“Hagardaamo” uu Maraykanka la damacsanaa Yaasir Carafaad oo shaaca laga qaaday

Sawirka Yaasir Carafaad

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dukumiinti sirdoon oo ay heshay BBC-da ayaa muujinaya in Madaxweynihii hore ee Maraykanka, George W Bush, uu sanadkii 2001 ku amray CIA-da inay diyaariyaan qofkii lagu bedali lahaa hogaamiyihii Falastiiniyiinta, Yaasir Carafaad.

Waxaa xilligaas sii xoogaysanayay kacdoonkii labaad ee ay Falastiiniyiinta ku diidanaayeen Israa’iil, iyadoo uu burburay wadahadalkii madaxda labada dhinac uga socday Camp David.

Kacdoonka labaad ee Falastiiniyiinta ayaa bilowday kadib markii Ra’iisal Wasaarihii Israa’iil Ariel Sharon uu dhammaadkii September 2000 gudaha u galay xeyndaabka Masjidka Al Aqsa, arrintaas oo dhalisay caro weyn.

George W Bush oo xukunka Maraykanka la wareegay January 2001 ayaa ugu baaqay Carafaad inuu joojiyo kacdoonka, waxaana Washington ay isla markaa horjoogsatay dedaal uu Golaha Ammaanka ciidan ka socda Qaramada Midoobay ugu diri lahaa dhulka la haysto, si ay u difaacaan Falastiiniyiinta.

Kacdoonkii Falastiiniyiinta

Xigashada Sawirka, Getty Images

Bush iyo Blair

Markii la dhaqaajin waayay Carafaad, ayaa waxa telefoonka ku wada xiriiray Bush iyo Ra’iisal Wasaarihii Britain, Tony Blair oo ka xaajooday colaadda ka dhex aloosnayd Falastiiniyiinta iyo Israa’iil.

Sida ay BBC-du ka ogaatay qoraalkii laga sameeyaya wadahadalkaas, Blair ayaa ku dooday in Carafaad “aanu waxba la joogin” oo aysan talo gacan ugu jirin. Waxa uu ku dooday in hogaamiyahaas Falastiiniyiinta uu sameeyay tanaasul kasta oo aanay jirin wax u haray.

Bush ayaa Blair ka qaatay aragtidaas, waxaana u uku tilmaamay Carafaad “mid taag daran oo aan faa’iido lahayn”. Bush ayaa intaa raaciyay in CIA-da uu ka dalbaday inay keenaan cid bedali karta Carafaad, balse ay soo waayeen.

Dukumiintiga ay BBC-da heshay ayaa muujinaya in go’aanka Bush uu si weyn u diiday wasiirkii arrimaha dibedda Maraykanka ee xilligaas, Colin Powell. Waxa u uku dooday in muhiimadda koobaad ay ahayd in la joojiyo dhigga daadanayay.

Maraykanka iyo Britain ayaa filayay in Ra’iisal Wasaare Ariel Sharon uu xal u heli karay xaaladda taagneyd, isla markaana uu u baahnaa waqti kooban.

Carafaad ayaa 11-kii November 2004 ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla magaalada Paris, waxaana la sheegay inuu u dhintay xanuun maskaxda ah oo ka dhashay maadada sunta ah ee polonium, taasoo laga helay jirkiisa iyo dharkiisa.

Falastiiniyiinta ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay dishay Yaasir Carafaad, arrintaas oo ay si weyn u beenisay.

Kala qeybintii Falastiiniyiinta

Bush iyo Sharon

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ariel Sharon ayaa qaaday tallaabo horseeday kala qeybinta Falastiiniyiinta. Waxa uu August 2005 Israa’iiliyiinta ka raray marinka Gaza, arrintaas oo u uku tilmaamay mid dan u ah amniga Israa’iil.

Wixii markaa ka dambeeyay waxaa meesha ka baxday midnimadii Falastiiniyiinta. Ururka Xamaas ayaa haatan ka taliya Gaza oo ay Israa’iil go’doomin ku haysay sanado badan.