeyntii wuxuu degay Argentina.

Koox ka tirsan 14 xubnood oo Mossad ah ayaa raadraacay, kadibna afduubtay, kuna soo celisay Israa’iil, halkaas oo maxkamad lagu saaray ugu dambeyntiina la dilay

Hawlgalkii Etebbe

Haweeneey

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Afduubayaashii diyaaradda Entebbe ayaa la sii daayay ka dib toddobaad oo ay xirnaayeen
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Hawlgalka Entebbe ee ka dhacay Uganda sanadkii 1976 waxaa loo aqoonsan yahay inuu yahay mid ka mid ah howlgaladii ugu guulaha badnaa ee milateriga Israa’iil.

Mossad ayaa bixisay sirdoonkii hawlgalkaas, halka milatariga Israa’iil ay fuliyeen hawlgalka. Laba xubnood oo ka tirsan Xisbigii Dadweynaha Xoreynta Falastiin (Popular Front for the Liberation of Palestine) iyo laba Jarmal ah oo la shaqeynayay ayaa afduubtay diyaarad ku socotay Paris, una weecisay Uganda. Waxay dadka rakaabka ah iyo shaqaalaha diyaaradda ku haysteen garoonka diyaaradaha ee Entebbe.

Ciidamada gaarka ah ee Israa’iil ayaa weeraray garoonka, waxayna soo badbaadiyeen 100 qof oo ka mid ahaa rakaabkii Israa’iil iyo Yahuudda ahaa. Saddex qof oo ka mid ah dadkii la afduubtay, afduubayaashii, dhowr askari oo reer Uganda ah, iyo hoggaamiyihii ciidamada weerarka, Yonatan Netanyahu (walaalka Ra'iisul Wasaaraha hadda ee Israa’iil, Benjamin Netanyahu), ayaa lagu dilay weerarkaas.

Hawlgalkii walaalaha

Nin wakiil ah oo Mosad ah ayaa ag taagan baabuur Landrover ah oo ay ka buuxaan Yuhuud Itoobiyaan ah oo laga soo tahriibinayo Suudaan

Xigashada Sawirka, Raffi Berg

Qoraalka sawirka, Wakiilka Mossad ayaa ag taagan baabuur ay ka buuxaan Yuhuuda Itoobiyaanka ah ee laga soo tahriibinayo Suudaan

Dabagal khiyaano ah oo dhacay bilowgii 1980-aadkii, Mossad – oo fulineysay amar ka yimid Ra'iisul Wasaare Menachem Begin – ayaa si qarsoodi ah ku tahriibisay in ka badan 7,000 oo Yuhuud Itoobiyaan ah oo loo qaaday Israa’iil iyagoo u maraya Suudaan, iyado oo lagu adeegsanayay goob macmal ah oo loogu talagalay dadka quusa biyaha.

Suudaan waxay ka mid ahayd dalalka ka tirsan Jaamacadda Carabta oo cadaw ku ah Israa’iil, sidaas darteed, Mossad ayaa si qarsoodi ah u howlgalaysay, koox ka tirsan Mossad oo ah wakiillo ayaa ka dhisay xarun lagu nasto xeebta Badda Cas ee Suudaan, taasoo ay ka dhigeen saldhiggii hawlgalkooda.

Maalintii waxay iska dhigayeen shaqaalaha hudheelka, halka habeenkii ay si qarsoodi ah uga tahriibin jireen Yuhuudda, oo si sir ah uga soo guurayay dalka dariska ah ee Itoobiya, iyagoo ku qaadayey diyaarado iyo maraakiib.

Hawlgalku wuxuu socday ugu yaraan shan sano, ka hor inta aan la ogaan, laakiin wakiilladii Mossad way baxsadeen markii la ogaaday.

Aargoosiga dilalkii Olombikada

Xubno ka tirsan kooxda Israa’iil oo socod ku maray garoonka Olympic-ga ee Munich si ay uga qayb galaan xus lagu maamuusayo ciyaartooy looga dilay jarmalka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Xubno ka tirsan kooxda Israa’iil oo socod ku maray garoonka Olympic-ga ee Munich si ay uga qayb galaan xus lagu maamuusayo muwaadiniintooda ay dileen koox Falastiiniyiin ah.

Sanadkii 1972, kooxda hubeysan ee Falastiiniyiinta ah ee Black September waxay dileen laba xubnood oo ka tirsan kooxda Olimbikada ee Israa’iil intii lagu guda jiray Olimbikada Munich, waxayna qafaasheen sagaal kale. Ciyaartooydaas waxaa markii dambe lagu dilay isku day badbaadin oo fashilmay oo ay sameeyeen booliska Jarmalka Galbeed.

Sanado kadib, Mossad waxay beegsatay kuwa looga shakiyay in ay ku lug lahaayeen weerarka, oo uu ku jiray Mahmoud Hamshari. Waxa uu ku dhintay bam qarxay oo lagu rakibay taleefan gurigiisa yaallay ee magaalada Paris. Hamshari wuxuu ku waayay lug qaraxaas ka dibna ugu dambeyntii wuu u geeriyooday dhaawacyadii soo gaadhay.

Sawirada kow iyo tobankii ciyaartoy ee Israa'iili ah ee lagu dilay Galbeedka Jarmalka ciyaarihii Olombikada 1972kii. Waxay kala yihiin (bidix sare ilaa midig): Yosef Gutfreund, 40; Moshe Weinberg, 33: Yoseph Romano, 32; David Berger, 28; Mark Slavin, 18; Yaacov Springer, 52; (hoos bidix ilaa midig): Ze'ev Friedman, 28; Amisur Shapira, 40; Eliezer Halfin, 24; Kehat Schorr, 53; Andre Spitzer, 27

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Kow iyo toban xubnood oo ka tirsan kooxdii Olombikada Israa’iil ee 1972 ayaa la dilay ka dib markii dabley falastiiniyiin ah ay soo weerareen xaruntooda

Sidoo kale, sanadkii 1996, Yahya Ayyash, oo ahaa farsamayaqaan muhiim ah oo ku takhasusay qaraxyada kooxda Xamaas, ayaa lagu dilay taleefoon Motorola Alpha ah oo lagu soo buuxiyay 50 garaam oo walxo qarxa ah. Ayyash, oo caan ku ahaa sameynta qaraxyada iyo hagidda weeraro culus oo ka dhan ah Israa’iil, wuxuu ahaa mid ka mid ah shakhsiyaadka ugu doonista badan ee ay doonayeen hay’adaha amniga ee Israa’iil.

Dabagalka qarsoodiga ah ee uu Mossad ku bartilmaameedsaday Hamshari iyo Ayyash wuxuu muujinayaa taariikh dheer oo dhinaca tiknolojiyadda casriga ah oo ay u adeegsadeen dilalka qorshaysan.

Dhimashadii Mahmoud al-Mabhouh

masawirka Maxamuud Al-Mabhuuh

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Maxamuud Al-Mabhuuh ayaa lagu dilay rasaas badan ka dibna waa la ceejiyay

Sanadkii 2010, Mahmoud al-Mabhouh, oo ahaa hoggaamiye sare oo ciidan oo ka tirsan Xamaas, ayaa lagu dilay hotel ku yaalla Dubai. Markii hore, dhimashadiisa waxaa loo qaatay in ay tahay mid dabiici ah, laakiin booliska Dubai ayaa markii dambe soo helay kooxdii dilka fulisay ka dib markii ay baadhitaan ku sameeyeen muuqaaladii ay duubeen kaamirooyinka ilaalada.

Booliska ayaa shaaca ka qaaday in al-Mabhouh lagu dilay iyadoo la isticmaalayo koronto lagu shoogsiiyay ka dibna la ceejiyay.

Howlgalkan waxaa looga shakisan yahay inuu ahaa mid ay soo abaabushay Mossad, taasoo dhalisay cadho diblomaasiyadeed oo ka timid Isutagga Imaaraadka Carabta. Diblomaasiyiinta Israa’iil waxay sheegeen in aanay jirin caddeyn toos ah oo ku xidhiidhinaysa kiiskan Mossad, hase yeeshee, ma aysan beenin wax ku lug lahaansho ah, taasoo waafaqsan siyaasadda Israa’iil ee ku saabsan in laga "wax muhmal ah" marka ay timaado falalka noocan oo kale ah.

Iskudeyadii dil ee Fashilmay

Marka laga tago tiro falal ah oo guulaystay, sida oo kale waxaa dhacdooyin kale oo caan ah oo muujinaya guuldarrooyinka Mossad ee falal ay ku lug lahaayeen

Madaxii siyaasadda ee Xamaas Khaled Meshal

Hawlgal sababay xiisad diblomaasiyadeed oo weyn ayuu ahaa isku daygii Israa’iil ee 1997 ee lagu doonayay in lagu dilo Khaled Meshaal, madaxa xafiiska siyaasadda Xamaas, iyadoo sun la adeegsanayo.

Howlgalku waa uu fashilmay markii wakiilladii Israa’iil la qabtay, taasoo qasabtay Israa’iil inay bixiso daawo suntan la isticmaalay baajinaysa si loo badbaadiyo nolosha Meshaal.

Agaasimihii Mossad ee waqtigaas, Danny Yatom, ayaa u duulay Urdun si loo daweeyo Meshaal. Dhacdadan ayaa si weyn u xumeysay xidhiidhka Israa’iil iyo Urdun, kuwaas oo dhowaan heshiis nabadeed kala saxiixday.

Hoggaamiyihii Xamaas Mahmoud al-Zahar

Khaled Meshal oo ka hadlayay shir jaraa’id

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Khaled Meshaal waxa uu soo noqday hogaamiyaha siyaasadda Xamaas intii u dhaxaysay 1996 ilaa 2017

Sanadkii 2003, Israa’iil waxay fulisay duqeyn dhinaca cirka ah oo lagu beegsanayay guriga hoggaamiyaha Xamaas, Mahmoud al-Zahar, oo ku yaallay magaalada Qazza. Inkastoo al-Zahar ka badbaaday weerarkaas, waxaa ku dhintay xaaskiisa iyo wiilkiisa, Khaled, iyo dhowr qof oo kale.

Weerarka ayaa gabi ahaanba burburiyay gurigiisa, taasoo muujinaysa saameynta xun ee ay leeyihiin howlgallada milateri ee ka dhaca goobaha dadku ku badan yihiin

Fadeexaddii Lavon

Madaxweynaha Masar Gamal Abdel Nasser ayaa ku dhawaaqay in la qarameyn doono kanaalka Suweys

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Masar Gamal Abdel Nasser ayaa ku dhawaaqay in la qarameyn doono kanaalka Suweys

Sanadkii 1954, mas'uuliyiinta Masar waxay fashiliyeen howlgal sirdoon oo Israa’iil ah oo loo yaqaanay Hawlgalka Susannah. Qorshahaas oo la qabtay ka hor inta uusan hirgelin, wuxuu ahaa in qaraxyo lagu xidho xarumo Maraykan iyo Ingiriis ku leeyihiin Masar si Ingiriiska loogu cadaadiyo inuu ciidamadiisa ku sii hayo Kanaalka Suweys.

Dhacdadan ayaa markii dambe loo bixiyay Fadeexadda Lavon, oo loogu magac daray Wasiirkii Difaaca ee Israa’iil waqtigaas, Pinhas Lavon, oo loo malaynayay inuu ku lug lahaa qorshaha howlgalkaas.

Mossad sidoo kale waxaa loo tiriyaa inay la kulantay guuldarrooyin waaweyn oo dhinaca sirdoonka ah, iyadoo dhowr howlgallo oo muhiim ah oo ay fulinaysay ay fashilmeen.

Weerarkii 7 October 2023

Sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka oo ag maraya teendhooyin iyo burbur ka dib weerarkii 7-dii Oktoobar

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Ku dhawaad ​​1,200 oo qof ayaa lagu dilay weerarradii Xamaas ee 7-dii Oktoobar ka dhacay koonfurta Israa’iil

Ku dhawaad 5o sano ka baddib, Israel waxa ay mar kale la kulantay weerar degdeg ah oo yaablahaa, markan waxaa weerarkaas soo qaadday Xamaas oo weerartay tuulooyinka xuduudka Gaza u dhawaa, 7-dii October 2023.

Ku guuldarraysii Mossas ee in ay sii saadaliso weerarkaas ayaa loo arkayey guuldarro u qaadan waa ah., taas oo falanqeeyayaal badan u arkayeen, sida aanay u abaabullayn siyaasadda Israel eek u aaddan Xamaas.

Weerarkii 7-dii Oktoobar wuxuu sababay dhimashada ku dhawaad 1,200 qof, badidoodna waxay ahaayeen dad rayid ah, sida ay sheegayaan mas'uuliyiinta Israa’iil. Sidoo kale, ilaa 251 qof ayaa lagu afduubay oo dib loogu qaaday Qazza iyaga oo halkaas lagu haysto.

Jawaabta Israa’iil ee weerarka Xamaas waxay ahayd inay dagaal ka bilowdo Marinka Qazza, taasoo illaa hadda sababtay dhimashada in ka badan 40,000 qof, kuwaas oo badankoodu rayid yihiin, sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka ee Xamaas ee ka talisa Qazza