Loollanka Erdogan uu wajahayo iyo hardanka looga jiro doorashada Turkiga

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo hoggaanka dalka Turkiga soo hayey in ka badan 20 sano wuxuu haatan la kulmayaa loollanki doorashada oo abid ugu adkaa.
Lix xisbi oo mucaarad ah ayaa u midoobay doorashada madaxtinimada iyo tan baarlamanka oo 14-ka May dhaceyso, iyaga oo madaxtinimada u soo xusahay Kemal Kilicdaroglu.
Turkiga oo muuqda inta uu xilka qabtay Erdogan inuu keligii-talisnimo dalkaasi ku mamulayey ayey mucaaradka doonayaan iney wax ka baddalaan.
Waxaana si gaar ah Erdogan u nugleeyey sicir bararka cirka isku shareeray welina taagan iyo dhul gariirki mataanaha ahaa ee sababay dhimashada inka badan 50,000 oo qof.
Musharraxa hela kala bar iyo wixi ka sarreeya codka doorashada dhaceyso 14-ka May laga dhiibto ayaana noqonaya musharraxa guuleysta.
Haddii wareegga koobaad lagu kala bixi waayana laba toddobaad gudahood waxaa la aadayaa wareegga labaad ee doorashada.
Caqabadaha Erdogan uu doorashada ka wajahayo

Xigashada Sawirka, MUSTAFA KAMACI/ANADOLU AGENCY VIA GETTY IMAGES
Codbixiyeyaasha Turkiga sanada badan waxay ahaayeen kuwa dhinac ka raran, balse Erdogan oo 69 jir ah wuxuu haatan wajahayaa cadaadis xooggan oo aan horay loo arag, sida ra'yi uruurinta la sameeyey ay muujinayaan musharraxa Erdogan xlilka kula tartamaya ay rajadiisu wanaagsan tahay.
Xisbiga AK ee madaxweyne Erdogan wuxuu siyaasadda Turkiga uu ka soo muuqday bishii November 2002, halka hoggaanka dalka Turkigana uu qabtay wixi ka dambeeyey 2003-dii.
Erdogan oo muddo Raysal wasaare soo ahaa wuxuu xilka madaxweynaha uu qabtay 2014-kii, halka 2016-dina uu ka badbaaday afgambi dhicisoobay.
Qaar ka mdi ah shacabka dalkaasi Turkiga Madaxweynaha waxay ku eedeeyaan sicir bararka inuu sii huriyey kaddib marki uu isbaddal ku sameeyey dulsaarka lacagaha.
Sicir bararka ka taagan dalka Turkiga ayey dowladdu ku sheegtay 50% inuu gaaray halka ay khubaraduna sheegayaan 100% inuu ka sarreeyo.
Xukumadda Erdogan waxaa lagu dhaleeceeyaa sida ay u maareysay iyo jawaabta ay ka bixisay dhulgariirkii mataanaha ahaa ee dalka Turkiga ku dhuftay 6-dii Febraayo.
Malaayiin shacab ah oo ku nool 11 gobol oo Turkiga ka tirsan ayaa ku guryo beelay. Iyada oo deegaannada uu dhul gariirka ku dhuftay badankood ay ahaayeen deegaanno uu ku xooggan yahay xisbiga Erdogan oo ay codad badan uga soo dhacaan..

Xigashada Sawirka, ERDEM SAHIN/EPA-EFE/REX/SHUTTERSTOCK
Lix Xisbi oo mucaarad ah ooh al musharrax isku raacay
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kemal Kilicdaroglu, oo ah 74 jir hoggaamiya xisbiga mucaaradka Turkiga ugu weyne ee CHP siyaasaddiisuna tahay bidixda-dhexe wuxuu horay ugu guul darreystay doorashooyin uu madaxtinimo iisu soo taagay.
Balse doorashada sanadkan dhaceyso uu musharraxa ka yahay wuxuu uga duwan yahay waa musharraxa keli ah oo ay isku raaceen lix xisbi oo mucaarad ah.
Kamal Kilicdaroglu hoggaanka xulafada mucaaradka ee ay isbahaysteen wuxuu kula heeshiiyey hoggaamiyeyaasha xisbiyadaasi iney iyaguna wadaagaan xilka madaxweyne ku xigeenka.
Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee ay Kurdiyiintu leeyihiin ee HDP wuxuu doorashadan ku tilmaamay ‘mid muhiim u ah taariikhda dalka Turkiga’.
Mr Kilicdaroglu oo horay shaqaale dowladeed u soo ahaa wuxuu soo hoggaamiyey mudaharaadki caddaalad doonka ahaa oo 24 maalmood socday oo dalka Turkiga ka dhacay 2017-kii
Xisbiyada mucaaradka ee iisu baheysaty loollanka doorashada madaxtinimada Turkiga waxay doonayaan nidaamka Madaxweynanimada uu Erdogan jideeyey iney baddalaan kuna baddalaan nidaam baarlamaani ah.
Si ay nidaamkaasi u baddalaanna waxay u baahan yihiin kuraasta baarlamaanka Turkiga oo 600 ka kooban, 400 oo ka mid ah iney helaan si ay afti sharcigaasi lagu baddalayo ay golaha uga meel mariyaan.

Xigashada Sawirka, Reuters
Siduu codka u dhacayaa?
Xisbiyada si ay kuraas uga helaan baarlamaanka Turkiga ee ka kooban 600 kursi xisbi kasta oo xulafada ka mid ah wuxuu u baahan yahay inuu helo ugu yaraan 7% dadka doorashada codkooda ka dhiibtay. Waana sababta isbahaysiga uu muhiim ugu yahay dalka Turkiga.
Lixda xisbi ee mucaaradka ah oo doorashada iisu baheystayna waxay doonayaan iney ka dhabeeyaan mid ka mid ah isbaddallada ay soo jeediyeen.
Meral Aksener, oo ah hogaamiyaha xisbiga ‘Good Party’, waa mid ka mid ah taageerayaasha ugu weyn ee isbahaysiga mucaaradka.
Lixdaasi xisbi ee isbahaysiga mucaaradka ka tirsan afar ka mid ah waa xisbiya yaryar oo tabar badan laheen balse waxaa xisbiyadaasi si weyn uga muuqdo labada xisbiga ee kala ah CHP iyo Good Party.
Isbaddallada uu Erdogan ku sameeyey nidaamka dowliga ah waxaa ka mid ah madaxweynaha inuu yahay kan dowladda soo dhisayo maadaamaa uu Raysal wasaare laheen.
Xisbiga ‘Isbahaysiga Shacbiga’ la baxay oo si weyn u taageera Erdogan baarlamaanka dalka Turkiga ee hadda jira waxay ku leeyihiin 334 kursi.
Erdogan oo laba muddo xileed madaxweyne soo ahaa, inuu marki seddexaad uu madaxweynanimo u taratamo waxay ka horimaneysaa shuruucda dastuurka dalka Turkiga.
Siyaasiyiinta mucaaradka guddiga doorashada Turkiga ee loo soo gaabiyo YSK waxay u soo jeediyeen musharraxnimada madaweyne Edrogan iney aqbalin.
Lixda xisbi ee doorashada iisu baheystay oo doorashada Turkiga kula loollamaya madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan waxay doonayaan iney wax ka baddalaan siyaasadda Turkiga uu ku doonayo inuu ku biro Midowga Yurub, iyo in la soo celiyo danaha siyaasadeed ee kala dhaxeeya dowladda Mareykanka iyo xiriirki xumaaday sanadihi uu Erdogan talada dalkaasi hayey.
Waxaa kale oo ay doonayaan sicir bararka dalkaasi ka taagan laba sano gudahood iney gaarsiiyaan 10%, qoxootiga Suuriya ee dalka Turkiga ku sugan si rabitaan ah dalkooda dib loogu celiyo. Dalka Turkiga oo marti geliyey in ka badan 3.6 Malyan oo qoxooti Suuriyaan ah.












