Maxay la kulmaan dadka tahriibka ku gala UK ee isdhiiba?

Dadka ku jira xarun ku taalla koonfurta England.

Xaaladda xarumaha buux dhaafay ee lagu hayo dadka magangalya doonka ah ee degaanka Kent, England ayaa ah mid u dhiganta sida in ay yihiin xabsi ama goobaha lagu xannaaneeyo duur joogta, sida uu BBC u sheegay nin ka mid ah dadkii muddooyiinkii u dmabeeyay halkaasi ku jiray.

Axmed - oo magaciisa saxda ah oo magaciisa saxda ah uusan kaas ahayn ayaa dib u milicsanaya in dadka ku jira xarunta Manston loola dhaqmay sida "xayawaanka oo kale." Waxaa uu sheegay in dad tiradooda ay dhan tahay 130 lagu qasbay in ay wadaagaan hal teendho oo wayn. Wararka ayaa sheegaya in dad ka badan 4,000 oo ah muhaajriin muddooyiinkii u dmabeeyay lagu hayay xeradan oo markii hore loogu talagalay in ay qaaddo 1,600 oo qof. Xafiiska Arrimaha Gudaha ee Ingiriiska ayaa ku andacoonaya in "dhammaan baahiyaha aasaasiga ah" ee soogalootiga loo dhameystiray. Dhankiisa, wasiirka socdaalka Robert Jenrick ayaa ku adkeystay in tirada dadka ku nool xarunta Manston ay hoos u sii dhacayso. Axmed, oo ka tagay xarunta Isniintii ka dib 24 maalmood oo uu halkaas ku sugnaa, ayaa sheegay in lagu qasbay inuu dhulka seexdo, loona diiday inuu aado musqusha, qubeyska iyo inuu jimicsi sameeyo. Wiilkan dhalinyarada ah ayaa BBC-da u sheegay in uu dalkiisa uga soo cararay isaga oo raadinaya xorriyada iyo si uu uga hortago in la dhibaateeyo.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in uu dalkiisa isaga soo cararay ka dib markii uu naftiisa u baqay.

Axmed ayaa xusay in muhaajiriinta ku sugnaa xarunta laga hor istaagay in ay wacaan qoysaskooda si ay u ogaadaan in ay si nabad ah ku tageen dalka UK. "24-kii maalmood ee aan joogay, maan waci karin qoyskeyga si ay u ogaadaan inaan dhintay iyo inaan noolahay, waxba igama ogeyn," ayuu yiri. "Dhammaan dadka meesha jooga waxay leeyihiin qoys, waa inay ogaadaan waxa nagu dhacaya."

Xarunta magangalya-doonka ee Manston ee dgaanka Kent.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Manston, oo hore u ahaan jirtay saldhig milatari oo ku yaal Kent, ayaa loo baddalay xarun lagu qaabilo dadka soo galootiga ah bishii February si wax looga qabto tirada sii kordhaysa ee muhaajiriinta imanaysa UK iyagoo soo raaca doomo yaryar. Dadka muhaajiriinta ah ayaa ku qasban in ay halkaas joogaan muddo gaaban inta lagu guda jiro hubinta amniga iyo baaridda aqoonsiyadooda iyo halka ay ka soo jeedaan. Ka dib, waa in lagu wareejiyo waaxda socdaalka ee xafiiska arrimaha gudaha oo la wareegta hoy siintooda.

Xaruntan lagu sii hayo dadka magangalyo-doonka ah ee Manston ayaa noqtay mid buux dhaaftay dhamaadkii todobaadkan ka dib markii 700 oo muhaajiriin ah laga soo wareejiyay xarun kale oo ku taal Dover, taasi oo la gubay.

Dhowr boqol oo magangalyo doon ah ayaa laga raray xarunta Manston Talaadadii, waxaa sidaasi sheegay xildhibaanka deegaanka Kent Roger Gale.

Sawir loo soo diray BBC

Si kastaba ha ahaatee, hay'adda Laanqayrta Cas ee Ingiriiska waxay sheegtay in "dhibaatooyinka halista ah ee Manston ay yihiin kuwo muujinaya dhibaatooyinka ballaaran ee soo food saaray nidaamka magangalyo-doonka dalka UK" .

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sannadkan waxa soo galay UK tiro badan oo soo galooti ah. Ilaa hadda sanadkan, 40,000 oo muhaajiriin ah ayaa soo gaaray Kent, kuwaas oo ku dhawaad ​​1,000 ka mid ah ay Sabtidii oo keliya ka gudbeen dhanka kanaalka. Dhanka kale, BBC-du waxay heshay sawirrada carruur iyaga oo aan waalidkood la socon dalka imanaya, kuwaasi oo lagu qasbay in ay dhulka seexdaan markii ay tageen xarun kale oo ku taal Kent.

Sawirradu waxay muujinayaan qol aad loo qurxiyey, oo leh buugaag yar iyo qalab kale kaasi oo malaha loogu talagalay in waqtiga ay isku dhaafiyaan dadka haalkasi ku jira. Waxaa sidoo kale sawirada ka muuqda qoraallo luuqado kala duwan ah oo darbiyada ku xardhan . Xaruntan ayaa waxaa lagu diiwaangaliyaa carruurta aysan waalidkood wehelin ee magangalyo-doonka ah. Afhayeen u hadashay Xafiiska Arrimaha Gudaha ayaa tiri: "Xarunta Manston waxay sii ahaan doontaa meel leh agabka lagama maarmaanka u ah nolosha si loogu sii shaqeeyo dadka muhaajiriinta ah, waxaannuna siin doonnaa hoy dheeraad ah sida ugu dhakhsaha badan." Dowladda ayaa cadaadis weyn kala kulmeysa sidii ay ula tacaali laheyd kororka muhaajiriinta dalka ku soo galaya doonyaha yar yar iyo in la dedejiyo hannaanka la mariyo dadka muhaajiriinta ah ee horey ugu sugnaa UK. Xoghayaha arrimaha gudaha Suella Braverman ayay xisbiyada mucaaradku ku eedeeyeen inay iska dhego tirtay talada sharci ee ay kula taliyeen taasi oo ah inay raadsato huteello si wax looga qabto ciriiriga ka jira bartamaha Kent, arrintaas oo ay beeniyeen siyaasiyiinta muxaafidka ah. Braverman ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay isticmaashay ereyo kicin ah, ka dib markii ay sheegtay in koonfurta England ay wajahso "duullaan" soogalootiga ah.

Dhanka kale, afhayeen u hadlay dowladda ayaa sheegay in Raysul wasaare Rishi Sunak uu golihiisa wasiirrada ugu sheegay shir ay yeesheen Talaadadii in Britain "ay mar walba noqon doonto waddan naxariis badan oo soo dhaweyn leh."