Soomaaliya oo qeylodhaan u dirtay Golaha Ammaanka

Xigashada Sawirka, Villa Somalia
Dowladda Soomaaliya ayaa farriin la xiriirta dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab, iyo howlgalka ciidamada Midowga Afrika u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Farriintan oo uu qorayXuseen Macalin, oo ah Lataliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, ayaa lagu hagaajiyay Madaxweynaha hadda ee Golaha Ammaanka Danjire Ferit-Hoxha.
Waxaa farriinta lagu faahfaahiyay howlgalka ciidamada Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo ka socda Gobolada Dhexe, iyo qasaaraha ciidamada kasoo gaaray meelaha qaar sida weerarkii kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday Cowsweyne, oo askar lagu laayay, kuwa kale na weli lagu la'a yahay nolol iyo geeri.
Weerarkaas dhacdya 26kii Agoosto ayaa farriinta dowladda Soomaaliya ku tilmaamtay in uu khasaare weyn kaga soo gaaray ciidamada dowladda, taas oo horseeday in laga soo baxo deegaanadii la xoreeyay.
Farriintu waxay intaas ku dartay in weerarkaas uu daciifiyay cududda ciidamada dowladda islamarkaasna bannaanka keenay bayladha ka jirta furimaha hore ee dagaalka. Taas baa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku qasbeyso dib-u-habeyn lagu sameeyo ciidamada iyo howlgalada si loo xaqiijiyo in la sii wado dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Codsiga dowladda Soomaaliya dirtay

Xigashada Sawirka, Villa Somalia
Dowladda Soomaaliya oo ka duuleysa arrimahaas ayaa si rasmi ahcodsatay in la hakiyo qorshihii bixitaanka ciidammadii Nabad Ilaalinta u joogay Soomaaliya, oo muddooyinkii u danbeeyey si qayb qayb ah uga baxayey guud ahaan fadhiisimmadii ay ku lahaayeen dalka.
Dhacdadii Cawsaweyne ee ciidanka Soomaaliya jabku ka soo gaadhay kuwo Alshabaab ayaa ay dawladdu sheegtay in uu muujiyey, baylahda iyo gargaarka guud ee ay u baahan yihiin Ciidammada Soomaaliya, sida warqaddaasi lagu xusay.
Xilli Soomaaliya ku doodayso in wakhtiga iyo xaaladaha lagu jiraa aanay saamaxayn in dhammaan ciidammadaasi wada baxaan.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida lagu sheegay warqad qarsoodi ah oo ayaa Soomaaliya markii u horraysay ku codsatay hakin farsamo oo ku aaddan bixinta wejigii labaad ee ciidamada Hawlgalka Midowga Afrika, ee loo soo gaabiyo Atmis.
Warqaddan ku taariikhaysnayd 19-kii bisha ayaa golaha ammanka ayaa ku soo beegmaysa xilli axaddii toddobaadkan Ciidamada Midowga Afrika ee ka socda dalka Burundi ayaa ay ku wareejiyeen ciidamada Soomaaliya saldhig kale oo ay hore uga howlgali jireen, arrintaas oo bilaw u ahayd wejiga labaad ee yaraynta ciidammadii 3000 gaadhayey ee nabad ilaalinta u joogay Soomaaliya.
Istiraajiyadda bixitaanka iyo dagaalka muddooyinkii u danbeeyey ay dawladdu Federaalku kula jirtay Al-Shabaab ayaa sabab looga dhigay doonista Soomaaliya.
Soomaaliya ayaana sheegtay in 90 maalmood dib loo dhigo, xilli bisha December ay ahayd in dhammaan ciidammadaas raaca u danbeeya ka baxo guud ahaan Soomaaliya, si intaa wixii ka danbeeya ay gacan ku haynta amniga ula wareegaan ciidammada dawladda Federaalku.
Bisha Juun ee sannadka 2024 ayaana lagu sheegay warqaddaas in ay noqon doonto waqtiga ugu habboon ee ay ku bixi karaan, xilligaas oo Soomaliya ahaan doonto mid u diyaarsan bixitaanka Ciidammadan.
Bishii April ee sanadkii 2022 ayaa howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya laga baddalay magaciisii hore ee ahaa AMISOM waxaana laga dhigay ATMIS.
Ujeeddada loo baddalay magaca waxaa qeyb ka ahayd in la guda galo diyaargarowga sidii ciidankaas looga bixin lahaa Soomaaliya.
Sannad ka hor bishii March ee 2022 ayay Soomaliya u buuxsantay 15 sano kaddib markii ciidammadan la keenay Soomaaliya.
Tan iyo waagaas, si gaar ah sannadihii danbe madax iyo siyaasiyiin kala duwan ayaa qabay in la gaadhay wakhtigii Soomaaliya ay si buuxda ula wareegi lahayd amnigeeda, inkasta oo weli meelo badan oo ka mid koonfurta Soomaaliya ay weli ka jirto xaaladdii kal hore loo keenay.
Dagaalka Al-Shabaab iyo kaalinta ATMIS

Xigashada Sawirka, ATMIS
Shan iyo tobanka sano ee ay AMISOM joogtay Soomaaliya waxa ay dowladda Soomaaliya ka taageertay sugidda amniga goobaha muhiimka ah ee caasimadda, sida garoonka diyaaradaha, dekadda iyo xafiisyada madaxda sare. Waxa kale oo ay Al-Shabaab ka saartay magaalooyin muhiim ah.
Hase yeeshee waxaa lagu dhaliilay in aysan wax badan ka qaban wiiqidda awoodda Al-Shabaab oo weli khatar xooggan ku ah caasimadda iyo qeybo badan oo kamid ah Soomaaliya. Laakiin ciidamada Midowga Afrika kaalin weyn kuma leh duulaanka ka dhanka ah Al-Shabaab ee hadda socda oo loo arko kii ugu xooganaa ee jabka ugu weyn kasoo gaaro kooxda tobankii sanno ee u dambeeya, sida uu BBC u sheegay Faarax Ow Cusmaan, oo ah khabiir arrimaha amniga.
Wuxuu Faarax ku tilmaamay codsiga dowladda mid gar ah oo xaqiiqada la xiriira, isaga oo tilmaamay in dib u dhiga bixitaanka ciidamada ATMIS ee mudada kooban uu wax ka tari karo in ciidamada dowladda horey usii wadaan, una gacan banaanaadaan duulaanka ka dhanka Al-Shabaab. Codsiga dowladda ayaa loo badinayaa in uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu aqbli doono si ciidamada dowladda aysan ugu dhicin culeyska ka imaan kara inay la wareegaan masuuliyadda goobaha ay ciidamada Afrika hadda gacanta ku hayaan.
















