Maxay tahay waxa uu la gaarka yahay telefoonka cusub ee Iphone ee sanadkan la soo saaray?

iphone

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ilaa hadda, taleefannada casriga ah – gaar ahaan marka Apple ay horkacayso – shirkadaha kale badankood way raacaan. Sidaas darteed, iPhone-ka cusub ee ay toddobaadkan soo saarayso oo aan lahayn kaarka caadiga ah ee SIM-kaarka, wuxuu dhalinayaa su'aalo ku saabsan mustaqbalka tiknoolajiyadan aadka loogu bartay telefoonada.

Dhammaan dadka isticmaala telefoonada way yaqaanaan kaararka yaryar ee caagga iyo jibka isku dhex jira ah ee si taxaddar leh loo galiyo telefoonada si ay u shaqeeyaan.

Laakiin iibsadayaasha iPhone Air, taas waxay u noqon doontaa arrin la soo dhaafay.

Telefoonkan wuxuu ku shaqeyn doonaa oo keliya eSim – taasoo u oggolaaneysa dadka isticmaala inay si fudud isugu baddeshaan isgaarsiimaha ama qorshe aysan ugu baahnayn in ay adeegsadaan qalab yar si ay u furtaan saxanka yar ee la galiyo SIM-kaarka.

Falanqeeye Kester Mann oo ka tirsan shirkadda CCS Insight ayaa u sheegay BBC in sheegashada Apple ay "muujinayso bilowga Dhammaadka SIM-kaarka."

Sim card

Xigashada Sawirka, Getty Images

Laakiin intee bay qaadan doontaa ka hor intaan dhammaanteen ka tegin kaararkeenna yaryar ee xambaarsan chip-yada – maxaase isbedel ah oo ay keenaysaa habka aan u adeegsaneyno telefoonadeenna?

''Filo in saxanka Sim-ka la galiyo uu mesha ka baxi doono"

Iphone

Xigashada Sawirka, Getty Images

SIM waxay u taagan tahay qaabka aqoonsiga macmiilka ee ( Subscriber Identity Module). Chip-kaasi waa qeyb muhiim ah oo ka mid ah telefoonkaaga — wuxuu kuu oggolaanayaa inaad isku xirto shabakadaha bixiya isgaarsiinta taleefanka gacanta ee aad adeegsatid, inaad wacdo, farriimo dirto, iyo inaad adeegsato internerka.

Sanadihii u dambeeyay, eSim ayaa soo baxay isagoo baddelay kii hore sidii isbeddel cusub. Telefoonnada casriga ah ee dambe, dadka isticmaala waxay haystaan doorasho ah in ay adeegsadaan SIM-ka caadiga ah ama eSim-ka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Talaadadii, inta lagu guda jiray shaacinta noocyada cusub ee telefoonada shirkada Apple ee iPhone Air — kaas oo ah kii ugu dambeeyay uguna dhuuban ee bahda Apple — shirkadda tiknoolajiyadda weyn waxay sheegtay in taleefankaasi uu leeyahay naqshad ku saleysan eSim oo kaliya.

Tani waa markii ugu horreysay oo iPhone kaliya leh eSim laga heli doono guud ahaan dunida. Macaamiisha Mareykanka ayaa hore u helay telefoonada iPhone-ka ee leh eSim oo kaliya tan iyo sanadkii 2022-kii.

Laakiin xitaa Apple gebi ahaanba ma aysan tuurin kaarka SIM-kaarka caadiga.

Inkastoo ay run tahay in telefoonada iPhone- ee cusub ee ay shaaciyeen toddobaadkan — sida iPhone 17, 17 Pro, iyo 17 Pro Max — ay noqon doonaan eSim-kaliya suuqyo badan, dalalka badankood ayaa laga heli doonaa weli kuwo leh meesha Sim-kaarka caadiga ah.

Shirkadaha kale ee waaweyn sida Samsung iyo Google, iyagu waxay eSim-ka u arkaan ikhtiyaar, haddana badanaa waxay sii wadaan isticmaalka kuw leh SIM-kaarka meelo badan.

Si kastaba ha ahaatee, khubaradu waxay sheegayaan in aysan jirin wax shaki ah oo ku saabsan jihada arrimuhu u socdaan.

Sida laga soo xigtay saadaasha ugu dambeysay ee CCS Insight, waxaa la isticmaalayay 1.3 bilyan oo taleefanno casri ah oo leh eSim dhammaadkii 2024. Tiradaas waxaa la filayaa inay gaarto 3.1 bilyan marka la gaaro 2030.

"Waqti ka dib, filo in saxanka Sim-kaarku galo uu gabi ahaanba baaba'o," ayuu yiri Paolo Pescatore, oo ah falanqeeye tignoolajiyada PP Foresight.

Waa maxay faa'iidooyinka eSimka?

Telefoon

Xigashada Sawirka, Getty Images

Mr Pescatore wuxuu sheegay in u guurista eSim ay bixinayso "faa'iidooyin badan", inta badan sida cad waxay badbaadinaysaa xoogaa boos gudaha taleefanka ah, taasoo u oggolaanaysa in baytariyo waaweyn lagu rakibo.

Wuxuu sidoo kale xusay faa'iidooyinka deegaanka, maadaama aan la isticmaalayn kaararka Sim-ka ee caagga leh, wuxuuna aaminsan yahay in dadka isticmaala eSim marka ay safraan dibadda ay heli doonaan doorashooyin badan oo adeeg-bixiyeyaal ah isla markaana aysan la kulmi doonin "kharash lama filaan ah."

Kester Mann waxa uu sheegay in ay keeni doonto hab-dhaqan cusub oo macaamiisha ah oo ay "si tartiib ah u beddeli doonto sida ay dadku ula falgalaan shirkadaha ay adeegga moobaylka ka helaan. Tusaale ahaan tani waxay la maco tahay in macaamiishu aysan u baahnan inay tagaan dukaamada si ay ugala hadlaan Sim-kaarkooda adeeg bixiyaasha telefoonada.

Waxay sidoo kale tani noqon kartaa faa'iido weyn oo dadka doonaya inay waqti beekhaamiyaan ama ay aadan dukaanada laga helo Sim-kaarka caadiga ah. laakiin wuxuu yiri Mann in dhamaan isbeddellada oo dhan, inaysan dhici karin in qof walba soo dhaweyso isbeddelkaas.

"Isbeddelka ayaa si gaar ah muhiim ugu noqon kara dadka da'da weyn ama dadka aan si fiican u isticmaalin tiknoolajiyada. Warshadduhu waxay u baahan yihiin inay si adag uga shaqeyso sidii loo sharxi lahaa sida loo isticmaalo eSim-ka," ayuu yiri Mann.