Sheekada haweeneyda qaxootinimada ku gashay Mareykanka ee 3-da jeer guuleystay

Ilhaan Cumar

Kursiga ugu saameynta badan ee Soomaalida waxaa dib ugu guuleysatay Ilhaan Cumar oo horay taariikhda ugu gashay ku biirista Aqalka Wakiillada Mareykanka.

Sanadkii 2019-kii ayey gabadhan kasoo jeedda Soomaaliya noqotay haweeneydii ugu horreysay ee iyadoo xijaaban ku biirta Congresska, waxayna sidoo kale ka mid ahayd labada gabdhood ee Muslimiinta ah ee loo doortay golahaas.

Ilhaan Cumar oo Congress-ka ku matasha degmada 5-aad ee gobolka Minnesota ayaa markii ay ku guuleysatay doorashadan ugu dambeysay waxa ay BBC-da u sheegtay in ay ku faraxsan tahay natiijada ay heshay.

“Waa guul kale oo Alle uu noo soo dhiciyay, waxaana rajeynayaa in dadka kale ee tartamaya ee walaalaheenna ahna in ay guuleystaan,” ayey tiri.

Haddaba maxaad ka taqaanaa nolosha Ilhan cumar?

Ilhan waxay ku guuleysatay kursiga gobolka Minnesota ee Kongreska bishii November 2016, iyadoo noqotay mid ka mid ah labada hablood ee Muslimka ah ee ugu horreeyay abid oo loo doortay aqalka Kongreska Mareykanka.

Qoyskeeda ayaa markii hore yimid Mareykanka iyagoo qaxooti ah, waxayna noqotay haweeneydii ugu horreysay oo xildhibaan ka noqoto Kongreska iyadoo xiran xijaab.

Waxaa horay loogu eedeeyay falal Yuhuud-Naceyb ah kaddib markii ay ka hadashay Isra'iil iyo kooxaha u ololeeyo dalkaas.Waxaa xitaa dhaliilay xubno ka tirsan xisbigeeda Dimuqraadiga kadibna raaligelin ayay ka bixisay waxayna sheegtay "inay qaadatay dhaleeceynta casharna ay ka baratay ".

Ilhan ayaa sidoo kale ka hadashay falalka Islaam neceybka ah ee lagula kaco Muslimiinta, xili ay ka falcelineysay hadal uu soo qoray xubin ka tirsan xisbiga Jamhuuriga isaga oo ku dhajiyay sawir muujinaya daarihii Twin Towers oo gubanaya.

Booliska ayaa ku xiray nin 55 jir ah gobolka New York, kaddib markii lagu eedeeyay inuu xafiiskeeda ku dhajiyay sawir loogu handadayo dil kaas oo uu ku sheegay inay tahay "argagixiso".

Halkan ka akhriso shan arrimood oo ku saabsan Ilhaan:

Waxay Soomaaliya ka qaxday xilligii dagaalka sokeeye iyadoo 8 sano jir ah

Muddo afar sano ayay ku nooleyd xerada qaxootiga ee Dhadhaab

Waxay Maraykanka tagtay iyadoo 12 sano jir ah

Eryada Ingirriska ee ay garaneysay markii ay Maraykanka gaartay waxay ahaayeen "hello'' iyo ''aamus'' oo kali ah

Waxay noqotay qofkii Soomaaliga ahaa ee ugu horreeyay ee lagu doorto Maraykanka.

Aabaheed (Allaha u naxariistee) ayey ka soo wada dageen garoonkii ay ka soo galeen Mareykanka

Ilhaan iyo aabaheed Cumar

Xigashada Sawirka, ILHAN OMAR TWITTER

Aabaheed (Allaha u naxariistee) ayey ka soo wada dageen garoonkii ay ka soo galeen Mareykanka

Ilhan Cumar ayaa aabaheed Nuur Cumar - Allaha u naxariistee - waxa uu ku wehliyey safar taariikhi ah, waxa ay si wada jir ah uga soo dageen garoonkii ay ka dageen markii ay Mareykanka soo galayeen muddo hadda laga joogo 25 sanadood, markaas oo ay ka soo kicitimeen xeryaha qaxootiga ee Kenya oo ay muddo ku noolaayeen.

Waxa ay waqtigaas soo qortay hadallo uu yiri aabaheed oo ah "23 sanno ka hor, aniga iyo qoyskeyga waxaan soo gaarnay garoonka diyaaradaha ee Washington annagoo qaxooti ku ah dalkan, oo markaasi ka nimid xero qaxooti oo ku taalla dalka Kenya… 23 sanno kaddib waligey kuma riyoonin in aan dib ugu laabto isla garoonkii diyaaradaha anigoo la socda gabadheyda Ilhaan, maalin ka hor inta aan loo dhaarin xilka haweeyneydii ugu horreysay ee Soomaali ah oo loo doorta xildhibaanada aqalka Kongareeska".