Sushila Karki: Waa tuma haweeneydii ugu horreysay ee raysal wasaare ka noqota dalka Nepal?

Xigashada Sawirka, Reuters
Dalka Nepal oo ah ku yaalla koonfurta Aasiya gaar ahaan buuraha Himilaya, waa dal aan bad lahayn oo u dhaxeeya dalalka Hindiya iyo Shiinaha.
Dalkan yar waxaa muddo qarniyaal ah soo maamulayey nidaam boqortooyo kaas oo ay ka xuubsiibteen sanadkii 2008-dii markaas oo dalku qaatay nidaamka Jamhuuriyadda Dimuqradiga ee Nepal.
Muddo toddobaadyo ah waxaa hareeyey dalka Nepal dibad-baxyo waaweyn oo ay dhigayeen jiilka dhalinyaro dhashay sagaashamayeeadii ilaa 2012-kii kuwaas oo ka kacay musuq baahsan oo ragaadiyey hay'addaha dowladdda.
In ka badan konton qof ayaa ku dhintay iska hor imaadyo dhex maray dadweynaha mudaharaadayay iyo booliiska rabshadaha joojiya intii lagu jiray mudaharaadyadii ballaarnaa ee toddobaadkan, kuwaasoo ka dhashay xayiraad lagu soo rogay baraha bulshada.
Xayiraaddaas ayaa la qaaday hase yeeshee markaas mudaharaadyadu waxay isu beddeleen kacdoon guud. Dad careysan ayaa dab qabadsiiyay dhismaha baarlamaanka iyo xarumaha dowladda ee caasimadda Kathmandu, , xarunta xisbiga Congress-ka Nepal iyo guriga ra'iisul wasaarihii hore ee Sher Bahadur Deuba. Waxaa sidoo kale la burburiyay guryo ay degenaayeen siyaasiyiin kale.
Dhalinyarada loo yaqaano Gen Z, ayaa si weyn ugu soo baxay wadooyinka iyagoo beegsaday cid kasta oo ka mid ahayd dowladdii ay ku eedeynayeen musuq maasuqa. Halku dhigooda ayey ka dhigeen Jiilka Z wuxuu doonayaa mustaqbal hormar leh.
Raysal wasaarihii dalka Nepal KP Sharma Oli ayaa xilka iska casiley ka dib kacdoonka dhalinyarada oo noqday mid sii xoogaysanayey maalinba maalinta ka dembaysay.
Waa tuma Sushila Karki?
Sushila Karki, waxay ku dhalatay xeebaha Shankarpur, sanadkii 1952-diii. Karki waxay ka dhalatay qoys xiriir dhow la lahaa qoyska siyaasadeed ee Koirala, oo ka tirsan xisbiga ugu weyn ee dimuqraadiga ah ee dalka – Nepali Congress.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxbarashadeedii jaamacadeed waxay ka bilowday Jaamacadda Tribhuvan, halkaasoo ay ku qaadatay shahaadada heerka kowaad oo ay ka dhamaysay Mahendra Morang College sanadkii 1972. Intaas kadib, waxay u safartay Hindiya si ay u barato cilmiga siyaasadda, waxaana sanadkii 1975 lagu siiyay shahaadada Master's ee cilmiga siyaasadda oo ay ka heshay Jaamacadda Banaras Hindu University. Markas ka dibna waxay ku soo laabatay Jaamacadda Tribhuvan si ay u barato sharciga, waxayna ka qalin jabisay sanadkii 1978-dii.
Aakhirkii sideetameeyadii waxay notay macallimad iyadoo bilowgii sagaashameeydii ka qayb qaadatay Kacdoonkii Dadweynaha ee lagu riday nidaamkii kali-taliska ahaa ee Panchayat. Intii lagu guda jiray kacdoonkaas, waxa lagu xiray xabsiga Biratnagar, halkaasoo ay waqti ku qaadatay. Khibradeedaas ayaana ku dhalisay inay qorto sheeko-novel la yiraahdo "Kara", taasoo ku saleysan xasuusteeda xabsiga.
Sanadkii 2008-dii, ayey nooqtay qareen sare oo xubin ka ah Ururka Qareenada Nepal. Sanadkii 2009kii ayaa loo magacabay garsoore ku meel-gaar ah oo maxkamada sare ah. Markii Guddoomiyihii Maxkamadda Sare, Kalyan Shrestha, uu hawlgab noqday bishii Abriil 2016, Golaha Dastuuriga (Constitutional Council) ayaa soo jeediyey in Karki lagu beddelo jagadaas. Waxay ahayd Garsoore ku-meel-gaar ah ilaa ay ka dhaceyso dhageysiga rasmiga ah ee baarlamaanka bishii Luulyo ee isla sanadkaas, kaasoo xaqiijiyey magacaabisteeda.
Bishii Luuliyo sanadkii 2016-kii ayey noqotay haweenaydii ugu horreysay ee noqota guddoomiyaha maxkamada sare ee Nepal xilkaas oo ay haysan ilaa sanadkii 2017-kii.
Haweeneydan 73-jirka ah ayaa lagu dhaariyay xaflad kooban, iyadoo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee hogaamisa waddanka faqiirka ah ee buuraleyda Himalaya, kadib markii heshiis laga gaaray hogaamiyeyaasha mudaaharaadyada.
Waxyaabaha horyaalla Sushila Karkii

Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock
Ra'iisul Wasaare Karki iyo xukuumada ay dhisi doonto waxa horyaalla caqabado waaweyn oo ay ka mid yihiin soo celinta nidaamka iyo nabad-galyada, dibu dhiska xarumihii ku burburya bannaanbaxyda iyo qancinta dhalinyarada isbaddel doonka ah inay helaan dalabkoodii.
Arrinta muhiimada leh ayaa ah oo ay filayaan inay hellaan dhalinayrada Gen Z ee dibad-baxyada dhigayey in kuwii ka dambeyey dadkii ku dhintay dibad-baxyada la horkeeno cadaalada.
Magacaabista Karki waxay ka dhalatay isu-tanaasul ka yimid wadahadallo uu fududeeyay taliyaha ciidanka Nepal toddobaadkan. Taageerayaasha Jiilka Z ee farxadda la dhaceen ayaa ku muujinaya rayigooda baraha bulshada, waxaana dad badan u arkaan arrintan inay tahay tallaabada xigta ee loo qaaday waddo siyaasadeed oo cusub oo ay doonayaan in dalku u jeesto.
Talaadadii, Ra'iisul Wasaare ku-meel-gaarka ah Sushila Karki ayaa booqatay goobta bannaanbaxa ee ku taalla caasimada Kathmandu, halkaasoo 19 qof lagu dilay iska horimaadyo ay la galeen booliiska maalintii ka horreysay. Waxay sidoo kale booqatay qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ee lagu daweynayay isbitaalka.
Xilka loo dhiibay Karki, ayaa ka dhashay heshiis ay wada gaareen madaxweynaha dalkaasi iyo hoggaamiyasha dhalinyarada dhigaysay dibad-baxa ka dib maalmo wadatashi ah iyo door uu qatay taliyaha ciidamada, waxaa sidoo kale ku luglahaa heshiiska khuburo sharci yaqaanno ah.
Sushila Karki, ayaa arrinta ugu weyn ee loogu dhiibay xilkan ay tahay in lagu yaqaanay sumcad nadiif ah, waxaana hoggaaminteeda dowlad ku-meel-gaar ah taageeray hogaamiyeyaasha ardayda ee kacdoonka Gen Z.
Laakiin hoggaaminteeda dowladda cusub ayaa wajihi karaysa carqalad cusub maaddaama dhalinyaradu ay doonayaan isbaddel la taaban karo oo ka hirgala dalkooda.













