'Aniga oo ka cararaya rag arxan-laawayaal ah ayaan wadada ku dhalay'

Ka dib markii saddexdeeda wiil la dilay, wariye ka tirsan idaacad kutaalla Sudan sidookalena aad xaamilo ah, ayaa lug uga carartay dagaalka ka socda gobolka Darfur ee dalka Suudaan - waxayna wiil ku dhashay marinka xadka Chad.
“Intii aan wadada kusoo jiray ayay fooshu iqabatay, majirin umuliso iyo cid iga taageerta dhalmada midna ma jirin, qof walba wuxuu ka fikirayay naftiisa, qof walba wuxuu u ordayay inuu naftiisa badbaadiyo.
"Ilmaha ayaa si nabad ah ku dhashay, maro ayaan kuduubay. Wax kale kama fikirin, waxaan sii waday socodka aan ugu siijeeday magaalada Adré," Arafa Adoum ayaa tiri markii aan kula kulmay xero qaxooti oo ay ku nool yihiin tobanaan kun oo qof oo ku taal duleedka dalka Chad.

Haweeneydan oo 38 jir ah ayaa sheegtay in ay ku soo lugeysay cadceed aad u kulul meel 25km u jirta magaalada ay degan tahay ee El Geneina iyada iyo afar gabdhood oo ay dhashay, halka ninkeedana uu – ammaankiisa dartiis u qaaday waddo dheer oo dhib badan si uu xerada u gaaro.
Adoum, ayaa wiilkeeda Maxamed ugu magac dartay Nebi Maxamed NNKH.
Waxay kasoo tagtay meydadka wiilasheeda kale iyadoo aan duugin- oo ay da’doodu kala tahay saddex, toddobo iyo sagaal sano - ka dib markii sida ay sheegtay ay ay dileen Ciidamada Gargaarka Degdegga ah (RSF) iyo malleeshiyada Carbeed ee xulafada la ah oo udub dhexaad u ah dagaalka Suudaan ka socda tan iyo bishii Abriil ee sanadka 2023.
Daarfuur ayaa ah meesha ugu daran ee ay dhibaatadu ka jirto, iyadoo RSF-ta iyo malleeshiyaadka lagu eedeeyay inay isku dayeen inay gobolka ka dhisaan maamulka Carabta iyagoo "nadiifinaya" ama isir sifeynaya Afrikaanka madow - oo ay ku jiraan kuwa ka soo jeeda beesha Massalit ee ay katirsantahay Adoum.

La yaab ma leh, dagaalka El Geneina - oo taariikh ahaan calaamad u ah awoodda Afrikaanka madow ee Darfur, iyo caasimadda dhaqanka ee boqortooyada beesha Massalit - wuxuu ahaa mid xun."Waxaan isku daynay inaan is difaacno, laakiin waxay adeegsanayeen hub aad u waaweyn," ayuu yiri Sheekh Mohammed Yagoub, oo ah wadaad Muslim ah oo saameyn leh ahna hoggaamiye qabiilka Massalit, oo sidoo kale qaxooti ku noqday xerada Adré.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Aaggayaga hal maalin gudaheed, waxaan ku weynay 82 [qof] saddex saacadood gudahood," ayuu raaciyay.
RSF waxa ay beenisay in ay ku lug leedahay dagaalka, balse waxa ay sheegtay in Darfur ay kajiraan colaad dib u soo cusboonaatay oo laxiriirta colaadii hore ee u dhaxaysay kooxaha Carabta iyo qabaailka Massalit.
Mrs Adoum ayaa iyadana dhankeeda waxay sheegtay in saddexdeeda wiil lagu dilay jaamacadda El Geneina - halkaas oo ay gabaad ka dhiganayeen - ka dib markii ay duqeeyeen oo ay gubeen RSF iyo Janjaweed oo ah maleeshiyada Carabta.
" Carruurteyda waxaa ku dhacay madaafiicda waxayna ku naf waayeen isla goobtaas," ayay tiri Mrs Adoum.
Dhowr xubnood oo ka tirsan qoyskeeda ayaa sidoo kale la dilay, ayay tiri, oo uu ku jiro soddogeed, oo labadiisa lugood "laga jajabiyey", mid ka mid ah dhegahiisana laga gooyay, ka dibna xabad ay kudhufteen oo ay noolashiisa ku dhameystireen .
Mrs Adoum iyo ninkeeda ayaa markaa la cararay afartii gabdhood ee ay dhaleen, balse seygeeda ayaa soo waddooyin dhaadheer oo uu uga fogaanayo goobaha ay yaalaan jidgooyooyin ciidamada RSF-ta , maadaama ay dableyda - sida ay sheegeen dad badan oo qaxooti ah - ay dileen rag iyo wiilal katirsan qabaailka Massalit ah, mararka qaarkoodna waxay ku shubayeen batrool oo ay dab qabadsiiyeen.
Lamaanhan ayaa dib ugu midoobay xerada qaxootiga, halkaasoo ninkeeda uu markii ugu horeysay ku koolkooliyey Maxamed oo wadada kusoo dhashay-cunug ay u arkaan inuu barako u yahay ka dib markii ay waayeen saddexdoodii wiil.
Si loo soo afjaro gabood-fallada, afar dowladood oo ku yaalla bariga Afrika ayaa ku baaqay in ciidamo nabad ilaalin ah oo gobolka ah loo diro Suudaan, iyadoo madaxweynaha Kenya William Ruto uu walaac ka muujiyay in dalkaas uu “burburo”, waxuuna intaa ku daray in gobolka Darfur ay ka jiraan “calaamado muujinaya xasuuq”.

Ciidamo wadajir ah oo ka socda Qaramada Midoobay (UN) iyo kuwa Midowga Afrika (AU) ayaa ka baxay gobolka Darfur 2021, qiyaastii 18 sano ka dib colaadda halkaa ka dilaacday, taasoo sababtay dhimashada dad lagu qiyaasay 300,000 oo qof.
Colaadda ayaa ka careysiisay caalamka , iyadoo maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada (ICC) ay dacwad ku soo oogtay madaxweynihii Suudaan Cumar Al-Bashiir oo lagu eedeeyay xasuuq, dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha, taasoo uu beeniyay.
Markii ay ciidamada nabad ilaalintu ka baxeen Darfur, QM waxa ay sheegtay in go’aankan looga dan leeyahay in lagu "xoojiyo xukuumadda Suudaan si ay mas'uul uga noqoto ilaalinta nabadda gobolka".
Laakiin tan iyo markii ay ka baxeen Suudaan, Suudaan waxaa ka dhacay afgambi, waxayna gashay dagaal sokeeye bartamihii bishii Abriil ka dib markii ay isku dhaceen labadii jeneraal ee ugu awoodda badnaa - taliyaha ciidamada Abdel Fattah al-Burhan iyo taliyaha RSF Mohamed Hamdan Dagalo, oo loo yaqaan Hemedti.
Dagaalkooda ayaa dib u soo celiyay colaadda Darfur, taasoo ku qasabtay in ka badan 160,000 oo ka tirsan bulshada Massalit inay u qaxaan Chad. Ma cadda tirada dadka lagu dilay gobolka, iyadoo qiyaasta ugu yar ee dhimashada El Geneina lagu sheegay 5,000.
Sida laga soo xigtay Ururka Farmashiyeyaasha Xirfadleyda ee Suudaan, tirada ayaa intaa ka badan. Waxa ay sheegtay in 11,000 oo meyd ah lagu aasay xabaalo wadareedyo ku yaalla magaalada, halka qaar ka mid ah qaxootiga ay BBC-da u sheegeen in ay arkeen meydad lagu tuuray wabiga.











