Maxaan ka naqaan ninka ku eedaysan dilka Charlie Kirk, Trump saaxiibkiis?

Guddoomiyaha gobolka Utah Spencer Cox ayaa sheegay in Tyler Robinson oo 22 jir ah uu xiran yahay dhawaanna dacwad lagu soo oogi doono.

Xigashada Sawirka, Handout

Qoraalka sawirka, Guddoomiyaha gobolka Utah Spencer Cox ayaa sheegay in Tyler Robinson oo 22 jir ah uu xiran yahay dhawaanna dacwad lagu soo oogi doono.

Mas'uuliyiinta Mareykanka ayaa aqoonsaday ninka ku eedaysan in uu dilka u geystay dhaq-dhaqaaqeyaha Mareykanka ee Charlie Kirk, ninkaan oo 22 sanno jir ah ayaa lagu magacaabo Tyler Robinson.

"Waannu qabannay," ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Utah, Spencer Cox, shir jaraa'id oo FBI-da qabatay, isaga oo xaqiijiyey in Robinson hadda gacanta lagu hayo islamarkaana si dhaw loogu soo oogayo dacwad.

Cox ayaa sidoo kale sheegay in Robinson uusan ahayn arday ka tirsan Jaamacadda Utah Valley, halkaas oo toogashadu ka dhacday, isla markaana aysan jirin wax macluumaad ah oo muujinaya inuu horey u qabay xanuun maskaxeed.

Ka dib shirkii jaraa'id, Jaamacadda Gobolka Utah ayaa xaqiijisay in Robinson uu si kooban uga mid ahaa jaamacadda sannadkii 2021.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in Robinson muddo dheer la deganaa qoyskiisa degmada Washington, oo ku taalla koonfur-galbeed gobolka, oo qiyaastii saddex saacadood u jirta jaamacadda.

............

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Guddoomiyaha gobolka Utah Spencer Cox ayaa sheegay in gaariga Tyler Robinson uu yaalay xerada ka hor inta uusan u kaxeynin Magaalada Washington ee Degmada Washington, Utah.

Qof qoyska la saaxiib ah oo "La xidhiidhay booliska"

Cox ayaa sheegay in xubin ka tirsan qoyska Robinson uu la xidhiidhay saaxiib qoys ka ah, kaas oo isna lasii xiriiray dacwad ooge si uu ugu wargeliyo in Robinson uu qirtay, ama si dadban u muujiyey, inuu ku lug lahaa dhacdadaas.

CBS, oo bahwadaag warbaahineed la'ah BBC-da, ayaa soo xigatay labo ilo wareed oo sheegay in Robinson uu si muuqata ugu qirtay aabihiis.

Cox wuxuu sheegay in baarayaashu dib u eegis ku sameeyeen muuqaallo video ah oo muujinaya in Robinson uu yimid goobta isagoo wat baabuur nooca loo yaqaano Dodge Challenger saacadu markay ahayd 8:29 subaxnimo, waqtiga maxalliga ah, September 10.

Wuxuu intaas ku daray in markii baadhayaashu la kulmeen Robinson maalintii Jimcaha, September 12, uu xirnaa dharkii saxda ahaa ee lagu arkay muuqaallada.

Cox sidoo kale wuxuu xusay in xubin kale oo ka tirsan qoyska Robinson uu u sheegay baadhayaal in wiilkaasi sanadihii u dambeeyay uu si weyn ugu sii xiiseeyey arrimaha siyaasadda.

Marka loo eego isla markhaatigaas, Robinson wuxuu ka qaybgalay casho la qabtay wax yar ka hor September 10, taas oo uu ka sheegay in Charlie Kirk uu imaanayo Jaamacadda Utah Valley, isla markaana uu yiri: "Ma jecli ninkaas, mana aaminsani fikirkiisa."

Sawir ay soo saartay FBI-da Sebtembar 12, 2025, ayaa muujinaya qof la raadinayo oo lala xiriirinayo toogashadii Charlie Kirk ee Jaamacadda Utah Valley 10-kii Sebtembar—kadibna loo aqoonsaday inuu yahay 22 jir Tyler Robinson. Waxa uu xidhnaa Jiinis, funaanad gacmo-dheer oo madow oo uu ku dul sawirranyahay yahay calanka Maraykanka, waxuuna qabaa koofiyad madow.

Xigashada Sawirka, FBI HANDOUT/EPA/Shutterstock

Robinson "wuxuu sannadihii u dambeeyay si aad ah ugu xiisaynayay siyaasadda."

Cox wuxuu sheegay in baadhayaashu wareysteen qof la degganaa Robinson, kaasoo u soo bandhigay farriimo dhex maray isaga iyo ciiwaan Discord ah oo la yiraahdo "Tyler."

Wuxuu intaas ku daray in farriimahaasi muujinayeen in qori laga soo qaaday meel si qarsoodi ah loo geliyey kadibna lagu riday geed hoostiis, isla markaana goobta uu hubku yaallay si gaar ah loo ilaalinayey. Qoriga waxaa lagu duuduubay tuwaal. Farriimaha sidoo kale waxay sheegayeen in "Tyler" uu beddelay dharkiisii.

Sida uu Cox sheegay, baarayaashu waxay heleen qori gacmeed oo lagu duuduubay tuwaal madow, isla markaana leh qalab lagu xiro qalabka indhaha (scope mount).

Wuxuu intaas ku daray in rasaastii la isticmaalay ay dushooda ku qornaayeen qoraallo.

Saddex qof ayaa dhabarka kusoo aadiyay kamarada iyagoo jooga xaflad xus loogu talagalay Charlie Kirk. Badhtanka gidaarka waxa ku yaal sawir madow iyo caddaan ah oo ah Kirk oo dhoola cadeynaya, oo casaan ku iftiimay, hoostana lagaga shumac shiday.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, مراسم تأبينية لتشارلي كيرك في مدينة أورِم بولاية يوتا.

Qoraallada ku qoran qolofyada rasaasta ayaa laga yaabaa inay muujin karaan suurtagalnimada ujeeddada falka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sida ay sheegeen mas'uuliyiintu, qoraallada ku qoran rasaasta ayaa muujinaya in eedeysanaha, Tyler Robinson, uu saameyn ku yeeshay dhaqanka internet-ka, isla markaana ay ku jireen tixraacyo la xiriira dhaqdhaqaaqa ka dhanka ah faashiistaha ee loo yaqaan Antifa.

Mid ka mid ah qolofyada rasaasta madhan ayaa lagu qoray: "notices bulges OwO what's this?" taasoo ah tixraac ka yimid majaajillo (meme) caan ka ah internet-ka, oo badanaa loo adeegsado kaftan iyo canjilaad.

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in qolofta kale oo aan la isticmaalin lagu qoray: "Hey fascist! Catch this!" iyadoo ay la socdeen saddex fallaadhood oo hoos u jeeda kuwaasoo ah astaan caadi ka ah dhaqdhaqaaqa Antifa.

Qolof kale ayaa lagu qoray ereyo ka mid ah heesta "Bella Ciao", taasoo lagu amaano mujaahidiintii Talyaaniga ee la dagaallamay Nazi-ga xilligii Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Qolof kale oo aan la isticmaalin ayaa lagu qoray: "If you read this, you are gay lmao," taasoo ah tixraac kale oo ka mid ah majaajillada internet-ka, halka "lmao" ay ka dhigan tahay "laughing my ass off" ama si daran ayaan u qoslay.

Antifa waa dhaqdhaqaaq aan si rasmi ah u dhisnayn, oo ay hoggaan u yihiin dad bidix-fog ah, kuwaasoo sannadihii u dambeeyay ka soo muuqday gudaha Mareykanka iyagoo abaabulaya mudaharaadyo iyo dhacdooyin kale, badanaa ka horjeeda siyaasadaha Madaxweyna Mareykanka Donald Trump iyo kooxaha midigta-fog.

Agaasimaha FBI-da, Kash Patel, ayaa sheegay in saraakiishii ugu horreysay ee FBI-da ah ay gaadheen goobta 16 daqiiqo kadib markii riday rasaasta, islamarkaana ay si buuxda u sugeen goobta.

Agaasimaha FBI-da Kash Patel ayaa hadlay intii lagu jiray shir jaraa'id. Waxa uu u muuqdaa mid leh gadh khafiif ah, oo xidhan jaakad buluug ah, shaadh cad iyo taay

Xigashada Sawirka, Reuters

Wuxuu sidoo kale sheegay inuu ku faanayo "inuu caddaalad u helay Charlie Kirk," isagoo uga mahadceliyey qoyskiisa waalidiintiis, haweenayda uu ka dhintay, iyo carruurtiisa wada shaqeyntii ay la yeesheen hay'adaha baadhitaanka. Wuxuu sidoo kale uga mahadceliyey Madaxweyne Trump iyo Madaxweyne ku xigeenka J.D. Vance taageeradooda buuxda.

Patel wuxuu amaanay xawaaraha baadhitaanka, isagoo yiri: "33 saacadood gudaheed waxaan u gudubnay horumar taariikhi ah oo loo sameeyey Charlie." Wuxuu ku tilmaamay goobtii dambigu ka dhacay inay ahayd mid "weyn," balse si degdeg ah loo farsameeyey, iyadoo caddaymo forensik ah la ururiyey iyo kumannaan raad ah oo durba la daba galay.

"Qabashada eedeysanahan waa markhaati u ah shaqada weyn ee ay hayaan laamaha sharcigu," ayuu raaciyey.

Mas'uuliyiintu waxay sidoo kale xaqiijiyeen in aan wali jirin wax xog ah oo muujinaya in dad kale la xirayo, balse baaritaanku wali wuu socdaa.

Charlie Kirk, oo xidhan funaanad cad oo haysta makarafoon, waxa uu ka hadlayaa Jaamacadda Utah Valley ee ku taal Orem, Utah, Sebtember 10, 2025.

Xigashada Sawirka, Trent Nelson/The Salt Lake Tribune/Getty Images

Kumuu ahaa ahaa Kirk?

Charlie Kirk (midig) oo masraxa la jooga gacantana ay isku salaamayaan madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inta lagu guda jiray dhacdo ka dhacday Phoenix, Arizona, Disembar 22, 2024.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Charlie Kirk, wuxuu ahaa 31 jir, ahna aasaasaha urur siyaasadeed la dhaho Barta Isbeddelka Mareykanka oo ah urur aan faa'iido doon ahayn oo faafiyaya afkaar dhaqameedka iyo waxbarashada kolejyada Maraykanka. Wuxuuna saaxiib dhow la ahaa Madaxweyne Trump.

Ururkiisa waxuu ku lahaa cutubyo in ka badan 850 koleej oo Maraykanka ah ardayda fekradaha dhaqameed la dhacsan ayaana u arkaayay Kirk inuu ahaa geesi.

Markii toogashadiisu dhacaysay waxuu ka hadlayay bandhig dadweyne oo ay kasoo qeyb galeen dad gaaraya 3,000 oo qof kuwaas oo ku sugnaa bannaanka jaamacadda Utah.

Abaare 12kii duhurnimo, ayaa rasaas qori laga soo riday qoorta kaga dhacday. Goobjoogayaal, ay ku jiraan wariyeyaal Deseret News ka tirsan, ayaa ku warramay in Kirk uu madaxa dib ula booday kadibna dhulka ku dhacay iyadoo qaylo iyo argagax ay meesha is qabsadeen.

Dhiig ayaa laga arki karaa muuqaalo laga duubay, balse aynaan idin tusi karin inay dad dhibsanayaan aawadeed.