Muxuu yahay buugga lagu sawiray Nebi Muxamed ee la doonayey in lagu dhigo dugsiyada Kenya?

book

Xigashada Sawirka, AFP

Madbacad Kenya ka jirta ayaa laa laabatay buug dugsiyeed ay daabacadaya oo uu ku jiray sawir lagu tilmaamay Nebi Muxamed (NNKH) ka dib markii ay qeylo dhaan kasoo yeertay hogaamiyayaasha Muslimiinta dalkaasi iyo waalidiinta.

Waxay ka cawdeen inay gef diimeed tahay in la sawiro nebiga iyo in la waydiiyo ardayda inay midabeeyaan sawirka.

Shirkadda Daabacaada ee Mentor ayaa sheegtay in ay ka xuntahay khaladka weyn ee ku jira buugga daraasaadka Islaamka ee ardayda fasalka labaad ee dugsiga hoose.

Qiyaastii 11% dadka Kenya waa Muslimiin, waana kooxda labaad ee ugu weyn dhanka diinta.

Sawirada Nebi Muxamed (NNKH) ayaa gef weyn ku ah Muslimiinta, iyadoo inta badan hogaamiyaasha diinta Islaamku ay sheegeen in shareecadu ay si cad u mamnuucayso sawirada Nebi Muxamed iyo Allaah.

Caalim Muslim ah oo ka soo jeeda magaalo xeebeedka dalka Kenya ee Mombasa, Sheekh Rishard Rajab Ramadhan, ayaa BBC u sheegay in buuggu "si khatar ah" u marin habaabiyay carruurta yaryar.

"Qofna waa inuusan qiyaasin, iska daa isku day uu ku sawirayo Nebi Muxamed'e. Tani waxay xitaa sababi kartaa dagaal," ayuu yiri Mr Ramadhan.

Waraaq ay u dirtay bulshada muslimiinta ah ayay madbacaddu ku sheegtay inay ku baraarugtay in waxa ku jira buug ka mid ah buugaagteeda ‘Mentor Encyclopaedia’ ee Fasalka 2-aad uu yahay "wax muqadas ku ah caqiidada Islaamka".

Masjid

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sawirka waxaa "si badheedh la'aan ah" loo dhex geliyey buugga, "waxaana si khalad ah lagu sheegay inuu yahay sawirka Nebi Muxamed", ayay tidhi maamulaha Mentor, Josephine Wanjuki.

"Waxaan si daacad ah oo niyad-sami ah raaligelin uga bixinaynaa khaladka dhacay, waxaanana naga go’an inaan hubinno in khaladkaas uusan mar dambe soo laaban," ayay raacisay.

Daabacadu waxa ay sheegtay in ay si degdeg ah uga saari doonto sawirka gefka ah dhammaan cadadyada soo socda ee buugaagta oo ay ka go'an tahay in ay la shaqeyso Golaha Waxbarashada Muslimiinta si ay u eegaan dhammaan kutubtooda.

Dhammaan macallimiinta, ardayda iyo maamulka dugsiga ee haysta nuqullada buugga waxa lagula taliyey inay u soo celiyaan madbacadda.

Sheekh Rishard Ramadhan ayaa soo dhaweeyay tallaabada dib loogu soo celinayo nuqullada buugga, balse wuxuu ku booriyay daabacayaasha inay la tashadaan hoggaamiyeyaasha Muslimiinta ka hor inta aysan daabacin kutubta Islaamka.

Cilmiga diimaha ayaa qayb ka ah manhajka dugsiyada ee dalka Kenya.

School

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xiisadihii horay uga dhashay sawiridda Nabiga

Arrinta ku saabsan sawiridda Nebi Muxamed (NNKH) iyo gubista Quraanka ayaa ahayd mid muddo dheer muran ka taagnaa dalalka reer galbeedka, waxayna xiisado ka kicisay Yurub xiiliyo kala duwan.

Sannadkii 2020-kii, macallin dugsi oo ku yaalla caasimadda Faransiiska ee Paris, Samuel Patywas ayaa qoorta laga gooyay kaddib markii uu isticmaalay sawir-gacmeedyo uu ku sameeyay Nebi Muxamed (NNKH), xilli uu cashar ka bixinayay xorriyadda hadalka.

Sannadkii 2021-kii, macallin wax ka dhiga iskuul ku yaalla magaalada Batley ee dalka Britain ayaa shaqada laga joojiyay kaddib dibadbaxyo ay sameeyeen waalidiin Muslimiin ah oo ay ku eedeeyeen inay soo bandhigeen sawir gacmeedka "aan habboonayn" ee Nebi Muxamed (NNKH).

Macallinka ayaa markii dambe dib loo soo celiyay. Baadhitaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in macalinku aanu ku talo galin inuu gef ku geysto saiiradaiisa.

Ma jiro wax mamnuuc ah oo gaar ah ama cad oo ku jira Quraanka, Kitaabka islaamka, oo ku saabsan sawirada Nebi Muxammad.

Laakin waxaa jirta tixraac ah in aan la sawirin Alle oo muslimiin badan ayaa aaminsan in sidaas oo kale ay khuseyso Nebi Muxamed.

Dhanka kale, waxaa muddooyinkii u dambeeyay kusoo badanayey dalalka Yurub siiba Denmark iyo Sweden, dadka islaam nacaybku kujiro kuwaas oo ka cadhaysiiya Muslimiinta iyaga oo geysta gefaf ay ka mid yihiin ku joogjoogsiga iyo gubista Quraanka. Dibad baxyo ballaaran ayaa meelo badan ka dhacay caalamka, kadib marki ay niman ka tirsan kooxa xagjirka ah ee Denmark iyo Sweden ay dhowr jeer oo isku dhow gubeen Kitaabka Quraanka.